Размер видео: 1280 X 720853 X 480640 X 360
Показать панель управления
Автовоспроизведение
Автоповтор
ERAYADA HEESTA LYRICS #XASANDIIRIYENimuu dhabarku Dhabarku Jaban yahayDhaq dhaqaaqi maayeeSidaan dhawr habeen qadayDhafooradu i JiiteeWaa dhaawacaagiiWaxanaan La dhuubteeMarkii aan ku dhawrabaDhibaa ii kordhaysee#HIBONUURAMarkii hore dhitiyo subagDhay baan filaayeeDhiil madhan adoo sidaDhabta igaga tuurteeDharab orodka xoolahaDhurwaagaa ku LaayeeAni dhedo iyo ceeryaanHaygu odhan ka dhaanseeDhalanteedku waa midaan IGA dhaadhacayne#XASANDIIRIYENinkii dhiiranaan jirayWakhtigaa dhantaalooDhaaxaan itaalkayAmba dhaban adaygeeDhudhun iyo LaxaadkiiWax ku dheefi waayeeHagar kuguma dhaafineDhadhaab bay hor yaalee#HIBONUURAAqal dhinac banaan yahayDhaxan kaama celiyeeDharaartii aan baahnaaIGU dhago adaygteeDhuubkaa kolay tahayKama helin dhaqaaleeWaadigii i dhigay meelDhamac iyo AbaarooDhalan teedku waaMidaan iga dhaadhacayne#XASANDIIRIYESidii dheeha geelooDhaameel hawdka daaqdooDhanihii BulaaliyoDhoobaale JoogtaaAma tahay dhir canabaadDhaayaha U roonteeWeli waan dhursugayaaInaan wada dhamaynee#HIBONUURANinkii dhuumanaayeeDhabarkiisu MuuqdeeDhakhso Loo OgaadaadSidiisii ka DhigantooHadalkaa dhansaarka ahKaa dhagaysan maayee EEHadii ay dhab kaa tahahDhaar may maraysaaMise kala dhaqaaqnayeSidaasaan ku dhaafaa?.==================END.RAXMAANKU haw naxariistoEREYADA Mohamed Ali Kaariye AHNLaxanka BASHIIR XADDI AHNCodadka AHN XD faarax iyo HIBO.
ERAYADA HEESTA LYRICS
#XASANDIIRIYE
Nimuu dhabarku
Dhabarku Jaban yahay
Dhaq dhaqaaqi maayee
Sidaan dhawr habeen qaday
Dhafooradu i Jiitee
Waa dhaawacaagii
Waxanaan La dhuubtee
Markii aan ku dhawraba
Dhibaa ii kordhaysee
#HIBONUURA
Markii hore dhitiyo subag
Dhay baan filaayee
Dhiil madhan adoo sida
Dhabta igaga tuurtee
Dharab orodka xoolaha
Dhurwaagaa ku Laayee
Ani dhedo iyo ceeryaan
Haygu odhan ka dhaansee
Dhalanteedku waa midaan
IGA dhaadhacayne
#XASANDIIRIYE
Ninkii dhiiranaan jiray
Wakhtigaa dhantaaloo
Dhaaxaan itaalkay
Amba dhaban adaygee
Dhudhun iyo Laxaadkii
Wax ku dheefi waayee
Hagar kuguma dhaafine
Dhadhaab bay hor yaalee
#HIBONUURA
Aqal dhinac banaan yahay
Dhaxan kaama celiyee
Dharaartii aan baahnaa
IGU dhago adaygtee
Dhuubkaa kolay tahay
Kama helin dhaqaalee
Waadigii i dhigay meel
Dhamac iyo Abaaroo
Dhalan teedku waa
Midaan iga dhaadhacayne
#XASANDIIRIYE
Sidii dheeha geeloo
Dhaameel hawdka daaqdoo
Dhanihii Bulaaliyo
Dhoobaale Joogtaa
Ama tahay dhir canabaad
Dhaayaha U roontee
Weli waan dhursugayaa
Inaan wada dhamaynee
#HIBONUURA
Ninkii dhuumanaayee
Dhabarkiisu Muuqdee
Dhakhso Loo Ogaadaad
Sidiisii ka Dhigantoo
Hadalkaa dhansaarka ah
Kaa dhagaysan maayee EE
Hadii ay dhab kaa tahah
Dhaar may maraysaa
Mise kala dhaqaaqnaye
Sidaasaan ku dhaafaa?.
==================END.
RAXMAANKU haw naxariisto
EREYADA Mohamed Ali Kaariye AHN
Laxanka BASHIIR XADDI AHN
Codadka AHN XD faarax iyo HIBO.