heestan markii hore waxaa qaaday maxamed mooge liibaan iyadoo laba beyd ah laakiin waxa beyd ku daray ilaahay ha u naxariistee maxamed axmed kuluc halka ay minawaaro iyo doonyo miidhan buu ku xidhaana ina mooge waa ka raraa labadaba alle ha u naxariistee laakiin MARSINA waa meel gaashaamo iyo nusdariiq meel layidhaahdo u dhaw oo ceel biyood geelu ka cabo leh sida bullaale ee meeshu MAQSIN maaha sida qaar fanka ka sinaysta oo is yidhi heesihii hore soo qaada ay u arkaan heestiina waatan , BEYDKA 1aad Madheedhaaliyo Hawd baad Mushmushaaxi lahaydoo Marsin geel ka cabbaayaad Wax ka maali lahaydoo Miyibaan aqal weyn Kaaga moosi lahaa Innakoon kala maarmin Kolna hayga maqnaan BEYDKA 2aad Jacaylkii madaxayga Marso yuu ka samaystoo Minawaarriyo doonyo Miidhan buu ku xidhaaye hay mogaan badwayn buu i nuquurinayaaye Innakoon kala maarmin Kolna hayga maqnaan BEYDKA 3aad gacmahaan kala maarmin muxubooy kugu yaale makhadaa arligeena kolna kuu maqlimaayee Mayadaan ka dhintaaye Marna hay maqashiin Innakoon kala maarmin Kolna hayga maqnaan
heestan markii hore waxaa qaaday maxamed mooge liibaan iyadoo laba beyd ah laakiin waxa beyd ku daray ilaahay ha u naxariistee maxamed axmed kuluc halka ay minawaaro iyo doonyo miidhan buu ku xidhaana ina mooge waa ka raraa labadaba alle ha u naxariistee laakiin MARSINA waa meel gaashaamo iyo nusdariiq meel layidhaahdo u dhaw oo ceel biyood geelu ka cabo leh sida bullaale ee meeshu MAQSIN maaha sida qaar fanka ka sinaysta oo is yidhi heesihii hore soo qaada ay u arkaan heestiina waatan ,
BEYDKA 1aad
Madheedhaaliyo Hawd baad
Mushmushaaxi lahaydoo
Marsin geel ka cabbaayaad
Wax ka maali lahaydoo
Miyibaan aqal weyn
Kaaga moosi lahaa
Innakoon kala maarmin
Kolna hayga maqnaan
BEYDKA 2aad
Jacaylkii madaxayga
Marso yuu ka samaystoo
Minawaarriyo doonyo
Miidhan buu ku xidhaaye
hay mogaan badwayn buu
i nuquurinayaaye
Innakoon kala maarmin
Kolna hayga maqnaan
BEYDKA 3aad
gacmahaan kala maarmin
muxubooy kugu yaale
makhadaa arligeena
kolna kuu maqlimaayee
Mayadaan ka dhintaaye
Marna hay maqashiin
Innakoon kala maarmin
Kolna hayga maqnaan
Midkodna heesta midhaheeda malaha, waa xikmadii Maxamed cumar huryo, Kuluc bu u dhiibay waa dambe ayu Maxamed Mooge u ogolaaday in uu qaado, lakin labada fanaan isku dhacoogi ayu Maxamed Mooge joojiyay ku luqaynta heestan. Midna erey kuma laha curinta midhaha heesta
Thanks sxb si wacan baad inoo fahansiisay
Heestan originalka waxaa leh KULUC
Cid heeta ka soo raacday waraysigii herrei iyo Ahmed Ali cigaal, 25/5/ 2023
Farta taaga❤
Anoga soraca
Axmed ma Sheegan laxanka ee waxa uu siiyay kuluc kulucna AUN laxanka badan lagu ma maqal
Laxanka axmed cali cigaal weeye
Illahay haku naxariisto kuluc boqorki masrixiyada
Erayada axmad cilmi sanbuul 1964
Laxanka rashiid bulo 😢
Sanbuul wuxuu ahaa nin ree berbera
Music rashiid bulo wuxuu sheegay inuu heeseha hindiga ah kasoo minguuriyey 😢
Heesta waxa laxankeda leh cigaal wareysiga cigaal iyo hareeri an ka socdaa
Hestaa waxan kaso maqlay herari
Anigoo heestan atoos ka qaadaya miyaa ilaahay idin tusay?
Cigaal laxankan ma leh waa laxamaddii uu la yaabayba samayskoodda , Rashiid Bullo ayaa la siiya laxankan .
Marsin waa laguu yaqaan ninkii Reer Hawd ahbaa garanaya , H Yoonis ayaa degi jirtey markii iigu dambaysay "Marsin Qal-qalooc" waa hadaan maluhu I khiyaamin .
Heestaan qof lyrics u sameeya ma la waayay
?
Meeyeeye akhyaartii suugaanteena xafidi jiray❤
Rashiid bullo iyo kulucba way naga yaabiyeen ashqaraar weeye waxani ee hees lama oran karo
Riwaayadii jacayl iyo xishood
Nice song
Boqorka fanka somaliyeed