Ilaahay haku barakeeyo. Ilaahay Cilmiga diinta haku baro oo ha kugu hanuuniyo cibaadadiisa Iyo wanaaga. Meesha af Somali ayaan ka raadsanayay ee waad i caawisay, anoo af somali helay oo dambiga muusiga ka badbaaday ayaan ka tagayaa.
@@hodani7275 Aamiin wllo Alle ducadaasi hay aqbalo adigana ajarkeeda ha ku siiyo, waad mahadsantahay runtii Soo dhowow #Wixii aan awoodo ee aan kugu dhaamo waan kuu faa'iidaynayaa Wllo Inshallah waad ila Soo xidhiidhi kartaa . Mahadsanid 👋
16/08/2024 shaqo ano ku jiro ayay iga qbty dhqgysigeda waxa igu dambeysay 2020 mar aan xamar joogay oo aan qaaci ku tuman jirnay blse hada magaaladaydiii iyo qaacigiiba wan u xiisay😢
Mirihii xasan jacayl iyo codkii cabdi tahliil warsame allah uwada unaxariisto labadaba.
24Aug 2024friday korinthos Athens Greece 🇬🇷 shaqo ayaa ka imid alx marki ugu horeysay an arko wayo hestan ❤
Erey Bixinta Heesta .
1: Jacayl aayatiin leh = Jacayl mustaqbal leh .
2: Udub = waa tiir , weliba tiirka guriga miyiga lagu dhiso tiir dhexaad /udub dhexaad.
3: Muday = taagey ama dhulka ka taagey .
4: Abaydin = Caana_Yaqaan .(Caano _yaqaan )
tusaale abaydinku waa qofka ama neefka yar ee weli aan caano dayn ee Hooyadii jaqa .
5: Afeeftan taan lahaa ❎ baydkan waa khaldanyahay saaxiib ee qoraalka sax .
Waxa uu ku saxyahay Sidan .
5: Afeefo Dan taan lahaa ✅
a) Afeef = waa hadal hordhac ah ama waa hordhac .
6: Intifaac = waa erey carabi ah oo macnihiisu yahay (Waxtar /Waxtar leh).
7: Uur xumo = calool xumo .
8: Oori = Afo, marwo , waa qofka dumar ah ee la qabo .
10: Ablay/ Abley = waa tooray Af badan .
11: Asaraar = waa muran
12: Eed = waa dhib , tusaale waad maqashay hebel waa eedaysane ama waa dhibane .
13: Xin /Xinka = Xinku waa sida laba qof oo aan waxba isku ogolayn oo midba kale waxa uu qabto lidkii qabanayo isaga oo ku xumaynaya kan kale .
14: Nafsaa dhexdeenan ka Oogan ❎ qoraalka sax saaxiib.
14: Nabsaa dhexdeenan ka Oogan ✅ =yacnii nabsi ayaa dhexdeenan yaala .
a) Ka Oogan = ka shidan/ yaala
15: Ilduuf = waa gef ama khalad aad ka fiirsasho la'aan usamayso .
16: Eex /eexasho = waa ka hiilin ,
tusaale sida adiga oo laba qof mid uhiilinaya kan kalena ka eexanaya oo dulmiyaya .
17: Oomani ❎ qoraaka ereyga waa qalad saaxiib.
17: Oomane ✅ = Waa meel aan biyo lahayn .
a) Oomane ku guushay = waa guul Ooman.
# inta badan geela marka uu ceelka ku socdo waxaa la dhehaa habeenkaa uu dhexda u sii hoydo( Guul Ooman )
Marka uu soo Cabo ee soo fulo waxaa la dhehaa habeenkaa ( Guul Cokan) .
18: Aroori Shub baan lahaa = ceelka gey oo biyaha ushub baan lahaa .
a) Aroori = waa Marka xoolaha la waraab geynayo ee ceelka loo wado ayaa la dhehaa Aroori ,Sidoo kale Aroori waa meel magaceed .
19: Irmaan /Irmaanka =. Waa geela inta Irmaan ee caanaha laga maalo .
20: Aagaamo / Aagaan = waa hadhuubka caanaha lagu shubo siiba kan haanta ayaa la dhehaa Aagaan .
21: Culid / Culasho = Culidu waa nadiifin , weliba weelka dhirta lag jaro ayaa la culaa inta badan oo qori qiiq leh lagu culaa .
22: Oofshay = Gutay / ka Soo baxaya .
23: Aamin xumo = Kalsooni darro .
#Qofkii waxaan khalday saxaya ama waxaan ka tegey ku daraya Waan Soo dhowaynayaa
Mahadsanid.
28Th /April/ 2024
Maalin axad ah weekend.
Juba South Sudan
Mahadsanid brother
Wallee aniga mafahmeen
❤ very much appreciated ❤
Sidaa waqtiga u galisay kuma aadan khasaarin oo dad badan ayaa kaa faaiiday
Ilaahay haku barakeeyo. Ilaahay Cilmiga diinta haku baro oo ha kugu hanuuniyo cibaadadiisa Iyo wanaaga. Meesha af Somali ayaan ka raadsanayay ee waad i caawisay, anoo af somali helay oo dambiga muusiga ka badbaaday ayaan ka tagayaa.
@@hodani7275 Aamiin wllo Alle ducadaasi hay aqbalo adigana ajarkeeda ha ku siiyo, waad mahadsantahay runtii Soo dhowow
#Wixii aan awoodo ee aan kugu dhaamo waan kuu faa'iidaynayaa Wllo Inshallah waad ila Soo xidhiidhi kartaa .
Mahadsanid 👋
Nasab sharaf iyo karaamo korkaaga ha ahaato dad badan baad u faaiidaysay carriga wali rag baa ku dhaqan wan ku farxay
Waa 14.08.2024
Waxaan safar u ahay Berlin Germany
Heestu waa ii baxaysaa oo safarka bay ii qurxisay
Alle ha u naxariisto abdi Tahliil
😊
Allaha u naxariisto
Gor sheegtu waa 1:00habeenimo
15/05/2024
Meeshu waa diridhaba
Mirqaankuna cirkuu marayaa😅
Eesh calaa cod allah haw naxariisto
16/08/2024 shaqo ano ku jiro ayay iga qbty dhqgysigeda waxa igu dambeysay 2020 mar aan xamar joogay oo aan qaaci ku tuman jirnay blse hada magaaladaydiii iyo qaacigiiba wan u xiisay😢
24 oct 2024
2012 /ayaan dhageestey
Afeefo dantaan lahaa micnaha dantayda araar ama hordhac usamee baan lahaa
Sunday 11 August 2024
Maalintan waa maalin aan Aad ufaraxsanahay waxaan farxada laqaybsanayaa jacaylkaygii aan aadka ujeclaa xaflada arooskeeda
xaflada arooskina mze xaflada arooskeeda
❤❤❤❤❤
❤❤
💔💔