Axmad cali cigaal iyo Khadra dahir cige - Cashar baa la ii dhigay - Qaraami

Поделиться
HTML-код
  • Опубликовано: 7 янв 2025

Комментарии • 1

  • @RadioQaraami
    @RadioQaraami 5 месяцев назад +1

    QORAALKA HEESTA ( LYRICS )
    Cigaal
    Cadceediyo inan yahay
    Hadhka geedku laba cayn
    Cisho nool ba weeyee
    Haddii aan ku baday ciil
    Caloolyowna kugu riday
    Nabsigii isoo celi
    Cabashana ku baanee
    Haddaan caawa kuu imi
    Adiguna canaadiyo
    Ka cad gooso hays odhan
    Cashar baa la ii dhigay
    Aan ku cibro qaatee
    Cadhadii iska iloow
    Khadra
    Calool nugulidaayeey
    Madigay cawaansaday
    Haddaad ciidda hoosiyo
    Gashid meel cidhiidhiya
    Ama ay col iyo guluf
    Warmo kaaga cararaan
    Walee ciidan kuma taro
    Waxba hay calaacalin
    Markaan caada tiigsaday
    Adaa laydha ka cabee
    Cigaal
    Hadduu cararo inan yahay
    Cawl uu nin ragi ganay
    Dantu way cuslaysaa
    Cirka sare shimbir u lalay
    Cabaar waa ka dabadii
    Soo dhiga cagaha oo
    Ma huraayo ciiddee
    Haddaan caawa kuu imi
    Adiguna canaadiyo
    Ka cad gooso hays odhan
    Cashar baa la ii dhigay
    Aan ku cibro qaatee
    Cadhadii iska iloow
    Khadra
    U adkeyso caashaqa
    Qayrkaana ha ceebayn
    Naftaad cadowga u ahayd
    Cisi kuma tareysee
    Maaba sida janada caad
    Cirka sare laguu diro
    Anna aan caweystee
    Waxba hay calaacalin
    Markaan caada tiigsaday
    Adaa laydha ka cabee!.
    Erayada Abwaan Huryo 1975
    Laxanka Axmed CALI Cigaal
    Kabanka Mahamud I Hudeydi AHN