#Heestu waa qiso dhab ah oo aan dhammaan balse joogto ah waxayna ka waramaysaa Askariga Ilaalada ah ama (BODY GUARD) u ah Madaxweynaha, Wasiirka,Ama Saraakiisha Ciidamada IWM, Sida ay ugu dhiban yihiin shaqada naf hurnimada ah ee ay dadka iyo dalka u hayaan iyo sida aan loo dhaadanayn siiba qofka uu ilaaliyaa aanu xaqiisa iyo xuquuqdiisa ama waxa uu ka mudan yahay u garan una dhayal sado Sida Erayada ama baydadka dambe ee heestu tibaaxayaan waa Dhibta uu askarigu u maro ilaalinta Saraakiisha iyo madaxda ka saraysa heestii kale- ee Askarta ciidamada qaranka soomaaliyeed loo qaadayna waatay ahayd. Nin Laggu seexdoow Ha seexan xilbaad Siddaa ha seexan Ha seexan ha seexan Soo jeedoo si weyna U Feejignoow. Erayada heesta waxa iska lahaa Abwaan YUUSUF Mohamed Ahmed Yuusuf Jafaal oo la sheego inuu qisada uga waramay nimay saaxiibo ahaayeen Yuusuf oo Askari ama (BODY GUARD) u ahaa Ahmed Saleebaan Dafle Oo ka tirsanaa ahaana hogaankii Ciidankii Asluubta dawladii kacaanka Soomaaliyeed Qisada heestu waa qiso siyaabo badan loo dhigo Laakiin Mucda iyo muhiimadu waa in heestani ay Jacaylk ka madax banaantahay Dareenka heestuna uu dareen Garnaqsi Askarino uun Yahay. Erayada heestana waxa ka mid ah. #Page1 Aduun baan wax dhaadine Amba dhibaha jiilaal Xiliyadan isdhalan rogay Dhibtaan kaa ilaashee Dhaxantiyo Abaarahan Kaa dhawray haddimoo Dhibta subag Lo'aad iyo Ku cabsiiyey dhaydoo Yey dhicin intaa Laa Dhugan waayey taydoo Dheel dheeli awgaa Igu dhaaftay maalmoo Igu dheeridaa ma Dhool gaaxday baad tahy? Mana soo dhawaatide! Ma middaad u dhalataa? Ma middaad u dhalataayee Ma middaad u dhalataa?. #Page2 Siddooa laydha jaawiray Ku dul dherer sanahayoo Adduun baan ku dhawraa Dhanna kaama aaddee Dhilowyahan sidiisii Intaan kugu dhalloolaan Dhexda kuugu duubnaa Haddaan dhagaxa soo guro Ama aan dhulkaba qoddo Dhirtaa ii magooshaan Dheef noqon lahaydoo Dhexda maan ka liiceen Igu dheeridaa ma Dhool gaaxday baad Tahay Mana soo dhawaatide Ma middaad u dhalataa? Ma middaad u dhalataa eey Ma middaad u dhalataa?. #Page3 Dhabbaduu dul seexdaan Dhibkanay ********** Dhoobi kaa jiraan ahay Dhaxantiyo dugaagoo Annoo dhool arrooryaad Dharabtiisii igu taal Dhud markaad u toostaad Dheeraad igu Fashaayoo Dhaxalkayga uma hello Siddaan kuugu dhiibtoo Hadda dhimashadayduna Dhagartaada weeyaan #Chorus: Igu dheeridaa ma dhool Gaaxday baad tahay Manna soo dhawaatide Ma middaad u dhalataa?. Ma middaad u dhalataa eey Ma mid aad u dhalataa?. Maidaad u dhalataa?. Erayada Yuusuf Jafaal Laxanka hassan aadan Codka Hassan Aadan
#Heestu waa qiso dhab ah oo aan dhammaan balse joogto ah waxayna ka waramaysaa Askariga Ilaalada ah ama (BODY GUARD) u ah Madaxweynaha, Wasiirka,Ama Saraakiisha Ciidamada IWM, Sida ay ugu dhiban yihiin shaqada naf hurnimada ah ee ay dadka iyo dalka u hayaan iyo sida aan loo dhaadanayn siiba qofka uu ilaaliyaa aanu xaqiisa iyo xuquuqdiisa ama waxa uu ka mudan yahay u garan una dhayal sado Sida Erayada ama baydadka dambe ee heestu tibaaxayaan waa Dhibta uu askarigu u maro ilaalinta Saraakiisha iyo madaxda ka saraysa heestii kale- ee Askarta ciidamada qaranka soomaaliyeed loo qaadayna waatay ahayd.
Nin Laggu seexdoow
Ha seexan xilbaad
Siddaa ha seexan
Ha seexan ha seexan
Soo jeedoo si weyna
U Feejignoow.
Erayada heesta waxa iska lahaa Abwaan YUUSUF Mohamed Ahmed Yuusuf Jafaal oo la sheego inuu qisada uga waramay nimay saaxiibo ahaayeen Yuusuf oo Askari ama (BODY GUARD) u ahaa Ahmed Saleebaan Dafle Oo ka tirsanaa ahaana hogaankii Ciidankii Asluubta dawladii kacaanka Soomaaliyeed Qisada heestu waa qiso siyaabo badan loo dhigo Laakiin Mucda iyo muhiimadu waa in heestani ay Jacaylk ka madax banaantahay Dareenka heestuna uu dareen Garnaqsi Askarino uun Yahay.
Erayada heestana waxa ka mid ah.
#Page1
Aduun baan wax dhaadine
Amba dhibaha jiilaal
Xiliyadan isdhalan rogay
Dhibtaan kaa ilaashee
Dhaxantiyo Abaarahan
Kaa dhawray haddimoo
Dhibta subag Lo'aad iyo
Ku cabsiiyey dhaydoo
Yey dhicin intaa Laa
Dhugan waayey taydoo
Dheel dheeli awgaa
Igu dhaaftay maalmoo
Igu dheeridaa ma
Dhool gaaxday baad tahy?
Mana soo dhawaatide!
Ma middaad u dhalataa?
Ma middaad u dhalataayee
Ma middaad u dhalataa?.
#Page2
Siddooa laydha jaawiray
Ku dul dherer sanahayoo
Adduun baan ku dhawraa
Dhanna kaama aaddee
Dhilowyahan sidiisii
Intaan kugu dhalloolaan
Dhexda kuugu duubnaa
Haddaan dhagaxa soo guro
Ama aan dhulkaba qoddo
Dhirtaa ii magooshaan
Dheef noqon lahaydoo
Dhexda maan ka liiceen
Igu dheeridaa ma
Dhool gaaxday baad Tahay
Mana soo dhawaatide
Ma middaad u dhalataa?
Ma middaad u dhalataa eey
Ma middaad u dhalataa?.
#Page3
Dhabbaduu dul seexdaan
Dhibkanay **********
Dhoobi kaa jiraan ahay
Dhaxantiyo dugaagoo
Annoo dhool arrooryaad
Dharabtiisii igu taal
Dhud markaad u toostaad
Dheeraad igu Fashaayoo
Dhaxalkayga uma hello
Siddaan kuugu dhiibtoo
Hadda dhimashadayduna
Dhagartaada weeyaan
#Chorus:
Igu dheeridaa ma dhool
Gaaxday baad tahay
Manna soo dhawaatide
Ma middaad u dhalataa?.
Ma middaad u dhalataa eey
Ma mid aad u dhalataa?.
Maidaad u dhalataa?.
Erayada Yuusuf Jafaal
Laxanka hassan aadan
Codka Hassan Aadan