Muuse ismaaciil Qalinle | Ubaxoo dilaacay | Qaraami | Lyrics

Поделиться
HTML-код
  • Опубликовано: 8 фев 2025
  • Muuse ismaaciil (Qalinle ) | Ubaxoo dilaacay | Qaraami | Lyrics
    • Muuse ismaaciil Qalinl...

Комментарии • 1

  • @Qaraamiyahan
    @Qaraamiyahan 6 месяцев назад +1

    QORAALKA HEESTA (LYRICS)
    Ubaxoo dilaacaay
    Dawadii nafteeydaay
    Haween taan ka doortaay
    Sida dayaxa nuuraay
    Habeen Dadan hilaaceey
    Waqalkii daruurtaay
    Darmaantaan jeclaayeey
    Heedhe waan ku dirayaa
    Dagmadaan ku gaadhsiin
    Waa laguu dabaaldagi
    Durbaanbaa laguu tumi
    Waxaa iga dardaaran ah
    Duco duug ma noqotee
    Doog iyo dareemadu
    Quraxduna dalaalimo
    Dadku aabahaa iyo
    Deeqay hooyadaa noqoy
    Ha daganee hooy dadoow
    Ma hungoowdo daacadee
    Ku dagaali maayaan
    Kula doodi maayaan
    Kuna dayrin maayaan
    Geelu waa ku dararaa
    Arigu waa ka daranyahay
    Caanahaa durduroo
    Dabad baa laguu lisi
    Doqon yaan laguugu odhan
    Dudma yaan lagaa garan
    Awrta dabarka la ogoow
    Waxaa iga dardaaran ah
    Duco duug ma noqotee
    Doog iyo dareemadu
    Quraxduna dalaalimo
    Dadku aabahaa iyo
    Deeqaay hooyadaa noqoy
    Ha daganee hooy dadoow
    Ma hungoowdo daacadee
    Degelada dushoodiyo
    Duleedkaad u yara bixi
    Durdadaad mar soo mari
    Dhulka daawan doontaa
    Danta lagama boodee
    Waxaa jira dillaal-iyo
    Kuwa diradiraaloo
    Isku keeyn diraayee
    Ayan la isku keeyn dirin
    Nacab yuu inakala dilin
    Waxaa iga dardaaran ah
    Duco duug ma noqotee
    Doog iyo dareemadu
    Quraxduna dalaalimo
    Dadku aabahaa iyo
    Deeqaay hooyadaa noqoy
    Hadaganee hooy dadoow
    Ma hungoowdo daacadee.
    HEESTA: DEEQA / UBAXOO DILAACAAY
    ERAYADA: XASAN QAWDHAN YUUSUF
    LUUQDA: MUUSE ISMAACIIL QALINLE
    LYRICS: DHUGMAAL LYRICS CHANNEL.