Habiba & Abdi Nuur Alaale - farsamo

Поделиться
HTML-код
  • Опубликовано: 6 сен 2024
  • Xabiiba Cabdilaahi "balbalaaf" & cabdi nuur Alaale - farsamo
    Djibouti, somalia, official video, donate, hees cusub , xul ah

Комментарии • 13

  • @xasan.jaamac
    @xasan.jaamac 5 лет назад +3

    FARSAMO ---- HO. CABDINUUR ALLAALE IYO XABIIBA CABDILLAAHI BALBALAAF
    (Curinta yaa leh ?)
    Ho. Xabiiba Cabdillaahi Balballaaf
    '' Farsamo waa faro ku hayn e’
    Dadkana ficil baw dhexeeya
    Annagu isfaduulin mayno
    Farriin isku keeni mayno
    Horaan isku fahansanayn e’
    Kalgacaylkeenii fogaaday
    Haddaynu ku fara adaygnay
    Farxadi way noo hadhow e’
    Jacaylka fudaydin mayne e’
    Xaggaaga ka foojignow
    ''
    Ho. Cabdnuur Allaale Xirsi
    '' Ilkaha foolkaa u mudan
    Dhegtana hadalladu u furan
    Xantii fuluhu ma mooga
    Adaan kugu faanayayoo
    Ficilku iga guuri maayee
    Kalgacaylkeenii fogaaday
    Haddaynu ku fara adaygnay
    Farxadi way noo hadhow e’
    Jacaylka fudaydin maynee
    Xaggaaga ka foojignow
    ''
    Ho. Xabiiba Cabdillaahi Balballaaf
    '' Adduunyada faalladeeda
    Xumaa laga faafiyaaye
    Anu kaa faagan mayo
    Danteena u fiiro yeelo
    Adaan kugu faanayaaye
    Kalgacaylkeenii fogaaday
    Haddaynu ku fara adaygnay
    Farxadi way noo hadhow e’
    Jacaylka fudaydin maynee
    Xaggaaga ka foojignow
    '''
    Ho. Cabdnuur Allaale Xirsi
    '' Adoo feedhanaayaa
    Mid kale la fadhiisigeeda
    Faduuliba iima gayso
    Adaan kugu faanayaaye
    Dardaaran adoon I farin
    Kalgacaylkeenii fogaaday
    Haddaynu ku fara adaygnay
    Farxadi way noo hadhow e’
    Jacaylka fudaydin maynee
    Xaggaaga ka foojignow
    ''
    Roonow labadoodaba u roonow [AAMIIN]. Mahadsanid Xasan.

  • @hassanwarsame8901
    @hassanwarsame8901 5 лет назад +3

    Waa habibo waa fanaan ku dhalay jabuuti waliged dhiinac uguma bixiin dalka waa reer Q6 xafaada

  • @cabdiciisecajuun2317
    @cabdiciisecajuun2317 7 лет назад +2

    waa heestaaan heesaha ay qaado ugu jecelahay xabiiba balbalaaf

  • @nabilhoussein5083
    @nabilhoussein5083 8 лет назад +3

    waw wayo wayo nice song hassan ahmed merci frere

  • @ahmedhdf3362
    @ahmedhdf3362 8 лет назад +2

    waaaaw waa hees aad u fiican.

  • @mmimadar4216
    @mmimadar4216 8 лет назад +2

    Waaaaw heestan iyadoo intaa hore ah ayn maqlay aadban ujecla inaan dhageysto iyadoodhan

  • @kikijames210
    @kikijames210 7 лет назад +2

    ya salaam ..bell chanson

  • @hasuusiyewihiihore5655
    @hasuusiyewihiihore5655 2 года назад

    Waa lagends of lagends

  • @hibaqomar9043
    @hibaqomar9043 8 лет назад +2

    Nice hees.

  • @kikijames210
    @kikijames210 7 лет назад +2

    mercii huno Hassan 😘😘

  • @aichahoussein9012
    @aichahoussein9012 7 лет назад +1

    Wawaaa un amour sincere

  • @sultanhufane1051
    @sultanhufane1051 2 года назад

    "Danteena u fiira yeelo
    Adaan kugu faanayaye"
    /// Vs ///
    ""Adan kugu faanayaayo
    Ficilku iga guuri maye ""