FATOUMA AHMED SONG DJIBOUTI CONCERT 1991

Поделиться
HTML-код
  • Опубликовано: 9 ноя 2024

Комментарии • 155

  • @CSeerbiya
    @CSeerbiya 5 лет назад +128

    Taariikh Faneedka Faadumo Axmed Dhimbiil (1948-2018) Waxa Qoray Cumar Seerbiya
    Faadumo Axmed Dhimbiil sannadkii 1948 ayey ku dhalatay xaafadda lixaad ee Jabuuti ka dibna iyada oo 19 sanno jir ah oo aanay cidina fanka ku aqoonin ayey tagtay Xamar sannadkii 1967, waxayna la kulantay kooxdii Xabadi keentay ee ka timi Yementa Waqooyi, waxayna intii ay Jabuuti joogtay ee Xamar ka hor ka mid ahayd dhallinyarada gobonimo doonka ah .
    Kooxdan Xabadi keentay la dhihi jiray oo ahaa Abwaanno ka soo cararay dagaaladii ka socday waqooyiga Yeman waxa ka mid ahaa Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi, Jaamac Saleebaan Tubeec, Maxamed Jaamac Ilkacase iyo Maxamed Siciid Baandey.
    Kooxdan ayaa Faadumo Xamar ku soo dhaweysay waxayna isla sannadkaasiba (1967) ay kooxda la meteshay Riwaayaddii Reer Ba'oow yaa ku leh? , ee sheekadeeda uu lahaa Abwaan Hadraawi halka heesaha ku jiray badankoodana uu lahaa Maxamed Jaamac Ilkacase .
    Riwaayadda waxa jilayey , Faadumo Axmed Dhimbiil iyo Cabdiraxmaan Xasan Sheekh (Abuuraas) oo isku ahaa Arbaha koowaad iyo Qalanjada Koowaad , Maxamed Siciid Baandey, Asli Khayre Gabboon iyo Jaamac Dubad Xiiray, waxayna kooxdu ka bilawday Balcad, Gaalkacayo, Qardho , Burco ilaa ay ku soo laabteen Xamar. .
    Heesaha riwaayadda ku jiray ee ay Faadumo Axmed Dhimbiil qaadday waxay ahaayeen labada hees ee erayadooda uu lahaa Maxamed Jaamac Ilkacase laxankana uu saaray Jaamac Saleebaan Tubeec ee kala ah “Maahee Khadraay” oo ay la qaaday Cabdiraxmaan Abuuraas balse markii Xamar lagu soo laabtay la siiyey Sahra Axmed Jaamac iyo Maxamed Nuur Giriig waxayna noqotay heestii u horreysay ee ay Sahra qaaddo, iyo weliba heesta kale ee “Hiddo” oo ay dadka qaarna ku yaqaanaan “Mays heli karnaa?” waxaana riwaayadda dhexdeeda kula qaaday Maxamed Siciid Baandey markii dambena idaacadda waxa looga duubay Faadumo iyo Maxamed Nuur Giriig oo aan isagu riwaayadda ku jirin.
    Markii ay dhagaha bulshada gaadheen heesihii ay qaadday Faadumo waxay noqotay gabadh fanka dhexdiisa aad looga tixgeliyo intii ay joogtay Xamar iyo Soomaaliyaba .
    sannadkii 1972 Faadumo Axmed waxay ka mid ahayd koox fannaaniin ah oo isugu jiray kuwa ka soo jeeday Jabuuti iyo kuwa Soomaaliya ka tagay kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Cabdi Aadan Xaad(Qays) , Xaliimo Cabdi Odawaa (oo ay dad badani ku garan karaan heestii ma naftaydaan Mindi geliyaa?) , Maxamed Aadan Dugsiiye, Cabdi Ibraahim Geeddi ( Cabdi Bow-bow) oo isagu ka mid ahaa dadkii fanka Jabuuti dhidibada u taagay iyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Abuuraas.
    Isla sannadkaasi 1972 waxay Faadumo Axmed Dhimbiil ka qaybqaadatay riwaayaddii ‘Muuse Iyo Maryan” ee uu allifay Ibraahim Aw Saleebaan (Ibraahim Gadhle) oo Jabuuti loo yaqaanay magaca Cumar Cabdi Aw-Maxamuud oo ahaa magacii uu dhalashada ku qaatay., waxaana riwaayaddaasi ku jirtay heesta aadka loo jeclaysto ee “Culusaa Allahayow” ee uu laxanka lahaa Cabdiraxmaan Cali Xirsi , ayna wada qaadeen iyada (Faadumo) iyo Maxamed Aadan Dugsiiye.
    Sannadkii 1976 Abwaan Ibrmaahim Gadhle ayaa curiyey riwaayad la odhan jiray “Halgankii umadda iyo hoog isticmaar” oo ka hadlaysay in dadka reer Jabuuti xornimo ka rabaan gumaystaha Faransiiska. Dowladda Soomaaliya ayaana lacagta riwaayadda bixisay , waxaana riwaayaddan oo lahayd sidoo kale qayb Canfari ah oo uu ku darsaday Abwaan Axmed Laacde, laga dhigay Soomaaliya iyada oo laga soo bilaabay Borama ilaa Beledxaawo, waxayna riwaayaddu socotay muddo 71 habeen ah , waxayna kooxdu ka koobanyd ahayd 30 qof .
    riwaayaddan waxa ku jiray heeso ay ka mid ahayd heesta “ Ragga kaan ka eegtow Ama Ilwaad” oo ay wada qaadeen Faadumo Axmed Dhimbiil iyo Cabdinuur Alaale, waxaana heestan erayadeeda lahaa Xuseen Jig-jigaawi halka uu laxankana saaray Cabdinuur Alaale Xirsi, sidoo kale heesta , Nuur Dalaacow dib miyaad u soo noqon , waxa erayada Faadumo u dhiibay Xuseen Jigjigaawi laxankana isla Cabdinuur Alaale ayaa saaray.
    Sidoo kale isla riwaayaddan Ibraahim Gadhle waxa ku jiray gabayga caanka noqday ee” Afrika” oo ay ku luuqayso Faadumo Axmed Dhimbiil, heesta Allahayow dadkaygii ayey sidoo kale ka qaaday Faadumo riwaayadda .
    Faadumo iyo fannaaniintii ay wada socdeen oo ay ka mid ahaayeen Nimco Jaamac Migil , Cali Cabdi Dawaale iyo Abwaan Aadan Tarabi Jaamac waxay yimaadeen Xamar, waxayna riwaayaddii ka dhigeen Shaleemo Banaadir , iyaga oo booqday Jaamacadda Lafoole oo ay kula kulmeen Abwaan Maxamed Ibraahim Hadraawi iyo Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye ka dibna waxay ku laabteen Jabuuti.
    Sannadkii 1978-kii waxa raadyaha Jabuuti laga shaqaalaysiiyey Kontan qof oo iskugu jira qaybaha kala duwan ee fanka oo ay ka mid tahay Faadumo Axmed Dhimbiil oo sidoo kalena la shaqayn jirtay kooxdii Gacan Macaan oo uu guddoomiye ka ahaa Abwaan Aadan Faarax Samatar laga soo bilaabo1971.
    Faadumo Axmed Dhimbiil waxay qaadday heeso aad u tiro badan oo badankooda caan ka dhex noqday bulshada sida Heesta Gaaraabidhaan oo uu erayada lahaa Abwaan Xuseen Aw-faarax Dubad horena ay u qaaday Xaliimo Cabdi Odawaa balse ay ku caan baxday Faadumo iyo heesta Tufaaxii aan tirsaday oo iyaduna ku jirtay riwaayaddii “Hanweynaa Ma Huryaa” ee uu lahaa Abwaan Xasan Cilmi Diiriye , waxana sidoo kale heestan hore u qaaday Xaliimo Cabdi sannadkii 1974 . laxankana Cabdiraxmaan Cilmi Xirsi ayaa saaray.
    Faadumo Axmed sidoo kale waxay qaaday heesta “Qaniiyada Abeesadu” oo uu erayada iyo laxankaba lahaa Axmed Xuseen Jigjigaawi . isla Faadumo ayaa Maxamed Nuur Giriig waxay wada qaadeen heesta”Soo mar “ oo uu erayada lahaa Cali Cilmi (Cali Aflow” halka uu laxankana saaray Maxamed Cali Nahaari (Maxamed Nahaari).
    Faadumo Axmed Dhimbiil sidoo kale waxay aad ugu wanaagsanayd ku luuqaynta laxannada qaraamka ah , waxaana xusid mudan in 1974 uu Maxamuud Ismaaciil Xudaydi uu Jabuuti ugu tumay Faadumo heesta laxanka Rogaal .
    Faadumo Axmed Dhimbiil dhawr iyo sagaashankii ayey Jabuuti ka dhooftay waxayna tagtay dalka Holland ka dibna Ingiriiska ayey u wareegtay .
    Sannadkii 2004 ayey Jabuuti ku soo laabatay, intii ka dambaysay waxay u badnayd Ingiriiska , 24-ka bishii May 2018 ayey Faadumo ku geeriyootay dalka Turkey-ga waxaana 25 Bisha May lagu aasay magaalada Jabuuti .
    Taariikhda Faadumo Axmed Dhimbiil waxa iiga waramay dad ay ugu horreeyaan, fannaanka Cabdinuur Allaale Xirsi oo sidoo kale ah Qoraa Suugaanta ururiya laga soo bilaabo 1971-kii, Jaamac Saleebaan Tubeec ayaa isna iiga waramay markii ay Soomaaliya timi 1967 iyo bilawgii fankeeda , waxaan sidoo kale dhageystay Waraysi laga qaaday Faadumo mar ay dalka Jabuuti joogtay.Waxaana iga xasuusin ah inay jiraan heeso badan oo ay qaaday Faadumo kuwaasi oo aanan qoramadan ku sheegin.
    Waxa Qoray Cumar Seerbiya
    23 , Febraury ,2019. Muqdisho Soomaaliya

    • @abdishakurabdisalan1531
      @abdishakurabdisalan1531 5 лет назад +2

      Illahay haunaxriisto

    • @darwishboy5255
      @darwishboy5255 5 лет назад

      Gormay dhimatay mamadan waqti hore miyaa ama dhawaan ayay dhimatay maba maqlin aniga ilahy ha u naxaristo

    • @pysuhayb15
      @pysuhayb15 4 года назад +1

      Seerbiya nin fanka.ka warhaya

    • @abdirahmanmohamed2990
      @abdirahmanmohamed2990 4 года назад +1

      2018 ayeey dhimatay faadumo alle naxariistiisa haka waraabiye wadanka turkiga ayeey ku dhimatay.

    • @ayaanahmed5939
      @ayaanahmed5939 4 года назад +1

      Fadumo waa fanaanada ugu codka macaan reer Djib. Allah ha u naxariisto.

  • @yahyaadenddahir8649
    @yahyaadenddahir8649 4 года назад +40

    Safiya maxamed daahir inanta muqdisho gottalent ugu codka macaan ayaan ku bartay heestan
    Yaa ila mid ah

    • @xamzeibraahim2373
      @xamzeibraahim2373 4 года назад +2

      sidoo kale bro

    • @nimcoabdi6298
      @nimcoabdi6298 4 года назад

      Aanaa kulamida ah

    • @xogsadeabdi5422
      @xogsadeabdi5422 4 года назад +2

      Ka hor baan aqanay wayo fadumo ahmed dhimbil waa ree jabouti alow uu naxaristo heseheda radio baan xita ka dhagaysan jiray✌️🙏

    • @muuseaar4787
      @muuseaar4787 4 года назад

      Walahi aniguba

  • @Cocoady134
    @Cocoady134 4 года назад +5

    Ma dhalan marki la qaaday heestan mnta 4 carur ah bn leyahay Mansha Allah

  • @حمدي-ب5ث
    @حمدي-ب5ث 6 лет назад +22

    25/5/2018 ayey faadumo axmed dhimbiil kudhimatay dalka turkiga waxana lagu aasay magalada jabuuti aadbn wlhy uga murugoday aadban ujecla fanandn iyo codkedaba waliba heestedan ayan aad ujecelhay waxan kamurugoday inay geeryotay anigon wali arag wankuso ducayn inshlh ifka kumaynu kulmine allejanada haynagu kulmiyo 😭😢

    • @Ahmedmohamed-wo2fv
      @Ahmedmohamed-wo2fv 6 лет назад

      Aad iyo aad walaal. Qof wadaniyada jecel bay ahayd anuguba waan jeclaa.

    • @sadam8268
      @sadam8268 6 лет назад

      Alla yaa rahma

    • @alimdooh8539
      @alimdooh8539 5 лет назад

      Alle naxaristi jano haa ka warabiyo hesten waxa aan dhagaysata marka wax tabayoo

    • @ahmedfarah6079
      @ahmedfarah6079 5 лет назад

      Amiin.

    • @achmedlander3123
      @achmedlander3123 5 лет назад

      Guduudo carwo djibouti ban ku dhashey marka ano yar ban maqli jirey heesahan..markan schoolka usocana buska laaga saari jirey ......marka maqlo xasuus dheer ayaan gaala .....allah ha uu naxariisto

  • @alexlegrand6669
    @alexlegrand6669 6 лет назад +14

    Sida goodir caar aah
    Ama good Libaaxeed
    Ama guluf colaadeed
    Ama ciyowga galabeed
    Ama geyi abaareed
    Laga guurey mooyee
    Cidla gacal la’aaneey
    Gabal iigu dhacayaa
    😭😭😭😭😭😭
    Gudcurkoo madowbaan
    Xidigaha ku gudayaaa
    Guuraha hilaacaan
    Galacdiisa raacaa
    Garaabidhaantaan
    Hadba gees u raacaa
    Ma geeriyoo magli’i baan
    Ku gunaanad seegaa
    😪😪😪😪😪😪
    Gudidii jacaylkaa
    ii gargaari weydoo
    Godka inaan u hoyday
    Taladii ku gooyeen
    Ubax inaan u geeyoon
    Gacan-qaada mooyee
    Anna geeri diidoo
    Geli maayo iilkee

    • @g0ne228
      @g0ne228 2 года назад

      Merci 🙏

  • @dr-abdala8041
    @dr-abdala8041 Год назад +3

    Maxay fananad qaaliya ahayd rabbiyow kunaxariiso Cod hala laasi ah bay laheyd oo soo jiidasho leh❤️

  • @ahmedkaled6359
    @ahmedkaled6359 9 лет назад +4

    Calyk calyk calyk maamo tress belle voix bravo illahay cimriga haku dhereyo maamo faadumo ahmed dhinbiil

  • @abdulahimohamed5491
    @abdulahimohamed5491 5 лет назад +29

    Ax Ax Ax Ax heestan wxan ku xasuustaa gabar aad aan isku jeclyn markaan ka tagay oo aan dayacay bay iso qortay waraaq heestan markan maqlo codkeedii ba ii sawirma dhalinyaro nimo bn ogatay wxan ahayn dad markaas madaxa so qaaday 18 ilaa 20 jir sanadki 2000 bu ahaa oo dhamaad ah balse dqonimo ban u dayacy markan dano yar uga tagay hada waa hooyo soomaliyed oo caruur io ninba leh wxayna dagantahay wadanka england magaalada birmingham aniguna wadanka mareykan magaalada columbus weli wan isla xiriirna ilaa hadda aduunka waan isku seegnay lkn alle ha xifdiyo

    • @saphaheiz4286
      @saphaheiz4286 5 лет назад

      Jacylku ha waaro abid😍😍😍😍😍

    • @fosiyacali4333
      @fosiyacali4333 4 года назад +6

      adiguna aabo somaliyed ma noqotay mise
      cidla gacal la´aanayd ayuu gabal kuugu dhacaya?

    • @fosiyacali4333
      @fosiyacali4333 4 года назад +2

      anigu waxan qaadi jiray heesteda tidha
      hamiyo warwar baa idilay
      waxbay la hadloo hinqaday
      haraadkuna iguma yaraa
      halkuu jiro layga hees
      hilaabtay habeen madaw
      talaabada hinjiyee
      dartii halis aan u galay
      inaan helo waan jeclaa
      humaagiisaa i hoday
      hayaamay horseed la'aan
      cidlaan ka hadaaqayaa
      hilaac bilig laa i hormaray
      hubsiima la'aan hiigsaday
      talaabada hinjiyee dartii
      halisaan u galay inaan
      helo waan jeclaa

    • @eerigoocagaare902
      @eerigoocagaare902 4 года назад

      Abdulahi Mohamed gabadhaa dhawr comment baan ku arkay adiga oo ku xusaya waa qof kugu dheer

    • @abdulahimohamed5491
      @abdulahimohamed5491 4 года назад

      @@eerigoocagaare902 sxb haa wxy ilaso marty qiso dheer heeskana qeyb weyn bu ka ahaa. Mhdsnid

  • @amarehadaweh9683
    @amarehadaweh9683 5 лет назад +43

    Sida goodir caara ah
    Ama gool libaaxeed
    Ama guluf colaadeed
    Ama ciyowga galabeed
    Ama gali abaareed
    Laga guurey mooye
    Cidla gacal la'aaneey
    Gabal iigu dhacayaa
    🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯
    Gudcurkoo madow baan
    Xidigaha ku gudayaa
    Guuraha, hilaacaan
    Galacdiisa raacaa
    Gaaraa-bidhaakaan
    Hadba gees uraacaa
    Ma geeriyo mag li'ii baan
    Ku gunaanad seegaa
    🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯
    Gudidii jaceylkaa
    I gargaari weydoo
    Godka inaan u hoydey
    Taladii ku gooyeen
    Ubax inaan u geeyoon
    Gacan qaado mooyee
    Ana geeri diidoo
    Galimaayo iilkee
    AUN FAADUMO AXMED DHIMBIIL iyo ereyadii AUN abwaan Xuseen aw faarax dubad.

    • @Jeen-Umal10
      @Jeen-Umal10 5 лет назад +4

      Amareh Adaweh, aad baad ugu mahadsan tahay inaad ereyada si qurxoon u qortay una soo gudbisey. Dhawr weedhood baan sixi lahaa siday ila tahayna ay sax ku yihiin. Ama Gool libaaxeed (Maaha Good). Gudgudaha hillaacaan (Maaha Gooraha), mahadsanid walaal ✌👍👌

    • @abwaanileeyemohamed6799
      @abwaanileeyemohamed6799 5 лет назад

      Waatahay

    • @abdirahmanmohamed2990
      @abdirahmanmohamed2990 4 года назад +1

      Jeen umal walal dadka aad u ilaalinaya af -keenna iyo suugaanta ayaan kugu tiriyaa guulayso

  • @boqorabdi7419
    @boqorabdi7419 3 года назад +1

    *Gaaraa bidhaan* waaa xayawaanyer oo hbnkii iftin yer bixiyah oo Waliba geedaha hoostooda dhexdood ka ifah
    Allah ha kuuu naxariisto adiga iyo intiii muslim ah

  • @mohamedrooble6474
    @mohamedrooble6474 6 лет назад +2

    Abwaanad,fanaanad qaran Allah ha unaxariiso aamiin aamiin aamiin aamiin aamiin.

  • @wiilkaReerCigalle
    @wiilkaReerCigalle 4 года назад +2

    Heestan waxaa la qaaday xiligaan dhashay 1991 Balse caawa ayaan maqlay oo wlhi ah waana hees aad iyo aad iyo aad u wanaagsan una jeclaystay
    Waxaana ka maqlay gabar ku tartamaysa Muqdisho Got Talent ❤️❤️ Iyo youtuberka Hal-Abur cawil bile oo reaction ka bixinaya

  • @Ahmedmohamed-wo2fv
    @Ahmedmohamed-wo2fv 6 лет назад

    Alle ha u naxariisto faadumo waxay ahayd fanaanad xoriyada u soo halgantay kana mid ah tiirarka fanka ee somalia iyo jabouti.

  • @xaajiabdulaahi3864
    @xaajiabdulaahi3864 4 года назад +1

    2020 ayan wali dhagysanaya heesaha casriga ahna laba goor kuma ceshan kartid wad nacaysaaba 🙏🙏🙏💖

  • @ahmedadan2362
    @ahmedadan2362 5 лет назад +3

    Fanaaniin waa kuwii hore(Old is Gold)

  • @ismahanmohamed2011
    @ismahanmohamed2011 4 года назад +2

    Still am watching 💘💘

  • @abshirdirie132
    @abshirdirie132 5 лет назад +2

    Inantii nimco jokar barnamjkeeda ka qadaysay heestaan she make us breaking ♥️ thx huuno

  • @Qofnaba.
    @Qofnaba. 5 лет назад +1

    ahn fadumo ahmed dhimbil 😭😭fanand qaliya ayay ahyd hestana waa tu kamida taa aan ugu jecelay Heesaheeda

  • @nasmacumar3406
    @nasmacumar3406 4 года назад +4

    Heestan waa hees tariikh ku le dalkaga Djibouti waa heesti halganka dalkayga marki gumaysi diidka lkn dadku jacal ayay modan😭😭😭😭😭 Runti Abo alle hu naxariisto wuxu aha mujahid dalkiisa dhib badan uso maray si umada Djibouti xoriyad u helan🤲😭

  • @FarhiaFarah-wg5qe
    @FarhiaFarah-wg5qe Год назад

    Naaaagodumaaar waan uwataaa.

  • @garaaddibow8520
    @garaaddibow8520 5 лет назад +4

    November 2019 farta taag

  • @dr-abdala8403
    @dr-abdala8403 4 года назад +8

    Allow kunaxariiso..
    Cod hala-laasi ah baad la dhimatay faadumoy 💔😌

  • @ayaandhemanxeri4316
    @ayaandhemanxeri4316 4 года назад

    Heestan gabar kasta oo qaado mama fadumo aa uga sii sidata allaha kuu naxariisto 2020

  • @xubimxmd7037
    @xubimxmd7037 2 года назад

    Alha kuu Naxariisto maamo🤲😭

  • @abdirazakmuhumed8834
    @abdirazakmuhumed8834 4 года назад +13

    20 December 2019
    Hada iga danbesid dhagesiga heestan like ku qabo

  • @saabir3667
    @saabir3667 4 года назад

    Allah yarxam 7 nov 2020 ilaahay qabriga ha u nuriyo

  • @amalyusuf1210
    @amalyusuf1210 2 года назад

    Allah ku naxaristo habaryar macaan

  • @mustafexirsi
    @mustafexirsi 4 года назад

    Alle ha u naxariisto Faadumo Axmed Dhimbiil. Geeraay xishood laay maxaa qof qaali ahaa ku gu maqan.

  • @abasmohamed9819
    @abasmohamed9819 6 лет назад +1

    *ilhy ha u naxariisto amiin*

  • @plusquemaviejetaimemamere2225
    @plusquemaviejetaimemamere2225 6 лет назад +16

    10/1/2018 yaa daawanaya farta taag

  • @nabihadahir4872
    @nabihadahir4872 Месяц назад

    Allow ku naxarisoo 🤲🏻🤲🏻🤲🏻

  • @fathiyaaliyahz7475
    @fathiyaaliyahz7475 9 лет назад +6

    Ubax Inaan Ugeeyo
    Gacan Qaado Moyee
    Ana Geeri Diiddow
    Gali Maayo iilke
    Maamo fadomo Nolow

  • @kaidosultan9882
    @kaidosultan9882 7 лет назад +11

    Heestan ma waxay u jeeda dhibti gumaysiga naga so gaadhay? Waxan u maleeya waliba inay tahay fariin ay gaadhsiinayso Xarbi

  • @keysesharmarke3797
    @keysesharmarke3797 5 лет назад +5

    faadumo ahmed dhambiil ilaahey Naxariisto 8 sanadood baa La deganaa Groningen Holland waxay shaqsi fiican oo farxad badan

  • @moshire6645
    @moshire6645 4 года назад

    2020 ayan daawanayaa✌

  • @BoulalehMadina-ne6mo
    @BoulalehMadina-ne6mo 10 месяцев назад

    Allaha ku naxaristo edoo ❤❤

  • @anfaaladan4518
    @anfaaladan4518 3 года назад +1

    2020/10/12decmber maalin khamiis 🤚🎧😁

  • @adaruzmohamed4748
    @adaruzmohamed4748 6 лет назад +3

    2019🙏🎧🙏AMAZING

  • @zakimohamoud6288
    @zakimohamoud6288 2 года назад +1

    Legend djiboutien

  • @sahalibra5288
    @sahalibra5288 6 лет назад +2

    Ilah ha u naxariisto

  • @souleimandahirgod8504
    @souleimandahirgod8504 3 года назад +1

    ALLAH HA U NAXARIISTO DHAMAANTOOD AAMIIN
    Le 14 juin 2021

  • @dalkachannel
    @dalkachannel 5 лет назад +4

    Sida goordir caara ah
    Ama gool libaaxeed
    Ama guluf colaadeed
    Ama ciyow galabeed
    Ama gali abaareed
    Laga guurey mooyee
    Cidla gacal la'aanee
    Gabal igu dhacayaa
    🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯
    Gurcudkoo madow baan
    Xidigaha ku gudayaa
    Guuraha hilaacaan
    Galacdiisa raacaa
    Gaaraa bidhaataan
    Hadba meel ku gaadha
    Ma geeriyo mag li'ii baan
    Ku gunaanad seegaa
    🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯
    Gudidii jaceylkaa
    I gargaari weydoo
    Godka inaan u hoydey
    Taladii ku gooyeen
    Ubax inaan u geeyoon
    Gacan qaado mooyee
    Ana geeri diidoo
    Galimaayo

  • @OubahOubahAliahmed
    @OubahOubahAliahmed 5 месяцев назад

    Macha allah

  • @wardhaanmedia2579
    @wardhaanmedia2579 4 года назад +9

    HEESTAAN SAFIYO MAXAMED BOQORADA CODKA AYAAN KASOO RAACAY GOT TALENTIGA EE ADNA GACANTA TAAG HADAA ILA MID TAAHAY?

  • @mustafamohamedbatoun6695
    @mustafamohamedbatoun6695 11 лет назад +1

    merci maman

    • @adenhersi4127
      @adenhersi4127 5 лет назад

      My god , aad baan u jeclaa fadumo axmed dhimbiil heesaheeda murtiday xanbaarsanaayeen .tu nous manquera toujours ma soeur et tu n a pas vecu inutilement .que la terre te soit legere .aamiin .

  • @alisacudi4090
    @alisacudi4090 3 года назад

    16/2. 2021 from hargysa

  • @abdihrasak
    @abdihrasak 4 года назад +1

    21.12.2019? AUN Faadumo Ahmed dhimbiil

  • @khalifmohamudibrahim
    @khalifmohamudibrahim 4 года назад +1

    6/ 2 / 2020 ayaan daawanayaa
    Like ii saar

  • @alisacudi4090
    @alisacudi4090 3 года назад

    Xasuus ano yar ban maqli jiray heestan
    Alle haku naxariisto

  • @azmaismacil
    @azmaismacil 6 лет назад +4

    heestan 7 iga wayn tahay hadana waan dhagaysta marwalba cawa 2018/9/18

    • @asalhargeisa3668
      @asalhargeisa3668 5 лет назад

      Waa la duubay 1991 aad bayse uga horaysay heestu wakhtigaa

    • @DH-yi5dx
      @DH-yi5dx 14 дней назад

      Originally Hassan Deria ayaa qaaday baytka hore around 60s or early 70s, baytka danbe ee ka bilaabmaya guddidii jacaylka gadaal baa lagaga daray.

  • @munamunastylista7637
    @munamunastylista7637 6 лет назад +1

    2018 still watching

  • @Baxsannura
    @Baxsannura 8 лет назад +2

    I love this song manchalah

  • @queenamran8535
    @queenamran8535 6 лет назад +3

    Ilahoow unaxariiso

  • @potatoheadiii8808
    @potatoheadiii8808 6 лет назад

    Allah yarxam Faadumo Axmed dhinbiil shalay ayay God gashay.

    • @asmadahabo3252
      @asmadahabo3252 6 лет назад

      Ax alaa yarxamhaa imikadan baa la ii sheegay heesteedan baan aad u jeclaa

  • @Am-pk3zh
    @Am-pk3zh 6 месяцев назад

    AUN Amiin❤❤

  • @djama.m.chirdon4771
    @djama.m.chirdon4771 9 лет назад

    Nolow fatouma ahmed dembil !!!!!

  • @xuseenaadan3409
    @xuseenaadan3409 4 года назад

    From farhia mohamed dahir

  • @abdirahmanfigo1042
    @abdirahmanfigo1042 4 года назад

    2020 hada dawnysid like

  • @abdimahadmuhumed6208
    @abdimahadmuhumed6208 9 лет назад

    wooow masha Allah illahay ha xafido aqiro iyo adunba

  • @ahmedyare7880
    @ahmedyare7880 6 лет назад +1

    17/11/2018
    Yaa dwnyey

  • @bilanismael9480
    @bilanismael9480 5 лет назад +2

    2019

  • @djbayaayo3135
    @djbayaayo3135 4 года назад +2

    2020 1 bisha
    INTA IGA DAMBEYSA
    DON'T FORGET LIKE
    FROM SWEDEN

  • @andersonjoali5167
    @andersonjoali5167 8 лет назад

    wow notre star

  • @alimoaw4039
    @alimoaw4039 5 лет назад +2

    heesta waxa lahaa alle ha u naxariistee xaliimo cabdi oodawaa faadumo mardambe ayay qaaday

    • @kadijasaid534
      @kadijasaid534 4 года назад

      Maya Hesstan Fatuma iska lahayd wllo

    • @kadijasaid534
      @kadijasaid534 4 года назад

      Maya Faduma iska lahayd heestan wllo

  • @abdiazizmohamed7899
    @abdiazizmohamed7899 9 лет назад +3

    mageeri iyo mag li baan ku gunaanad seeg waah waah ala yacizk

  • @hoodomaxamuud1512
    @hoodomaxamuud1512 4 года назад

    Ubax inaan u geeyo gacan qaado mooyee ana geeri diidoo gali maayo iilkee 01:21 Mon 29 June habeen xusuusteeda leh ilaahay qabriga ha kuu nuuro

  • @halimacadey7176
    @halimacadey7176 7 лет назад +3

    Heesta waba iga weythy 1991 aaa 4 sano iga weythy

  • @saleebaanmadobe
    @saleebaanmadobe 4 года назад

    Allah hakuu naxariisto

  • @abdirzakkaahin4920
    @abdirzakkaahin4920 7 лет назад +13

    heestan xasuus dheer bay igu leedahayna runtii anoo safar ku jira ayaan dhageysan jiray mudo dhawr bilooda ax yaa asxaabtii nasabka ahyd ee aan nafta isku dhignay dadka waxa kaliyee lagu kala bartaa waa rafaadka adag iyo baahida markaas bay ragu kala baxaan

    • @ramzikmohamed1727
      @ramzikmohamed1727 7 лет назад

      Abdirazak Hassan 😭😭😭😭😭😭
      Xaqiiqo libaax wlhi taasaan been ahayn 💯💯💯💯

    • @ramzikmohamed1727
      @ramzikmohamed1727 7 лет назад

      Abdirazak Hassan 😭😭😭😭😭😭😭
      Xaqiiq libaax walee taasaan been ahayn 💯💯💯💯

    • @isseabdullahi1496
      @isseabdullahi1496 6 лет назад +1

      abdirzak kaahin
      Aad&aad sxp Nin jileec oo dhan cidlo gacal la’aabeed gudcurkoo mawdoow iyo kuma gudikaro xiddiga
      Rag 3 ayaad ku barataa
      Jid wada mara
      Jabad wada daga ama
      Jadiin wada cuna!!!!!

  • @farhanalmani1772
    @farhanalmani1772 4 года назад

    10-8-2020

  • @shinekhadarmahamed7801
    @shinekhadarmahamed7801 6 лет назад +1

    Waa hees dareenka gil gilaysa

  • @al-amalorganisation1846
    @al-amalorganisation1846 9 лет назад

    Yaa salaam

  • @nagadmohamed9789
    @nagadmohamed9789 9 лет назад

    waaaaaw fatoumo ahmed

  • @Abdalladhiif.
    @Abdalladhiif. 2 года назад

    “Anna Geeri diidoo gali maayo iilkee”
    Haddana wey gashay ilahay ha’uraxmado Marxuumadda

  • @ismali707
    @ismali707 5 лет назад

    17/12/2018 yaa dawanaya

  • @Abdi-uy1kh
    @Abdi-uy1kh 6 лет назад +2

    ilaahi ha uraxamado

  • @nimcaanyare2587
    @nimcaanyare2587 6 лет назад +2

    2018 /23/September

  • @nagmainaxaji4887
    @nagmainaxaji4887 6 лет назад

    Allah yaa rahma

  • @khalilshurkigaas6078
    @khalilshurkigaas6078 4 года назад +1

    Last day in 2019
    31.12.2019 18:00 🕕 👐🏻👋

  • @khadarlaboraad263
    @khadarlaboraad263 5 лет назад

    Godka inaan uhoydaan taladii Ku gooyay allaah yarxamak maama

  • @sucdiafnaan9870
    @sucdiafnaan9870 7 лет назад

    heestan wayba iga weynthy 1991 aaaaa

  • @fardowsojalwo6883
    @fardowsojalwo6883 4 года назад

    Esh qiyaasak👌

  • @mohamed_ilwayn
    @mohamed_ilwayn 4 года назад +1

    Yaaa ciyalkaan hesaha qaramigaa noga qabta

  • @mursalcoofle8975
    @mursalcoofle8975 6 лет назад

    Waa hiistii islaantaydu ay ii qaaday waagaan isbaranay

  • @halwaadan4918
    @halwaadan4918 4 года назад

    Qofki 2020 firsanayo ikali

  • @musegalaal1023
    @musegalaal1023 5 лет назад

    Sida goordir caara ah Ama gool libaaxeed Ama guluf colaadeed Ama ciyow galabeed Ama gali abaareed Laga guurey mooye Cidla gacal la'aanee Gabal igu dhacayaa Gurcudkoo madow baan Xidigaha ku gudayaa Gudgudaha hilaacaan Galacdiisa raacaa Gaaraa bidhaataan Hadba gees uraacaa Ma geeriyo mag li'ii baan Ku gunaanad seegaa Gudidii jaceylkaa I gargaari weydoo Godka inaan u hoydeyseegaa Gudidii jaceylkaa I gargaari weydoo Godka inaan u hoydey Taladii ku gooyeen Ubax inaan u geeyoon Gacan qaado mooyee Ana geeri diidoo Galimaayo iilkee AUN FAADUMO AXMED DHIMBIIL

  • @haboonmohamed6801
    @haboonmohamed6801 4 года назад +2

    Ax ax qfkygii kuxazuuzta markuu wadanka katagy isoo dirijry welina makulmin illlow nziip fiicn

  • @FarhiaFarah-wg5qe
    @FarhiaFarah-wg5qe Год назад

    Kalttuneeeey taaalataalay.aaba layyiraah sooooo hee dhawoow waxbadan gabadha khatraaaay qarantaan caddy yareydaanfaraxsaneeyfaceeda karooneey fariidad minyaro bahyareey

  • @shinekhadarmahamed7801
    @shinekhadarmahamed7801 6 лет назад

    Gaaraa bidhaankaan hadba gees u raacaa!!

  • @jiirlaqe2087
    @jiirlaqe2087 4 года назад

    2020?

  • @wardabintabdirahman4155
    @wardabintabdirahman4155 9 лет назад

    Wwwwwwwwwwwwww eesh calaa hees kama daalo dhagaysigeeda heestan

  • @sadaamcismaanahmed9225
    @sadaamcismaanahmed9225 5 лет назад

    Boqoradii codka faadumo Ahmed dhimbiil sidaa goodir caara ama goob libaxee ama guluf coladee ama ciyawga galabee amma gali abaree lagaguuray moyee cidla gacal la anee gabal igudhacayaa gurcudkoo madowbaa xidigaha kugudayaa daruuraha hilaaca galacdiisa racaa gaara bidhaanta hadba gees uracaa ma geeriyo maglibaa kugunanad segaa gudidii jeceylkaa igargaari waydoo godka inan uhoydo taladii kugoyeen ubax inan ugeeyo gacan qaado moyee Ana geeri diido galimaayo iilkee

  • @haboonmohamed6801
    @haboonmohamed6801 4 года назад +1

    Ama geli abaareed
    Laga guury mooye
    Cidla gacal LA aaneed
    Gabal iigu dhacayaa

  • @ismailikamil4981
    @ismailikamil4981 5 лет назад +5

    HEESTAN MARKII IIGU HORAYSAY INAN COD KALIYA KU QAADAYSA, OO MALAHAYGA TARTAN FANEED KAGA QAYB QAADANAYSAY...

  • @plusquemaviejetaimemamere2225
    @plusquemaviejetaimemamere2225 6 лет назад

    Ax yaa heez

  • @ubaxsos3456
    @ubaxsos3456 5 лет назад

    Heetana anigaya iga hadlaysa lkn wa ina so qada inasha allha 🙏😭

  • @shabdallamusa8229
    @shabdallamusa8229 4 года назад

    Allow u dambi dhaf oo u naxariso qof gari iyo il didi Karo miya jira

  • @nurahassan1171
    @nurahassan1171 7 лет назад +1

    sida goodir caara ah ama guluf colodaadeed....

  • @abdirisaaqhassan1181
    @abdirisaaqhassan1181 7 лет назад

    Wwwweewe

  • @nourhassan1524
    @nourhassan1524 3 года назад

    Ahn