Isuma Geyneyso Danne! Carays Ciise Kaarshe
HTML-код
- Опубликовано: 11 ноя 2024
- Saar awoowe Carays Ciise Kaarshe, 1966.
Saarki oo qoraal ah:
Heleey waa taan lahaa,
Deel looxaa lagu dhigaa,
Ilaahay Daa’in waay,
Duunyaa dayr loo raraa,
Dal baa meel laga degaa,
Duggaal waa meel la daday,
Deegaan waa deeq Ilaah,
Dayuura cirkay martaa,
Geesiga duulaanka wada,
Ayaama hadduu dibjiro,
Darsaale inuu dhacoo,
Rag daga waa damacsan yahay,
Dulmiileyda habari ahi,
Dab bay daa’iman shiddaa,
Calibo seyf buu ku dilaye,
In ay reer dumisa iyo,
Dirdira waa damacsan tahay,
Darmaan gabar oo da’yari,
Dib soo xaalka u noqdaba,
Inuu wiil daahiyo,
Daardaar bay damacsan tahay,
Askarigii daacad ihi,
Sareeye hadduu dalbado,
Dabkoo uu haysta iyo,
Digtoonuu damacsan yahay,
Wadaadkii diin akhriya,
Haddii neef loo dilaa,
Habeenkaa inuu dikriyoo,
Duceeyuu damacsan yahay,
Nimuu diihaal hayaa,
Naftanu waa daallimade,
Haddii uu dabin dhigtaa,
Inay deero u gashoo,
Dubtaa buu damacsan yahay,
Duddumo ruuxii dugsado,
Hadduusaan qabin dareen,
Naftiisii buu dayacee,
Dushiisa inuu dayiyo,
Dadaal buu damacsan yahay,
Dakane ruuxii qabiyo,
Ninkii laga dhacay dumaal,
Dalkiisii laga dafiray,
Hadduusan doqon ahayn,
Dareen uu ku hurda iyo,
Dagaal buu damacsan yahay,
Dembiga diitaan ka ahay,
Deel-saar anigaa degsaday,
Waa idin deeqsiin hayaa,
Afsoomaaliga docayn,
Iyo,
Dariiq baan ugu hadlaa,
Markuu ii soo dargalo,
Xarfaha aan doqon garan,
Ma daayee dagantidee,
Duuganahaan soo degaa,
Sidii reer degay abaar,
Cirkoo meel dheer ka da’ay,
Hala deytin ihi,
Ka dawreen jeer duhur ah,
Habeen badan sii didayoo,
Hadday doogii galeen,
Aar dool ahi soo dujiyoo,
Ka dilay tii ugu darrnayd,
Debin goortuu daldalay,
Wiilkii daba-joogayoo,
Daal iyo diihaalba qabo,
Docdiisa intuu ka dayay,
Ka duuloo daaca qubay,
Sidiisaan ahay diyaar,
Afsoomaaliga docayn,
Iyo,
Dariiq baan ugu hadlaa,
Markuu ii soo dargalo,
Xarfaha aan doqon garan,
Ma daayee dagantidee,
Duuganahaan soo degaa,
Waxaa deelkaas ka daran!
Dab iyo daad inay darsaan,
Isuma geyneeyso danne,
Wadaadkii diin leh iyo,
Durbaan kii tuman hayaa,
Isuma geyneeyso danne,
Haddii ay tahay diraac,
Dameer kii dhaansadiyo,
Midkii awr soo dabraday,
Isuma geyneeyso danne,
Dugaag duunyada diliyo,
Ninkii daajina hayaa,
Isuma geyneeyso danne,
Dabaaxii hilib deldelay,
Iyo,
Dambiil tii ula tagtoo,
Darhanna aan taagga hayn,
Isuma geyneeyso danne,
Dulaal iyo kii dirsaday,
Digniin bay kala qabaano,
Isuma geyneeyso danne,
Ninkii daar suubsadoo,
Dusheedaa kore degiyo,
Dabayl kii ka cararoo,
Dugsiga hoosa u fadhiya,
Isuma geyneeyso danne,
Nimuu diihaal yahiyo,
Midkii daacaaya oo,
Dibbira aan toosi Karin,
Isuma geyneeyso danne,
Dukaan wiilkii dhigtiyo,
Midkii loo haysta deyn,
Isuma geyneeyso danne,
Ninkii soo daalay iyo,
Durdura kii doonayaa,
Isuma geyneeyso danne,
Dadaal ruuxii hayoo,
Kitaabkii daalacdiyo,
Dersin kaan weligi dhigan,
Isuma geyneeyso danne,
Waxaa deelkaa ka daran!
Duq iyo wiilkii da’yari,
Isuma geyneeyso danne,
Hablaha tii dabacsan iyo,
Degdeg tii wax u hantiday,
Isuma geyneeyso danne,
Raggana kii door ah iyo,
Midkii weligii dayacan,
Isuma geyneeyso danne,
Dulmiyo kii daacad wada,
Isuma geyneeyso danne,
Nin daafaana iyo dirac,
Isuma geyneeyso danne,
Dareenlow iyo ma-dide,
Isuma geyneeyso danne,
Dulweyn iyo kii dabci xun,
Isuma geyneeyso danne,
Dagaal kii doonayiyo,
Daa’iman kii nabad daydaya,
Isuma geyneeyso danne,
Dembiga ruuxii galoo,
Xabsiga loo daa’imiyo,
Digtoonaan kii qaboo,
Daleeshiisaas u baxay,
Isuma geyneeyso danne,
Nimuu daqar gaarayoo,
Magtiisii doonayiyo,
Minkii duudsiya hayaa,
Isuma geyneeyso danne,
Dabeecada gaaladiyo,
Diintaan leenahay annagu,
Mar hore bay kala durkeenoo,
Isuma geyneeyso danne,
Waxaa deelkaas ka daran!
Ninkii doonnida galoo,
Usaga oo daakhil mari,
Duufaan lagu soo diriyo,
Darbadi daan kaga dhacdoo,
Shiraacii uu degoo,
Xashwadi hoos uga duntoo,
Biyuhu soo daakhileen,
Naftanu waa daallimade,
Dabbaal goortaa galiyo,
Malaay maanyada degani,
Isuma geyneeyso danne!
Carees Ciise karshe Allow Janatu fardooso ku geey amiin Ya Rabi
Alle how naxariisto carays ciise wuxuu ahaa nin qiimo badan oo aan laga yaabin nin la mid ah inuu ina soo maro nin waliba wixii uu ka tagay ayaa lagu xusuusan doonaa
libaan allow libaan tiisa aqiiro ha kugu bi abwaan careys ciise kaalshe allow u naxariiso
Aamiin aamiin aamiin
Janatul fardowso allaha ka warabiyo insha allah
Maa shaa alaah carays ciise aabihii saarka
hablaha tii Dabacsan
iyo dag dagi tii wax u
hantida isuma geyneysa
Dani♤ diintaan leenahay
inaga iyo dabeecada
gala Mar hore bay kala
durkeen isuma geeyneysa
Dani----
masha allah caris cise allah ha u naxaristo
wadaadkii diin aqriya, hadii neef loo dilaa, habeenkaa inuu digriyo duceeyuu damacsanyahay.
Nnnj81
masha allah unaxaristo abwan qaali ah ayu aha
warka hadii loo fadhiyo
islama faaida laba midkii
lagu forarshiyo midkii
foosa Noqdaa kolkaa
soow kalla
fiicnaan'mayaan
saxiiix
Manshaalah carays ciise
1:48 baanba Ku heeystaa.
Mucaaradka un baan igar.
Duduma ruuxi dugsada
haduusan qabin dareen
Naftiisiibuu dayacay
dushiisa inuu day'iyo
dadaalow damacsan
yahay
Fatima fariido
manshallah
benta ma ahan
Nahriis alle kaa dharaag inshalah
darmaan gibiro da' yar dib sidu xaal noqdaba inuu wiil dahiyo dardaar bay damacsantahay
illah haku naxaristo
mnsha allh asal carys ciise
Duduma ruuxi dugsada
haduusan qabin dareen
Naftiisiibuu dayacay cirkasi
inuu dayiyo dadaalow damacsan
yahay eshcala abwaan allayaa raxma
Aa Aa
best heeso wedyasn
hadii ay tahay diraac ninkii dameer kii dhaansado iyo kii awr soo dabraday isuma geeyneeyso dani waa runtaa waxaa deelkaa ka daran haaheey
dab iyo daad ineey dar saan
iskuma geeyneyso dani
wadaadkii diin leh iyo
durbaan kii tuman haya
iskuma geeyneyso dani
hadii eey tahay diraac
dameer kii dhaansadiyo
midkii owr Soodbraday
iskuma geeyneyso dani
dugaag duunyada diliyo
ninkii dajin hayaa
iskuma geeyneyso dani
dalaaxi hilib daldalay
iyo dambiil tii ulatagto
darhana aan tagaheeyn
iskuma geeyneyso dani
dulaal iyo kii dirsaday
digniin beey kala qaban
iskuma geeyneyso dani
ninki daar suubsado
dusheeyda kora dagay
iyo dabeel kii kacararoo
dugsiga hoos ufadhiyo
iskuma geeyneyso dani
nimo diihaal hayiyo
midkii daacahayo
dimbiro aan toosikarin
iskuma geeyneyso dani
dukaan wiilkii dhigtiyo
midkii looheysto deen
iskuma geeyneyso dani
ninki soodaalay iyo
durduro kii doonaya
iskuma geeyneyso dani
dadaal ruuxi haayo
kitabkii daalacdiyo
darsin kaan waligidhigan
iskuma geeyneyso dani
duq iyo wiilkii dayari
iskuma geeyneyso dani
hablaha tii dabacsaniyo
dagdag tii wax uhantiday
iskuma geeyneyso dani
ragan kii dooraiyo
midkii waligii dayacan
iskuma geeyneyso dani
dulmi iyo kiidaacadwada
iskuma geeyneyso dani
nin daafaana iyo Dirac
iskuma geeyneyso dani
dareenlow iyo madide
iskuma geeyneyso dani
dulweeyni iyo kii dabci xun
iskuma geeyneyso dani
dagaal kii doona iyo
daaiman kii nabada daya
iskuma geeyneyso dani
dambi ruuxi galo
xabsiga loo daimiyo
digtonaan kii qabo
daleeyshiisaas ubaxay
iskuma geeyneyso dani
nimu daqar gaarayo
maktiisi doonahaiyo
mido duudsiya haya
iskuma geeyneyso dani
dabeecadaha gaaladiyo
diintaan leenahay inaga
marhore beey kala durgen
iskuma geeyneyso dani
ninkii doonida galo
isaga OON daaqil marin
duufaan laguso diriyo
darbadi daan kaga dhacdo
shiraaci uu dago
xashwadihi hoos uga dugto
biyuhu eey soodaaqileen
naftuna waa daalimade
dabaal goortaa galiyo
malaay maayada dagani
iskuma geeyneyso dani
mahadsanid walaal 😊
1
Dakane ruuxii qaba iyo ninkii laga dhacay dumaal dalkiisii laga dafiray haduusan doqon eheen dareen oo ku hurdo iyo dagaal buu damacsanyahay
Mansha alaah
mash allh
mesh allh
carays ciise
rabi janada kugu bisharee
asal
hhh ruunta
ALA HA UNAXARIISTO
Cc
Allow unaxariiso
mash allh
mesh allh
asal
mash allh
mash allh