Xasan Aadan iyo Sahra Axmed Heestii | Sayloo Guyaal Badan | Hees Qaraami Xul ah With Lyrics

Поделиться
HTML-код
  • Опубликовано: 4 дек 2024

Комментарии • 19

  • @qabyo7071
    @qabyo7071 5 месяцев назад +2

    Heestan waxaan bartay 2013 anoo miyi jooga ❤❤❤❤❤😊

  • @Qaraami_music
    @Qaraami_music 2 месяца назад +5

    Dixi iyo dareemo waa doog dhulka ka baxa
    2 guulaamo waa roobka daruurta hor socoda
    3 midab sibaakha waa dhowr midab marka ay kulmaan
    4 sagal qurcudkuna helay oo sagaya xareedaa dhijaama iyo wixii lamid
    5 saxal cudur lahaynoo waa xanuu kudhaca xoolaha iyo dadkaba
    6 seeto iyo dabar waxaa la dhahaa
    Horta labadaba waxaa loo isticmaalaa geela seeto waa marka cagaha xadiga lagaga xidho loo kala fogeeyo dabana waa marka lugaha laysdulsaaro
    Sohduna waa ceelka reerka u dhow
    Salaadiina roorsaday waa awrku marka uu abaahinayo hasha
    Ugubkii usaniyoo waa qaalmaha cusub ee aan wax hore dhalin marka uu awrku abaahinayo
    Surmo dheeer la tiigsaday waa marka uu qooorta qoorta u saaro 😂😂😂😂😂 afsomaaliga barta kaabe

    • @JanankaUK
      @JanankaUK 26 дней назад

      Aad ayaa ufahantay somaliga thanks bro 😎

    • @devya6230
      @devya6230 2 дня назад

  • @museismailmuuseismail7598
    @museismailmuuseismail7598 2 месяца назад

    The best Grestest off all time👋

  • @abdihaybe8961
    @abdihaybe8961 Месяц назад +1

    waxaan rabaa in ereyadaan lasoo shego macnahood
    1 sayloo guyaal badan, waa maxay saylo
    2 seelseelna loo dagay wa maxay seel seeel
    3 sidigtii laalays maxa laga wadaa sidigta laalays
    4 sange subag idaad iyo sumul baradii lagu shubat, maxay kala yihiin sange iyo sumul
    5 maxaa laga wadaa soh, ama sohda
    6 muxu yahay seer maweyde
    7 waqal sin dadab ah iyo guulaamo socota, maxa yihiin waqal iyo guulaamo
    8 maxa lagawada madow suul dhalaal xiga iyo midab sibaaq ah

  • @farxaanmuse2226
    @farxaanmuse2226 5 месяцев назад

    Axyaa hees ❤😊

  • @SacdaSacda-t7t
    @SacdaSacda-t7t 2 месяца назад

    Heesna waxaan bartay 2011 anoo jooga engiriiska

  • @CabdiqadirQadir-d6y
    @CabdiqadirQadir-d6y 3 месяца назад

    Thank ❤❤

  • @CABDIxakiin-hj1eq
    @CABDIxakiin-hj1eq 2 месяца назад

    Say Guyaaad.

  • @siidcumar-yj1gi
    @siidcumar-yj1gi 5 месяцев назад +1

    Waxan fasir urabaa erayadaan
    1 Dixi
    2 guulaamo
    3 midabka sibaaqa ah
    4 sagaya xareedaa xareed waa fahmay sagayaa muxuu yahay
    5 saxal ma'aha saxar erayaga saxal baan rabaa fasirkiisa not saxar
    6 seeto iyo dabarna iikala sheega
    7: sohdu tahay agtiisa soh maxay ula jeedaa
    8 salaadiina roorsaday? Ugubkii usaniyoo? surma dheer latiigsaday?

  • @ZamZam-bl7ue
    @ZamZam-bl7ue 6 месяцев назад +1

    Afsomali yaa yaqan oo noo sharaxaya

    • @Bagagac
      @Bagagac 5 месяцев назад

      Wll inta aad fahmin ula tak qofka kugu dhaw oo Somaliya ah

    • @MarwaanMukhtar-oo8tu
      @MarwaanMukhtar-oo8tu 5 месяцев назад +1

      Aniga 😮

    • @Bagagac
      @Bagagac 5 месяцев назад

      @@MarwaanMukhtar-oo8tu Miya isla joogtan

  • @SuugaanDhaadhiSuugaanDhaadhi
    @SuugaanDhaadhiSuugaanDhaadhi 6 месяцев назад +2

    #LyricssongSayla
    #PAGE:1
    #HASSANAADAN
    Sayloo guyaad badan
    Soo baxa kaliishii
    Seel seel na loo dagay
    Sanad geelu badi dhalay
    Oy sidigtii Laalays
    Nirguhu aanany socod baran
    Reeraha dushoodiyo
    Kaymo sare Loo dhigay
    Oo igadh mid yari sabo
    Maqaar Lagu salaaxay
    Saameeshay gaawaha
    Oo baarqab soohani
    Isagoo ah Laba sabar
    Soofeeyey micidoo
    Ka sanqadhiyey doobtii
    Salaadiina roorsaday
    Ugubkii u saniyoo
    Surma dheer La tiigsaday
    Saqdii dhexena roob helay
    Subaxii bariisada
    Sideedaan jaleecada
    Saxan saxo udgoon badan
    Sanka kuula raacaa
    #SAHRAAHMED AHUN
    Sange subag idaad iyo
    Sumal badhidii Lagu shubay
    Ooy sabada ceelkiyo
    Sohdu tahay Agtiisoo
    Loogu dhaansho sacabada
    Oo sudiyo hawd sare
    Sadex guure daaqoo
    Weli aan sed yari arag
    Oo seeto iyo dabar
    Labadaba ka saahiday
    Oo salow dagaaliyo
    Sidii geyn saraayaha
    Oo sararta naaxdiyo
    Timuhu ay isku seexdeen
    Oo sayn gargoortii
    Loo salaaxo guudkoo
    Saxarkii ku duuliyo
    Looga maydho siigada
    Loo saaro Kooraha
    Cigaalkiina Loo sudhay
    Sara joogle iyo muuq
    Adaa suuradiisa Leh
    #HASSANAADAN
    Sagal gaaxday
    Roob subax
    Seerma waydo soo guray
    Waaguna ku saro kacay
    Cad ceedu La siman tahay
    Nuurkuna Sabootiyey
    Oo waql sindanab iyo
    Guulaamo socotiyo
    Kala soocday dhibicdii
    Oo midab sibaakhiyo
    Cadaan wada siraatiyo
    Madow suul dhalaal xiga
    Sadexdaa miduun yahay
    Qof suureeyey kala garan
    Oo beel sanaagiyo
    Ku surmiday saraar godan
    SaadaaLinaysoo
    Bal halkuu ku simo iyo
    Sugayaan halkuu helo
    Subixii bariisada
    Sidoodaan jaleecada
    Saxan saxo udgoon badan
    Sanka kuula raacaa
    #SAHRAAHMEDAHUN
    Dhulka saacu wada gaadh
    Waanu kala sad roonyee
    Meel idaha seel u leh
    Riyahana salool u leh
    OO geela saar u leh
    OO dirir sagaariyo
    Sagal gororkuna helay
    Sagayaa xareedaa
    Biyuhuna sun sumayaan
    OO saawa saawiyo
    Saxal cudur lahaynoo
    Salka looga dhigay nabad
    OO sararta naaxdiyo
    Simantahay dureemadu
    OO sebiga caanihii
    Lagu siiyey golihii
    Habluhuna sibraar iyo
    Dhiilo saabka loo tolay
    Sinta bidix ku qaadeen
    Subaxii bariisada sideedaan
    Jaleecada saxan saxo
    Udgoon badan
    Sanka kuula raacaa.
    Erayadii Xasan X X Ganney
    Laxankii Abdikarim Faarax Qaarey.
    Codkii Hassan aadan iyo Sahra. AHN

  • @SacdaSacda-t7t
    @SacdaSacda-t7t 2 месяца назад

    Aallllllĺlllllllllhfs5 vjvy