sidii wabi durdurayoo | maandeeq iyo dauud | hadmaan dadabgaleynaa | waan ku doonayaa hees

Поделиться
HTML-код
  • Опубликовано: 20 окт 2024
  • Heesta : Sidii Wabi Durdurayoo
    Erayada: Axmed Ducaale Xiirey
    Luuqda: Daa'uud Cali Masxaf & Maandeeq
    LYRICS: DHUGMAAL LYRICS
    QORAALKA HEESTA (LYRICS)
    Sidii wabi durdurayoo
    Labadiisa daamood
    Dooggii kasoo baxay
    Dacalada is dhaafeen
    Laamaha dushiisana
    Shimbiruhu ku doodaan
    Ama dayr samaatoo
    Dadku nabad wada yaal
    Duunyaduna fooftoo
    ku dareertay hawdkee
    Kuu doonayaayoo
    Anigana daraadaa
    Indhihii i daaleen
    Naftaa kuu diyaaree
    Dadka kaan ka doortow
    Hadmaan dadab galaynaa ?
    *************************
    Markaa diiggu uu ciyoo
    Daakiraada subaxdii
    Duhurkiyo habeenkii
    Duullaan sidaan ahay
    Waxaa lay dulkeenaa
    Degmadaad ku nooshee
    Naftu waxay dareentaa
    Innagoo dalxiisoo
    Daalo aynu joognee
    Kuu doonayaayoo
    Anigana daradaa
    Indhihii i daaleen
    Naftaa kuu diyaaree
    Dadka taan ka doortaay
    Caawaan dadab galeynaa
    ***************************
    Sidii deyr cad ramadoo
    Doox rays leh joogtoo
    Duhurkii markay tahay
    Mayaygii uu helay
    Dambeedada la marayoo
    Durdurada dhasheedii
    Hadba dacal ka dhaftaa
    Kuu daawadaayoo
    Naxariista daymada
    Nafta kugu daweeyaa
    Ku doonayaayoo
    Anigana daraadaa
    Indhihii i daaleen
    Nafta kuu diyaaree
    Dadka kaan ka doortow
    Hadmaan dadab galaynaa ?
    ***************************
    Sida calanka dooggaa
    Farxad iyo damashaad
    Dadku uu u sarakacay
    Kolka loo dabaal dago
    Ama doolo iyo hawd
    Dixidiyo dareemada
    Mulacyeeyay daadkii
    Adigoon dib ii dhigin
    Duunyana aan igu xidhin
    Kuu doonayaayoo
    Anigana daraadaa
    Indhihii i daaleen
    Naftaa kuu diyaaree
    Dumar taan ka doortaay
    Caawaan dadab galaynaa
    #dhugmaal_lyrics #dhugmaallyrics

Комментарии • 20

  • @CabdiraxmaanCabdicumar-pg2vx
    @CabdiraxmaanCabdicumar-pg2vx Год назад +6

    Ereyadii AU abwaan axmed ducaale xiirey,laxankii AU daa'uud,ku luuqeyntii daa'uud iyo maandeeq.

  • @hassancarab1037
    @hassancarab1037 10 месяцев назад

    Saaaaax Erayadii. ABWAAN.AXMED DUCAALE XIIREEY.

  • @MubYus
    @MubYus 9 месяцев назад

    Faadumo cali Maandeeq iyo Daaduud cali masfax

  • @golahanabaddachannel6386
    @golahanabaddachannel6386 Год назад +3

    Sidii deyr cad ramadoo
    Doox reysle joogtoo
    Duhurkii markay tahay
    Mayay dihini uu helay.

  • @disisfunny88
    @disisfunny88 5 месяцев назад

    Heestan waxey ku heesaha ugu laxanka macaan ee ebid soomaali sameyso

  • @golahanabaddachannel6386
    @golahanabaddachannel6386 Год назад +1

    Halkaa qaladbaa kujiree hala saxo
    Mayay uu helay. Macquul ma aha.
    Waa Mayay dihini uu helay.

    • @MomentofCorrection
      @MomentofCorrection 9 месяцев назад

      Waxaa kaloo khaldan " Kuu doonayaayoo" ... waxaa sax ah " Ku doonayaayoo" ... Kuu iyo Ku waa kala micno

    • @yassinkhalif
      @yassinkhalif Месяц назад

      Macneheeda
      1.diigu uu ciyo
      2.mayay dihini
      3.dayr samaatoo
      4.dambeedada la maraayo
      4.duunyaduna fooftoo

  • @Hassenshukri
    @Hassenshukri 12 дней назад +1

    Www

  • @hamsehassan2170
    @hamsehassan2170 Год назад +3

    Hees xasuus gaara igu leh

  • @JirmaTache
    @JirmaTache 6 месяцев назад

    Good best Somali song

  • @buuxciise2338
    @buuxciise2338 Год назад +4

    mayay dihini uu helay
    weye
    mudane

  • @AliDaar2418
    @AliDaar2418 6 месяцев назад

    Taarikhda ...28 mar 2024
    Habeenimo..khamiis aha
    Sacadu 2:40

  • @MubYus
    @MubYus 9 месяцев назад

    Daauud caki masxaf

  • @Mustaf-warsame0023
    @Mustaf-warsame0023 8 месяцев назад

    Sidii webi durdurayoo
    Labadiisa daamood
    doogii ka soo baxey
    Dacalada isdhaafeen
    Laamaha dushoodana
    Shinbiruhu ku doodaan
    Ama deyr samaatoo
    Dadku nabad ku wada yaal
    Duunyaduna fooftoo
    Ku dareertey howdkee
    Ku doonayaa aniga daraadaa
    Indhihii i daalaanee
    Dadka taan ka doortey
    Hadmaan dadab geleynaa

  • @MustafeAliJama
    @MustafeAliJama 10 месяцев назад

  • @hassannagad2452
    @hassannagad2452 6 месяцев назад

    0:26

  • @uptherhmnizmail9157
    @uptherhmnizmail9157 11 месяцев назад

    Wow