Abwaan Cadhays Ciise Kaarshe 🔥Iyo

Поделиться
HTML-код
  • Опубликовано: 1 фев 2025

Комментарии • 133

  • @SafiaJama-s4c
    @SafiaJama-s4c Месяц назад +3

    Dhaqankeenaan Fiican iyo Codkaan aan caadiga ahayn Soomaali waan ka tagnay Soomaali Dhooylaay wax kasta ka tagnay xagee u soconaa MOOYI ALLOOW NOO GARGAAR

    • @AxmedBahjad
      @AxmedBahjad Месяц назад +1

      Magacaagu af-Soomaali ahaan uma qorna.
      Ka bilow halkaas haddii aad jeceshay dhaqanka iyo afka hooyo.

  • @hawraarsame1603
    @hawraarsame1603 3 года назад +10

    Ragmahaa dunida ka hoyday carays ciisow eebe naxariistii Jano hakaa waraabiyo Aamiin

  • @rukiajamal-fh5dx
    @rukiajamal-fh5dx Год назад +2

    Mar waliba oo aan maqlo codkan hallaasiga ah ee Aun Careys ciise kaarshe run ahaantii waxaan dareema dib ugocasho ba'an

  • @muxamad8022
    @muxamad8022 3 года назад +7

    2021 lama heli karaa qof sidaan oo kale afsoomaliga qani ugu ah oo xaaladda jirto cabiro,
    Ilahay ha u naxariisto abwaan careeys

  • @abdillahi7943
    @abdillahi7943 Год назад +1

    1965 yaan xifdiyay gabeygan, canug yar yaan ahaa! Alxamdulilaah.

    • @guulwade989
      @guulwade989 2 месяца назад

      Gabay mahan adeer wa saar isku mid mahan maansada wey kala baxda gabay,saar,hees,buranbur ,shirib iyo kuwa kale oo badan

  • @shamsaali9918
    @shamsaali9918 4 года назад +7

    Masha allah he wos
    Leggend alayarxamu
    Amiin Amiin

  • @Yasin-kj1us
    @Yasin-kj1us 4 года назад +10

    ASC. SAAXIIB MAGACA ABWAANKA ISKA SAX.MAAHA CADHAYS MA TAASAAD KEENTAY.
    MAGACU WAA ABWAAN CARAYS CIISE KAARSHE.
    ALLAHAYOW U NAXARIISTO. AAMIN

  • @jamalmohamed8766
    @jamalmohamed8766 3 года назад +27

    Careys Ciise (AUN) dad badan oo qabiilkiisa is weydiinayo baan meelo badan oo saarkiisa lasoo geliyay ku arkay.....Careys wuxuu ahaa nin Awrtable ah ama Yuusuf Daarood hadbo sidaad u taqaano,Awrtablaha.Qabiilku wax xun ma'aha qabyaaladase xun

    • @abdulahiibrahim926
      @abdulahiibrahim926 3 года назад +3

      Allaha ha unaxaristo qabil waxba mataro walal abwaan somaliyed ayu ahaa

    • @calikashkaabdicasiis1734
      @calikashkaabdicasiis1734 3 года назад +1

      Sxb haa wa Awrtable, muuse ibrahim, ah waliba

    • @anigah
      @anigah 3 года назад +2

      Nin Somali ayuu ahaa. Intaas ayaa nagu filan.
      But if you know more details about his life then please share

    • @ahmedcabdiwahid6462
      @ahmedcabdiwahid6462 9 месяцев назад

      Kkk qabiilkisa yaa kuwdydiyey

    • @aliabdi8347
      @aliabdi8347 4 месяца назад

      Iskadaa qabiilkiisa ee deegankiisa mataqaanaa?

  • @SafiaJama-s4c
    @SafiaJama-s4c Месяц назад

    Waa wada MURTI ALLOOW KUU NAXARIISO RAG WAA RAGII HORE

  • @cabdillaahiboosti1745
    @cabdillaahiboosti1745 3 года назад +2

    Ilaahay naxariistii janno haka waraabiyo wuxuu inooka tegey sugaan ay kudheehantahay hufnaan wadan jacayl iyo soomaalinimo ilaahow kuu naxariiso qabrigaaga alle hakadhigo beer beeraha jannada kamida

  • @cabdishakur01
    @cabdishakur01 4 года назад +9

    Carays ciise kaarshe Allah naxaristiisa janada ka waraabiyo Abwaan ilaahay xigmad siiyay buu aha
    Waxaan jeclaan laha kalmadaha in aad soo raacisaan kalmada cusub oo laga tagay oo badan baan maqlaya runtii👍

  • @mohamudhilowle8650
    @mohamudhilowle8650 3 месяца назад +1

    Allow u naxariiso GEERAAR yahan, wadani iyo aftahan buu ahaa. Sharaf raggii horaa lahaa.

  • @Xxc-zu2xm
    @Xxc-zu2xm 2 месяца назад +1

    Alaha u naxariisto abwaan careys ciise Aamiin

  • @SamsamAbdi-iw5po
    @SamsamAbdi-iw5po 2 месяца назад +1

    Yusuf darood naneyas❤owartable

  • @ashamohamud5038
    @ashamohamud5038 4 месяца назад +2

    Allaha u naxariis siyaadiyo Carays iyo dhaan waaridkeen iyo mu'miniinta oo dhan insha Allahu. Dadkii Soomaaliyeed oo waxgaradka ahaa mindhaa Carays Ciisaa udambeeyey waxa maanta socdana waa ujeednaah

  • @ayaanlecabdiraxman3568
    @ayaanlecabdiraxman3568 Месяц назад

    Aduunyo billaash waabay soomaali gob ahayd

  • @ardoahmed3070
    @ardoahmed3070 4 года назад +6

    Masha allah waa run abwaan careys ciise illahey ha u naxriisto

  • @essaessa6538
    @essaessa6538 4 года назад +13

    Mansha,allah. Allaha u Naxariisto Abwaanka! janatul fardowsa insha,allah.

  • @maxameddeeq7647
    @maxameddeeq7647 4 года назад +22

    Wan layabay saarka carays ciise sugaanta iyo af somaliga sida ilahay ugu deeqay quruxda iyo farshaxanimada aun

  • @dadirmohmud3432
    @dadirmohmud3432 4 года назад +6

    Alallaha ha unaxariisto Abwaan CAREYS.

  • @axmed_deeq
    @axmed_deeq 4 года назад +11

    Mansha Alaah. Aunto Careys Ciise Kaarshe. Saararkiisa aad baan u jeclahay. Mahadsanid WWW

  • @abdiazizjama4290
    @abdiazizjama4290 2 месяца назад

    Allaha u naxariisto career ciise.

  • @mohamudaliabi5890
    @mohamudaliabi5890 3 года назад +1

    naxariistii jano alah hasiiyo geesi abwaan iyo wadani aanbiyo ismarin

  • @somalinato2169
    @somalinato2169 3 года назад +1

    Ramadán mubarak.
    all muslim brother & sister
    number 13 imbertente.
    18&19 be love..🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇹🇷🇹🇷🇹🇷🙏🙏🙏😎 aniga w aniga..

  • @safiyasaid9189
    @safiyasaid9189 4 года назад +4

    Allah ha u naxariisto marxuumka Adeerkey ah

  • @yasminliban8083
    @yasminliban8083 4 года назад +4

    Wll Aad iyo aad Ayaa
    UMAHAD SANTHY Ee
    SOOBADI CAREY CIISE KAARSHE💖💖💖💖💖💘💘💘💘💘💖💖💖💖

  • @munamoh254
    @munamoh254 4 года назад +5

    Qofka cinwaanka qoray magaca iska sax wax walba oo xarafka R lehi dh maaha ( carays ciise kaarshe )allaha u naxariisto waana inaan isku aqbalno lahjadaheena af soomaaliga waana shay caadi ah oo ummadaha aduunka oo dhami leeyihiin somalida uun baa isku faquuqda ama qalad isugu arka illaahay ha is keen tuso waxaan nahay.

  • @Ismaaciilreermiyi
    @Ismaaciilreermiyi Год назад +1

    Shacabka Sscoow Maamulka Puntland Adaa Dhistay Shacabka Majeerteen Waa Harti Godka maamulka Hargeysa Bakhtiga Ha La Baxeen

    • @MusaMunyiva
      @MusaMunyiva 4 месяца назад

      @@Ismaaciilreermiyi shaydaanyahow umada ha iskudirin Ilaah kabaq qabiil jano kugelin mayee

  • @banadirchannel8187
    @banadirchannel8187 4 года назад +21

    KOLKAAN GEESTEYDA DAYO
    WAXBAAN SOO GOCANAYAA
    ILAAHEEY BAAN GEFINEE
    HADDII" AAN GIBIL.DHACAA
    GOD IGA HOOSEEYA"IYO
    XABAAL.GEESKEEDA" IYO
    GO"DOON BAAN MARAHAYAA
    DHULKAAN GOOBAAYO"IYO
    GANTAAL.MEESHAAN.KU WADO
    GUDIGU WAA.INEY GARTAAN
    ALLAHA U NAXARIISTO
    MURTI GOD BUU LA GALAY

  • @jawahirmohammed3123
    @jawahirmohammed3123 3 года назад +1

    War madashid miya mashaallah

  • @hassandare5790
    @hassandare5790 3 года назад

    Alaha unaxaristo careys ciise karshe lashinki saarka

  • @aminaabdi2192
    @aminaabdi2192 4 месяца назад

    Allah hownaxariisto aameen yaa rabbicalameen

  • @Ismaaciilreermiyi
    @Ismaaciilreermiyi 2 года назад +1

    Viva Shacabka Soomaalia

  • @Ismaaciilreermiyi
    @Ismaaciilreermiyi 2 года назад +1

    Allow U Naxiiso

  • @canabsiciid9689
    @canabsiciid9689 4 года назад +5

    Ilaahay ha u naxariisto amiin

  • @abdullahiosman6700
    @abdullahiosman6700 4 года назад +2

    Aun careys ciise xikmaad illah kumaneysi

  • @BulshoMooge2
    @BulshoMooge2 4 года назад +1

    Ilahey ha u naxaristo cares ciise karshe

    • @saidoahmed1238
      @saidoahmed1238 4 года назад +1

      Murti iyo hadal waa kii hore

    • @saidoahmed1238
      @saidoahmed1238 4 года назад +1

      Rag waa kii hore hadalna waa kii dheheen

    • @saidoahmed1238
      @saidoahmed1238 4 года назад +1

      Aad baan u jeclahay godshavnene iyo dhaqanka gabayada iyo maahmaahda iyo ciyaaraha🍧waa wax loo baahanyahay in la ilaaøiyo

    • @saidoahmed1238
      @saidoahmed1238 4 года назад

      Luwadeeni waa gabawsi waa in MSR labaad la qoraa afkeena hooyo iyo gabayada

  • @suwaysfarah5317
    @suwaysfarah5317 3 года назад +1

    Khadiijo qalanjo ayaan arkaa

  • @m.ciideed
    @m.ciideed Год назад +1

    Saar: Sow Lama Gudbana.
    Erayada: Carays Ciise Kaarshe.
    Codka: Carays Ciise Kaarshe.
    ………………………………………………
    Ileen waa taan lahaa:
    G-baa gabay laga galaa,
    Gawaan waa lagu kufaa,
    Gabiib waa la cuskadaa,
    Gaw waa laga dhaadhacaa.
    ………………
    G-dii kale waxaan lahaa:
    Nin haduu geesi yahay,
    Asii loo sheegto garab,
    Inuu goob xaarta iyo,
    Guntigu sow lama gudbana.
    ………………
    G-dii kale waxaan lahaa:
    Haday naag gaari tahay,
    Iyada oo joogta guri,
    Gayaankeed soo galaa,
    Gambarkay qaadatoo,
    Haasaawaha gaabsataa,
    Kolkaa sow lama gudbana.
    ………………
    G-dii kale waxaan lahaa:
    Kufkeed gabadhaan la siin,
    Asaan lagu reebin guri,
    Dharkoo ay gaabsatiyo,
    Gantaal wiil soo ganiyo,
    Garacu sow lama gudbana.
    ………………
    G-dii kale waxaan lahaa:
    Gar cadow goor la isku naqay,
    Gacalo aan la isku gelin,
    Gebida kii hoos u rogoo,
    Aan gudan gooshiguu lahaa,
    Inuu guud yeesho iyo,
    Gambadu sow lama gudbana.
    ………………
    G-dii kale waxaan lahaa:
    Habeen geyruhu dhiciyo,
    Gudcurka uu galowgu ciyay,
    Fulaygu waa inuu gabadee,
    Ninkaan aarkiisa gudan,
    Adoogii gocasha iyo,
    Gablamay sow lama gudbana.
    ………………
    G-dii kale waxaan lahaa:
    Guddiga kii loo baxshoo,
    Go'aan laga dhowrayaa,
    Inuu xaajada galiyo,
    Gar-naqid sow lama gudbana.
    ………………
    G-dii kale waxaan lahaa:
    Gudoonkii dowladana,
    Nin yiri gaarbaan ka mari,
    Inuu gaal-shire galiyo,
    Ganaax sow lama gudbana.
    ………………
    G-dii kale waxaan lahaa:
    Abaar kululaatayoo,
    Xooluhu ay kaa gureen,
    Dadkuna gaajaysan yahay,
    Nin gu' uga da'ay galbeed,
    Gaadiidka u soo qabtiyo,
    Geeddigu sow lama gudbana.
    ………………
    G-dii kale waxaan lahaa:
    Cirkoo soo gootayoo,
    Gufaaciyo galangal wada,
    Ninkii aan guri lahayn,
    Garka uu lowyaha gashiyo,
    Gariir sow lama gudbana.
    ………………
    G-dii kale waxaan lahaa:
    Nin guur waydiisan jiray,
    Reer gabadhii gacaliso ah,
    Hadii loo soo gelbiyo,
    Gaadada uu kaga jiriyo,
    Gahgahi sow lama gudbana.
    ………………
    G-dii kale waxaan lahaa:
    Nin laylkii gudahayana,
    Libaax gaajaysanoo,
    Wax dhan kayn jiifi jiray,
    Hadduu gees kaga gurxamo.
    Fulayga aan kaadsan iyo,
    Geergeeruhu wuu gartaye,
    Golxobka inuu la baxoo,
    Kir dhoho sow lama gudbana.
    ………………
    G-dii kale waxaan lahaa:
    Gammaan dheerayn jiroo,
    Garmaamayn lagu yaqiin,
    Haduu gaabshow noqdaa,
    Xakamahoo lagu gubiyo,
    Garbaash sow lama gudbana.
    ………………
    G-dii kale waxaan lahaa:
    Baabuur guurayn hayoo,
    Shufeerkii gudin yaqiin,
    Gam'aanyo ay qabatayoo,
    Jidkuna galanjaati yahay,
    Haddan loo sacabo godin,
    Gaddoon sow lama gudbana.
    ………………
    G-dii kale waxaan lahaa:
    Garruud waynaadayoo,
    Micidu ay tahay galool,
    Hadii geel lagu daraa,
    Galooftuu gorarsho iyo,
    Gulgulo sow lama gudbana.
    ………………
    G-dii kale waxaan lahaa:
    Hal garab waynaysayoo,
    Gu' hogadii kuu dhashoo,
    Guumis laga gowracoo,
    Guux-olol iyo godol-naq iyo,
    Gabbaansi aan laga helayn.
    In koortii laga furtoo,
    Gesiisiga lagu ridoo,
    La gado sow lama gudbana.
    ………………
    G-dii kale waxaan lahaa:
    Gembiga goortii la galoo,
    Ninkay guushu u martana,
    Inuu gaafmeero iyo,
    Gooddigu sow lama gudbana.
    ………………
    G-dii kale waxaan lahaa:
    Nin geed kaa soo luloo,
    God dheer kuu qodahayoo,
    Gacala aan kuu galayn,
    Gadaalna aan kaaga baqin,
    Garka inuu feerto iyo,
    Geeraar sow lama gudbana.
    ………………
    G-dii kale waxaan lahaa:
    Nin goobaa gobanimana,
    Galad loo siin mayee,
    Inuu ruuxa u gadiyo,
    Geeridu sow lama gudbana.
    ………………
    G-dii kale waxaan lahaa:
    Nin gudurkiisii tukiyo,
    Waraabuhu guran hayana,
    Hadduu lee yahay garaad,
    Inuu goolgoosho iyo,
    Guhaad sow lama gudbana.
    ………………
    G-dii kale waxaan lahaa:
    Nin geelii laga dhacoo,
    Galaayuusku u baxoo,
    Gurdanku u yeerayana,
    Hurdadu geesey ka tahee,
    Habeenkaa gocasha iyo,
    Galgalad sow lama gudbana.
    ………………
    G-dii kale waxaan lahaa:
    Wadnaha gaarkiisa iyo,
    Nin labadiisii gacmood,
    Lakala googoyn hayaa,
    Inuu goonyaha dhugta oo,
    Ka kaco sow lama gudbana.
    ………………
    Goosan gaadiid watiyo,
    Nimay guuto u baxdoo,
    Lagu gubo goor iyo ayaan,
    Hadii aan gacan la siin,
    Inuu garanuug noqdoo,
    Geedaha hoostooda galo,
    Taasuna sow lama gudbana.
    ………………
    G-dii kale waxaan lahaa:
    Walaalkaa oo kufayo,
    Kolnaba aan kici karayn,
    Kor kuu soo eegayana,
    Inaad garab joogsatiyo,
    Gar-gaar sow lama gudbana.
    ………………
    G-dii kale waxaan lahaa:
    Gabbaan jeer hore gurtiyo,
    Ma aan ihi neef gawaray,
    Intaa waa gogol dhigiyo,
    Waxaa igu laaban gugac.
    ………………
    G-dii kale waxaan lahaa:
    Kolkaan geestayda dayo,
    Waxbaan soo gocan hayaa,
    Ilaahaybaan gefine,
    Hadii aan gebi dhacaa.
    God iga hooseeya iyo,
    Xabaal geeskeedi iyo,
    Go'doon baan marahayaaye,
    Dhulkaan goobaayo iyo,
    Gantaal meeshaan ku wado,
    Guddigu waa inuu gartaa.
    ………………
    G-dii kale waxaan lahaa:
    Xalay goor gelin dhexe ah,
    Aniga oo gama'san buu,
    Intuu koodka ila koray,
    Dhulkeenii ila garamay.
    Wuxuu yiri: waa gubnahay,
    Geestiinaa gugu ka da'ay,
    Abaarbaa igu gudbane,
    Maxaad ii geli kartaan?
    ………………
    Waxaan iri: waa gartaa,
    Gommoonaan inaad qabtaa,
    Anba waan garan hayaa.
    Gu' sooraa soo gugcoo,
    Waxaa dhacay galangalkii,
    Geel-doojihiyo gufaacadu,
    Waa dhowdahay.
    Galladi kuu soo gashayo,
    Kolkaan guul baa hartaye,
    Garwaaqsiinta iga daa.
    ………………
    Wuxuu yiri: waan gubnahay,
    Gurri iyo guul baan qabaa,
    Waxaa ii dheer gantaal,
    Hurdada aad uma gam'ee,
    Maxaad ii geli kartaan?
    ………………
    Waxaan iri: waa gartaa,
    Gommoonaan inaad qabtaa,
    Anba waan garan hayaa.
    Gu' sooraa soo gugcoo,
    Waxaa dhacay galangalkii,
    Geel-doojihiyo gufaacadu,
    Waa dhowdahay.
    Galladi kuu soo gashayo,
    Kolkaan guul baa hartaye,
    Garwaaqsiinta iga daa.
    ………………
    Wuxuu yiri: waan gubnahay,
    Guumays geed saaran iyo,
    Waxaa igu yeeray galow,
    Gorgorbaa igu gablahe,
    Maxaa ii geli kartaan?
    ………………
    Waxaan iri: waa gartaa,
    Gommoonaan inaad qabtaa,
    Anba waan garan hayaa.
    Gu' sooraa soo gugcoo,
    Waxaa dhacay galangalkii,
    Geel-doojihiyo gufaacadu,
    Waa dhowdahay.
    Galladi kuu soo gashayo,
    Kolkaan guul baa hartaye,
    Garwaaqsiinta iga daa.
    ………………
    Wuxuu yiri: waan gubnahay,
    Dharaar soo joogta gelin,
    Habeen baa ii galoo,
    Gudcur baan taagnahaye,
    Maxaad ii geli kartaan?
    ………………
    Waxaan iri: waa gartaa,
    Gommoonaan inaad qabtaa,
    Anba waan garan hayaa.
    Gu' sooraa soo gugcoo,
    Waxaa dhacay galangalkii,
    Geel-doojihiyo gufaacadu,
    Waa dhowdahay.
    Galladi kuu soo gashayo,
    Kolkaan guul baa hartaye,
    Garwaaqsiinta iga daa.
    ………………
    Wuxuu yiri: waan gubnahay,
    Cirkaygiiyoo godladoo,
    Biyuhu goonyaha yihiin,
    Harraad baan uga go'aye,
    Maxaad ii geli kartaan?
    ………………
    Waxaan iri: waa gartaa,
    Gommoonaan inaad qabtaa,
    Anba waan garan hayaa.
    Gu' sooraa soo gugcoo,
    Waxaa dhacay galangalkii,
    Geel-doojihiyo gufaacadu,
    Waa dhowdahay.
    Galladi kuu soo gashayo,
    Kolkaan guul baa hartaye,
    Garwaaqsiinta iga daa.
    ………………
    Wuxuu yiri: waan gubnahay,
    Gu'giisii nimuu da'oo,
    Gal iyo goof iyo galeen,
    Galaaska haduu gashado,
    Garruun loo haysta oo,
    La guulaa baan ahaye,
    Maxaad ii geli kartaan?
    ………………
    Waxaan iri: waa gartaa,
    Gommoonaan inaad qabtaa,
    Anba waan garan hayaa.
    Gu' sooraa soo gugcoo,
    Waxaa dhacay galangalkii,
    Geel-doojihiyo gufaacadu,
    Waa dhowdahay.
    Galladi kuu soo gashayo,
    Kolkaan guul baa hartaye,
    Garwaaqsiinta iga daa.
    ………………
    Wuxuu yiri: waa gubnahay,
    Nin gaadiid laga dhigtoo,
    Wax giilkii dhaafsan iyo,
    Gurgur lagu daarayoo,
    Isaga oon qabin garow,
    Garba-beelaan ahaye,
    Maxaa ii geli kartaan?
    ………………
    Waxaan iri: waa gartaa,
    Gommoonaan inaad qabtaa,
    Anba waan garan hayaa.
    Gu' sooraa soo gugcoo,
    Waxaa dhacay galangalkii,
    Geel-doojihiyo gufaacadu,
    Waa dhowdahay.
    Galladi kuu soo gashayo,
    Kolkaan guul baa hartaye,
    Garwaaqsiinta iga daa.
    ………………
    Wuxuu yiri: waan gubnahay,
    Nin garab loo sheegtayoo,
    Farduhuu kooraysan jiray,
    Gawaan raac lagu dhuftoo,
    Gurdankoodii maqloo,
    Ka daba gowgow lahoo,
    Aan gaarayn baan ahaye,
    Maxaad ii geli kartaan?
    ………………
    Waxaan iri: waa gartaa,
    Gommoonaan inaad qabtaa,
    Anba waan garan hayaa.
    Gu' sooraa soo gugcoo,
    Waxaa dhacay galangalkii,
    Geel-doojihiyo gufaacadu,
    Waa dhowdahay.
    Galladi kuu soo gashayo,
    Kolkaan guul baa hartaye,
    Garwaaqsiinta iga daa.
    ………………

  • @nimosuleiman9493
    @nimosuleiman9493 3 года назад +1

    Allah ha u naxariisto

  • @aliabdi8347
    @aliabdi8347 4 года назад +1

    Soomaalidu sideedaba garab isma siisa. Waqtiga saarkan la tiriyay 1962-63
    Qeyb soomaaliya baa gumeystahii haysta, Waa calaacalayaan garab nasii bay leeyihiin, kuwii kale waxay leeyihiin calaacalka inagaa daa inagaba dhibka waan soo marnay, waad ka bixi doonta ee adkeeysi yeelo

  • @habibomohammed282
    @habibomohammed282 3 года назад +1

    Allow u naxariisa wiil carays ciise oo kale gabi billa music ah noo soo qaada maxaa loo waayay oo dalkeena iyo dadkeena iyo diinteena soo amaana hadana asi ahaan u cod mac

  • @ahmedcabdirisaaq2402
    @ahmedcabdirisaaq2402 4 года назад +5

    Allaha u naxariisto

  • @saylirobleh5698
    @saylirobleh5698 4 года назад +7

    nin haduu geesi yahay asii loo sheegto galad inuu goob xaarto iyo guntiga sow lama gudbana

  • @maloaxmed6559
    @maloaxmed6559 4 года назад +3

    Waheesihi canka ahaa

  • @suleekhacismaan5696
    @suleekhacismaan5696 4 года назад +1

    allaah ha u naxariisto

    • @saadawaleh2532
      @saadawaleh2532 4 года назад

      Car heesihii hore ee itoobiya soo heela sida heesihii maryan tallan iyo axmad gidaaya etc

  • @roblemaer4834
    @roblemaer4834 4 года назад +6

    Saar dhiillo badan sita. Marxuum Carays ereyada uu adeegsaday baa muujinaya hodantinimada af Soomaaliga. Kaalshire 😂

    • @ELMANSSON
      @ELMANSSON 4 года назад

      Dhillo aaaaa

    • @essaessa6538
      @essaessa6538 4 года назад

      @@ELMANSSON .Asc waxaa uu ka wadaa saar dheello badan oo meello badan ka hadlaayo!

    • @roblemaer4834
      @roblemaer4834 4 года назад +1

      @@ELMANSSON Waan saxay (dhiillo).

    • @abdirahmanhusien6174
      @abdirahmanhusien6174 4 года назад

      @@roblemaer4834 intuu af somaali intuu hodan ku yahy imsa eray carabi ku jrto

  • @sal8017
    @sal8017 4 года назад +3

    Safku waa gabadh wiil
    Qof in la fasahaado rabiy oo xishoodku tago ayaa sidan muslimiinta u safay
    Mar hadii maskaxda lagaa gumaysto xor uma noqon kartid Caqiidadaada iyo dhaqankkaaga toosan

    • @Kendndnd
      @Kendndnd Год назад

      Kala tag meeshan wahabism lagama jeclo

  • @billeosman5120
    @billeosman5120 4 года назад +2

    Qaldan qaalan
    Cadhays kulaha

  • @mursalismail1961
    @mursalismail1961 4 года назад +1

    Ilaahayow u naxariiso

  • @osmanyussuf7069
    @osmanyussuf7069 4 года назад +2

    Yaa Rabbi xata magici masixi waydey Cary's maxa kuu diidy inaad tidhahdo

  • @dhawaaqlaheeyn7137
    @dhawaaqlaheeyn7137 3 года назад +1

    🇸🇴 1:47
    Waa war-kaa, lakiin Qabiil baa laga doortay Doowlad nimo.
    5:30

  • @abdirashidahmed650
    @abdirashidahmed650 3 года назад

    Xender

  • @SafaMarwa-ww8wc
    @SafaMarwa-ww8wc 4 месяца назад +1

    Waxaad mooda inuu maanta joogo

  • @xasanraxayste1202
    @xasanraxayste1202 3 года назад

    Hadiikale,waxanlahaa

  • @hereaftergolory9114
    @hereaftergolory9114 4 года назад

    Jannadii allow kaa waraabi

  • @tashadetuff5503
    @tashadetuff5503 3 года назад +2

    Kufkeet gabadhaan lasiin hadaan lagurebin guriga dharkoo ey gaabsata gantaal wiil so ganiyo garaco solamagudbana

    • @leylanuur3816
      @leylanuur3816 3 года назад

      Kufkeet maxaa looga jeedaa wixii usheegay hadaa arkaa

    • @AyanAyan-rm5lu
      @AyanAyan-rm5lu 3 месяца назад

      @@leylanuur3816 kufkeet yacnihi Ka ku haboon ( gayaankeed)

  • @aminaahmed5903
    @aminaahmed5903 4 года назад +3

    Gobonimo doonka hadaan ubahanahay

  • @abuukaribrahim9546
    @abuukaribrahim9546 3 года назад

    great poem rag waa ragii hore
    hada gabdhaha aya wiilasha shukaansada lol

  • @yonis-kin7966
    @yonis-kin7966 Год назад

    "SOW LAMA GUDBANA"
    Yep

  • @asliahmed-murmann7538
    @asliahmed-murmann7538 3 года назад

    Super

  • @balldontlie3940
    @balldontlie3940 3 года назад +1

    macalinki rapka

  • @hamzayahya7406
    @hamzayahya7406 2 года назад

    Wow

  • @warsamesaleban4702
    @warsamesaleban4702 4 года назад

    Guuul

  • @sahalfaaraxmaxamed5282
    @sahalfaaraxmaxamed5282 3 года назад

    Sahal

  • @shugrimaxmuudshugribila4833
    @shugrimaxmuudshugribila4833 4 года назад +1

    waaw

  • @waamasatahywbaba290
    @waamasatahywbaba290 4 года назад +1

    No1

  • @maloaxmed6559
    @maloaxmed6559 4 года назад +2

    Waxuyidhi

  • @abdideysane4380
    @abdideysane4380 4 года назад +1

    Ok

  • @craxmaanmuuse9813
    @craxmaanmuuse9813 2 года назад

    Cadhays ciise taaladiisu waxay aad yaabkeedu uga jiray xalane. Cajiibku wuxu ahaa abkay shaqaale oo dhan ka lagu tababaro caafimaadka lagu tooso iyo kala dambaynta dawlad lagu daadaheeyo. U fududaydee dadkii dawladii iyo dslkii berigaa. Doqonay dabkaa ba' xussssss bay xabaashaasi u tahay mashruuucaa..

  • @mohamedabdullahi2376
    @mohamedabdullahi2376 3 года назад

    Abwanka gabadhisa waxa kufsadey farmajo

  • @asliahmed-murmann7538
    @asliahmed-murmann7538 4 года назад +1

    💞

  • @hussenabdi6496
    @hussenabdi6496 4 года назад

    As.

  • @abdullahiomarali5241
    @abdullahiomarali5241 4 года назад +1

    ilhow u naxiroso waxan maqley jantuuski siyaad bare xalane u direy abwanaka isgo da ah oo aan kari karin xero ciidan

  • @SamsamAbdi-iw5po
    @SamsamAbdi-iw5po 2 месяца назад

    Awrtabe

  • @dualeabdiwarsame9911
    @dualeabdiwarsame9911 4 года назад +4

    Himilo faya-dhowre company'Somali bureau standard SOBS sustainability demoqradic kaalmo nuura eridecate illiteracy#

  • @shugrimaxmuudshugribila4833
    @shugrimaxmuudshugribila4833 4 года назад +1

    ❤❤❤❤❤

  • @aaminaidiris6050
    @aaminaidiris6050 4 года назад

    😁😁😁😁😁😁😉

  • @riduanabukar7754
    @riduanabukar7754 3 года назад

    Byf

  • @CawiifZaki-qb4ro
    @CawiifZaki-qb4ro Год назад

    Hhhhh

  • @cabdirisaaqaadan7789
    @cabdirisaaqaadan7789 3 года назад

    mi

  • @warsancali6527
    @warsancali6527 3 года назад

    1p1aa

  • @abshirali313
    @abshirali313 2 месяца назад +1

    Allaha u naxariisto

  • @abdirashidahmed650
    @abdirashidahmed650 3 года назад

    Xender

  • @yusufkadare6498
    @yusufkadare6498 3 года назад

    Allah ha unaxariisto