YOW KALA WARRAMA {FAADUMO AXMED DHIMBIIL}.

Поделиться
HTML-код
  • Опубликовано: 24 янв 2025

Комментарии • 51

  • @CSeerbiya
    @CSeerbiya 5 лет назад +35

    Taariikh Faneedka Faadumo Axmed Dhimbiil (1948-2018) Waxa Qoray Cumar Seerbiya
    Faadumo Axmed Dhimbiil sannadkii 1948 ayey ku dhalatay xaafadda lixaad ee Jabuuti ka dibna iyada oo 19 sanno jir ah oo aanay cidina fanka ku aqoonin ayey tagtay Xamar sannadkii 1967, waxayna la kulantay kooxdii Xabadi keentay ee ka timi Yementa Waqooyi, waxayna intii ay Jabuuti joogtay ee Xamar ka hor ka mid ahayd dhallinyarada gobonimo doonka ah .
    Kooxdan Xabadi keentay la dhihi jiray oo ahaa Abwaanno ka soo cararay dagaaladii ka socday waqooyiga Yeman waxa ka mid ahaa Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi, Jaamac Saleebaan Tubeec, Maxamed Jaamac Ilkacase iyo Maxamed Siciid Baandey.
    Kooxdan ayaa Faadumo Xamar ku soo dhaweysay waxayna isla sannadkaasiba (1967) ay kooxda la meteshay Riwaayaddii Reer Ba'oow yaa ku leh? , ee sheekadeeda uu lahaa Abwaan Hadraawi halka heesaha ku jiray badankoodana uu lahaa Maxamed Jaamac Ilkacase .
    Riwaayadda waxa jilayey , Faadumo Axmed Dhimbiil iyo Cabdiraxmaan Xasan Sheekh (Abuuraas) oo isku ahaa Arbaha koowaad iyo Qalanjada Koowaad , Maxamed Siciid Baandey, Asli Khayre Gabboon iyo Jaamac Dubad Xiiray, waxayna kooxdu ka bilawday Balcad, Gaalkacayo, Qardho , Burco ilaa ay ku soo laabteen Xamar. .
    Heesaha riwaayadda ku jiray ee ay Faadumo Axmed Dhimbiil qaadday waxay ahaayeen labada hees ee erayadooda uu lahaa Maxamed Jaamac Ilkacase laxankana uu saaray Jaamac Saleebaan Tubeec ee kala ah “Maahee Khadraay” oo ay la qaaday Cabdiraxmaan Abuuraas balse markii Xamar lagu soo laabtay la siiyey Sahra Axmed Jaamac iyo Maxamed Nuur Giriig waxayna noqotay heestii u horreysay ee ay Sahra qaaddo, iyo weliba heesta kale ee “Hiddo” oo ay dadka qaarna ku yaqaanaan “Mays heli karnaa?” waxaana riwaayadda dhexdeeda kula qaaday Maxamed Siciid Baandey markii dambena idaacadda waxa looga duubay Faadumo iyo Maxamed Nuur Giriig oo aan isagu riwaayadda ku jirin.
    Markii ay dhagaha bulshada gaadheen heesihii ay qaadday Faadumo waxay noqotay gabadh fanka dhexdiisa aad looga tixgeliyo intii ay joogtay Xamar iyo Soomaaliyaba .
    sannadkii 1972 Faadumo Axmed waxay ka mid ahayd koox fannaaniin ah oo isugu jiray kuwa ka soo jeeday Jabuuti iyo kuwa Soomaaliya ka tagay kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Cabdi Aadan Xaad(Qays) , Xaliimo Cabdi Odawaa (oo ay dad badani ku garan karaan heestii ma naftaydaan Mindi geliyaa?) , Maxamed Aadan Dugsiiye, Cabdi Ibraahim Geeddi ( Cabdi Bow-bow) oo isagu ka mid ahaa dadkii fanka Jabuuti dhidibada u taagay iyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Abuuraas.
    Isla sannadkaasi 1972 waxay Faadumo Axmed Dhimbiil ka qaybqaadatay riwaayaddii ‘Muuse Iyo Maryan” ee uu allifay Ibraahim Aw Saleebaan (Ibraahim Gadhle) oo Jabuuti loo yaqaanay magaca Cumar Cabdi Aw-Maxamuud oo ahaa magacii uu dhalashada ku qaatay., waxaana riwaayaddaasi ku jirtay heesta aadka loo jeclaysto ee “Culusaa Allahayow” ee uu laxanka lahaa Cabdiraxmaan Cali Xirsi , ayna wada qaadeen iyada (Faadumo) iyo Maxamed Aadan Dugsiiye.
    Sannadkii 1976 Abwaan Ibrmaahim Gadhle ayaa curiyey riwaayad la odhan jiray “Halgankii umadda iyo hoog isticmaar” oo ka hadlaysay in dadka reer Jabuuti xornimo ka rabaan gumaystaha Faransiiska. Dowladda Soomaaliya ayaana lacagta riwaayadda bixisay , waxaana riwaayaddan oo lahayd sidoo kale qayb Canfari ah oo uu ku darsaday Abwaan Axmed Laacde, laga dhigay Soomaaliya iyada oo laga soo bilaabay Borama ilaa Beledxaawo, waxayna riwaayaddu socotay muddo 71 habeen ah , waxayna kooxdu ka koobanyd ahayd 30 qof .
    riwaayaddan waxa ku jiray heeso ay ka mid ahayd heesta “ Ragga kaan ka eegtow Ama Ilwaad” oo ay wada qaadeen Faadumo Axmed Dhimbiil iyo Cabdinuur Alaale, waxaana heestan erayadeeda lahaa Xuseen Jig-jigaawi halka uu laxankana saaray Cabdinuur Alaale Xirsi, sidoo kale heesta , Nuur Dalaacow dib miyaad u soo noqon , waxa erayada Faadumo u dhiibay Xuseen Jigjigaawi laxankana isla Cabdinuur Alaale ayaa saaray.
    Sidoo kale isla riwaayaddan Ibraahim Gadhle waxa ku jiray gabayga caanka noqday ee” Afrika” oo ay ku luuqayso Faadumo Axmed Dhimbiil, heesta Allahayow dadkaygii ayey sidoo kale ka qaaday Faadumo riwaayadda .
    Faadumo iyo fannaaniintii ay wada socdeen oo ay ka mid ahaayeen Nimco Jaamac Migil , Cali Cabdi Dawaale iyo Abwaan Aadan Tarabi Jaamac waxay yimaadeen Xamar, waxayna riwaayaddii ka dhigeen Shaleemo Banaadir , iyaga oo booqday Jaamacadda Lafoole oo ay kula kulmeen Abwaan Maxamed Ibraahim Hadraawi iyo Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye ka dibna waxay ku laabteen Jabuuti.
    Sannadkii 1978-kii waxa raadyaha Jabuuti laga shaqaalaysiiyey Kontan qof oo iskugu jira qaybaha kala duwan ee fanka oo ay ka mid tahay Faadumo Axmed Dhimbiil oo sidoo kalena la shaqayn jirtay kooxdii Gacan Macaan oo uu guddoomiye ka ahaa Abwaan Aadan Faarax Samatar laga soo bilaabo1971.
    Faadumo Axmed Dhimbiil waxay qaadday heeso aad u tiro badan oo badankooda caan ka dhex noqday bulshada sida Heesta Gaaraabidhaan oo uu erayada lahaa Abwaan Xuseen Aw-faarax Dubad horena ay u qaaday Xaliimo Cabdi Odawaa balse ay ku caan baxday Faadumo iyo heesta Tufaaxii aan tirsaday oo iyaduna ku jirtay riwaayaddii “Hanweynaa Ma Huryaa” ee uu lahaa Abwaan Xasan Cilmi Diiriye , waxana sidoo kale heestan hore u qaaday Xaliimo Cabdi sannadkii 1974 . laxankana Cabdiraxmaan Cilmi Xirsi ayaa saaray.
    Faadumo Axmed sidoo kale waxay qaaday heesta “Qaniiyada Abeesadu” oo uu erayada iyo laxankaba lahaa Axmed Xuseen Jigjigaawi . isla Faadumo ayaa Maxamed Nuur Giriig waxay wada qaadeen heesta”Soo mar “ oo uu erayada lahaa Cali Cilmi (Cali Aflow” halka uu laxankana saaray Maxamed Cali Nahaari (Maxamed Nahaari).
    Faadumo Axmed Dhimbiil sidoo kale waxay aad ugu wanaagsanayd ku luuqaynta laxannada qaraamka ah , waxaana xusid mudan in 1974 uu Maxamuud Ismaaciil Xudaydi uu Jabuuti ugu tumay Faadumo heesta laxanka Rogaal .
    Faadumo Axmed Dhimbiil dhawr iyo sagaashankii ayey Jabuuti ka dhooftay waxayna tagtay dalka Holland ka dibna Ingiriiska ayey u wareegtay .
    Sannadkii 2004 ayey Jabuuti ku soo laabatay, intii ka dambaysay waxay u badnayd Ingiriiska , 24-ka bishii May 2018 ayey Faadumo ku geeriyootay dalka Turkey-ga waxaana 25 Bisha May lagu aasay magaalada Jabuuti .
    Taariikhda Faadumo Axmed Dhimbiil waxa iiga waramay dad ay ugu horreeyaan, fannaanka Cabdinuur Allaale Xirsi oo sidoo kale ah Qoraa Suugaanta ururiya laga soo bilaabo 1971-kii, Jaamac Saleebaan Tubeec ayaa isna iiga waramay markii ay Soomaaliya timi 1967 iyo bilawgii fankeeda , waxaan sidoo kale dhageystay Waraysi laga qaaday Faadumo mar ay dalka Jabuuti joogtay.Waxaana iga xasuusin ah inay jiraan heeso badan oo ay qaaday Faadumo kuwaasi oo aanan qoramadan ku sheegin.
    Waxa Qoray Cumar Seerbiya
    23 , Febraury ,2019. Muqdisho Soomaaliya

    • @Ahmedmohamed-wo2fv
      @Ahmedmohamed-wo2fv 5 лет назад

      Caruur ma tagtay marxuumadu?

    • @dltdjibouti9143
      @dltdjibouti9143 5 лет назад

      Allah yarxamaha

    • @MIRALUUL979
      @MIRALUUL979 4 года назад

      Aniga hablaha fanaaniinta ahi kuwaan ugu jeclahay bey kujirtaa faduma axmed dhimbil

    • @Ahmedahmed-me7hl
      @Ahmedahmed-me7hl 4 года назад

      Seerbiya waad ku mahadsantahay sida aad taariikhda noogusoo gudbisay

    • @mohamedjamaa7231
      @mohamedjamaa7231 2 года назад +1

      Seerbiya waad mahadsantahay ugaas waa Taariiq xusid mudan. Allaha u naxariisto walasheen.

  • @alexlegrand6669
    @alexlegrand6669 7 лет назад +31

    Wankan naaxayee
    Wadeecada ku lumay
    Bahal waayo qaday
    Weer iyo dugaag
    Meel weecsan iyoo
    Wadada u fadhiyaa
    Yaa u kala waramaa
    Waadaal nin lee
    Inuu weeray iyo
    Waagii baryabaa
    Ku wareegayana
    Yaa ugaa waramaa
    Walwal ruux qaboo
    Wacdaraha dhaci iyo
    Waayuhu hayaa
    Ka Wanaagsanee
    Wakhti raaxaliyoo
    Nolol wacan ku jiraa
    Yaa u kala waramaa
    Ninka waalanee
    Waran qaatay iyo
    Wiilkii yaree
    waabwaabiyanaa
    Yaa ugaa waramaa
    Ruux wabi sitoo
    Cidla way kaloo
    Walbahaarsan iyo
    Ka walaalo badan
    Laba waalid iyoo
    Weheelku u dhayn yahay
    Yaa u kala waramaa
    Waaxyaha jidhkiyoo
    Wadanaha boggee
    Iwalaacay iyo
    Nafta iyo wadkanaa
    Yaa uga waramaa

  • @munacisman5891
    @munacisman5891 4 года назад +2

    Niinkasto wax ismoda waadka mays gafayan 😭Allah yar xamuraximin 🙏j'ai adoré cette chanson ❤🔥12/12 /2020
    17:01 Suède 🇸🇪/🇩🇯❤

  • @Ahmedmohamed-wo2fv
    @Ahmedmohamed-wo2fv 6 лет назад +2

    Ilaahay janatul fardawsa ha ugu deeqo fanaanadeenii waynayd faafumo axmed. Aamiin

  • @mahamoudwarsama33
    @mahamoudwarsama33 6 лет назад +2

    allah ha uu naharisto abo Fatouma Abdi, best of the best.

  • @ibnujama3568
    @ibnujama3568 Год назад

    Allah haw naxaristo fadumo ahmed dhinbil waxay ahayd fananad qaliya

  • @assiahamoudassia4132
    @assiahamoudassia4132 4 года назад +1

    Allah haa uu naxaristo Fatuma Axmad

  • @maxamedabdinour-dt1zf
    @maxamedabdinour-dt1zf Год назад

    Abwaan Ibraahim Aw Saleebaan eebe haw naxariistee xikmadii oo qof ah buu ahaa alle yaqaan,run yaqaan iyo rabi yaqaan aan xaqa ka warwareegin dhaxalna wuu inooga tegay

  • @loulayoussouf1680
    @loulayoussouf1680 3 года назад

    Allah unaxaristo

  • @maxamedabdinour-dt1zf
    @maxamedabdinour-dt1zf Год назад

    faadumo axmed dhimbiil horyaaal ka mid ah fanka jabuuti iyo ummada afka soomaaliga ku hadashaba

  • @dr-abdala8403
    @dr-abdala8403 4 года назад +6

    Ninkastoo wax is mooda wadka ma is gafayaan" walee maya madaxa la qarxin😊

  • @dr-abdala8041
    @dr-abdala8041 Год назад +2

    Ninkastoo wax is mooda wadka ma is gafayaan"😊maya walee Allow kunaxariiso Maxay xikmad iyo karti badneyn

  • @mouhiadinemoumin3959
    @mouhiadinemoumin3959 5 лет назад +1

    Allow janadii gee aammiin aammiin boqarad ina baxday weeyaan

  • @FatouMoud
    @FatouMoud Год назад

    Allaha uu naxaristo fadumo axmed dhinbil😢

  • @naimoismael7778
    @naimoismael7778 5 лет назад +1

    Allah Yarhamu Rahimin Amin Amin Amin

  • @Yuusuf1
    @Yuusuf1 6 лет назад +9

    alle ha u raxmado maanta ayay geeriyootay sidaan Warka kuhelay 24/5/2018 dalka turkiga.

  • @Qaasaali123
    @Qaasaali123 9 месяцев назад +1

    Alle haw naxariisto

  • @ilyasawalle260
    @ilyasawalle260 5 лет назад +1

    Alahaa naxariistii jano haka waraaabiyo aaaaaaaaaaamiiiiiiin

  • @amarehadaweh1278
    @amarehadaweh1278 6 лет назад +1

    allahu yarxamo eedo
    faduma axmed dhiibiil

  • @abiibrahim-bw5ei
    @abiibrahim-bw5ei Год назад

    Alaha unaxariisto faduma ahmed

  • @asmacabdi9296
    @asmacabdi9296 6 лет назад +1

    Allah haw naxaristo

  • @sscboy3547
    @sscboy3547 4 года назад +1

    Alle haku naxriisto

  • @ilyasrached5481
    @ilyasrached5481 8 лет назад +1

    merci maman fadumo tu reste et tu restera dans la mémoire de tous les djiboutienne je te souhaite long vie ................

  • @abdullahiumal5489
    @abdullahiumal5489 5 лет назад +6

    Nin Kastoo Wax Is Mooda Wadka May's Gafayaan
    Waa Maya

  • @CabdicasiisCali-p5s
    @CabdicasiisCali-p5s 10 месяцев назад

    Ilaahay hawnaxsriisto

  • @tahirmahamoud2912
    @tahirmahamoud2912 6 лет назад +1

    Ismaciil cumar iyo waxqabadla'aantisa iyaugaawaramakkk

  • @xasancabdi4374
    @xasancabdi4374 4 месяца назад

    Guuul somaliland ishaa allaah

  • @alexlegrand6669
    @alexlegrand6669 6 лет назад +1

    Inan fiidka wareegta wiil yar ma is gafayaan
    Gabadh Waa hinaastay wagar ma is gafayaan
    Wasiir vote kadhawaaday werwer ma is gafayaan
    Nin kastoo wax is mooda wadka ma is gafayaan
    Waa maya
    Eesh calaa ereyo murti xambaarsab

  • @abdiilyas4347
    @abdiilyas4347 2 года назад

    Allahu rahama fatouma ahmed

  • @calimaqdis5952
    @calimaqdis5952 Год назад

    Eraydii abwaan ibraahim gadhle

  • @bukhaariyare3139
    @bukhaariyare3139 6 лет назад +1

    Aadban waan ka helay heestan

  • @maxamedfaaraxbuuniaswad5211
    @maxamedfaaraxbuuniaswad5211 3 года назад

    Mashalah

  • @zakariaali7664
    @zakariaali7664 6 лет назад +1

    Alle ha unaxaristo

  • @axmediimaan9722
    @axmediimaan9722 3 года назад

    Alloow kuu naxariiso maxaa dad wadaniyiin ah aduunyadan ka tagay

  • @farxaanjaacuur3308
    @farxaanjaacuur3308 3 года назад

    Yaaukalawarama

  • @alileyzikabayare9222
    @alileyzikabayare9222 Год назад

    good

  • @moussa431
    @moussa431 13 лет назад +4

    se sa fatouma ahmed et ismail ne va pas rate au dece

  • @yahane33
    @yahane33 9 лет назад +2

    Beautiful voice

  • @kaariyeboos3491
    @kaariyeboos3491 6 месяцев назад

    ruux wabi sitoo cidlo wey kaloo wal ba haarsan io

  • @charelma08
    @charelma08 11 лет назад +2

    charko merci d avance j ignorais que tu connais la belle chanson de fad..!

    • @hibomar99
      @hibomar99 7 лет назад +2

      charelma08 iikkk

  • @omaryoussouf7273
    @omaryoussouf7273 8 лет назад +1

    kawarn