Maxamed Saleebaan Tubeec - Amaano

Поделиться
HTML-код
  • Опубликовано: 10 ноя 2024
  • Hees : Amaano
    Erayada : Xuseen Aw Faarax Aun
    Laxanka : Maxamed Saleebaan Aun
    Luuqda : Maxamed Saleebaan Aun

Комментарии • 21

  • @Tubeec699
    @Tubeec699 Год назад +10

    Laa xawla walaa quwah mid badax xanuun ihaayay iyo strees waad yaabta lkn anigoo yaabn bay feacbooka iga soo baxday saan u soo cararay waad yaa baysaa war ilahy kor kuu qaadyee maxa waahoray inoogu soo gudbin wayday waa adigii iska haystay wallahi siday fasiix utahy ma maleyn kareysid maxaysa kugu taan saan u dhagaysto waa loo yaabi doona shukra wallkeyow si kal iyo laab ahna waan kuu salaamayaa

    • @khabiirqaraam7935
      @khabiirqaraam7935  Год назад +6

      Kkkk tani waa beer taabad sxb kolba ragu waa iska bukaan socode😅 ha isku qaboojiyo Codkan Macaan ee Boqorka Codka Salaan sare sxb🙌

    • @Tubeec699
      @Tubeec699 Год назад +6

      ​​@@khabiirqaraam7935 sxb qaali Cawa iyo habeenka kel waad naga farxisay wallahi tani waa farxad inaba caadi maahan mar baan is iri armaad wacdaa oo farxada kala duldhacdaa tani waa dhaxal kii wacnaa ee qiimaha badnaa ee nasiibak uu u yeelanaya in ay i noo reebaan suugaanta aadka u qiimaha badan jiilkaba jiilka ka danbeeya ay ku dhadhan sadaan suugaantoodu ee afka hooyo leeyahay waa baqorkii codka waa abwaaniida abwaanadooda iyo ninkaan sida caqiibada leh ee farshaxanimada leh i noogu soo gudbiyay markale mahadsanid 💯🙏❤️

    • @khabiirqaraam7935
      @khabiirqaraam7935  Год назад +4

      @@Tubeec699 Mudnaan sxb👍

  • @LuulX-nj4yw
    @LuulX-nj4yw Год назад +6

    M.a Wllhi boqorka codka mohamed suleeban tubeec A.uN

  • @hersonmalaque3865
    @hersonmalaque3865 Год назад +5

    Original dhaxal gal ah. Hoosbiskaa iyo musinga idilay

  • @khabiirqaraam7935
    @khabiirqaraam7935  Год назад +7

    Ma Ogtahay ayaantii ilmadu kaa da'aysee
    Indhahaaga qoysaan inan yahay xasuustoo💔

  • @ismaaciilarbache5244
    @ismaaciilarbache5244 Год назад +3

    Khabiir guuleyso walal macaan wax badan waad inoo raaxeysay ruunti

  • @SuugaanDhaadhiSuugaanDhaadhi
    @SuugaanDhaadhiSuugaanDhaadhi 2 месяца назад +2

    Waa hees kamida heesaha aan ugu jeclahay Fankii hore ee Tayada lahaa, HEESTA (AMAANO) , Heesta Sheekadeeda ama qisadedu waxa ay ka timi Abwaanka sameeyay heesta oo la odhan jiray Xuseen aw faarax dubbad laguna naanaysi jiray (Jumbukhtaani) oo uu kula baxay Mar uu dhigayay riwaayad uu isagu lahaa oo la odhan jiray "CANTAR IYO CEEBLA" ayuu ku matalayay Boqor la yiraahdo jumbukhtaani .kasoo gudub Heestan waxa uu u sameeyay Xaaskiisa uu dunida waxa gayaan jooga uu ujeclaa oo la odhan jiray Faadumo amaano Oo aanan hadda Geerideeda maqal balse la iisheegay waayadii udanbeeyay inay xanuusanayd.
    Heestan qofka jaceylka xadkiisa dhaafay uu ku taagsaday, dhabna uu ka yahay Qurux oo dhan oo meel la isugu keenay Ayuu Cabirayaa Xuseen, Tan labaad ee kasii daran wuxuu udhiibay Boqorkii Codka (Ahun Maxamed saleebaan tubeec) oo si heersare ah oo aan wax loo dhigaa jirin u qaadaya, Tan saddexaadna waa Muusiga kala gedisan ee Dhegihii maqlaa Aanay cabiri karayn oo ay Tumayaan Muusigaystayaashii soomaaliyeed ee La hollin waayay Malaha kuwa tumayaa maba noola waqtigan!.
    Waa Mid kamida heesaha aan u adeegsado kashayda iyo kasha qofka aan jaceyl wadaaga nahay, amu aanu is jecelhy.
    AHN Xuseen aw faarax waxa uu leeyahay qaar kamida heesaha aan ugu jeclahay Waxana ka mid ah Heestaa sida Dhirta Xididka hoosaa, Sidoo kele heesta kale ee tidhaahda, Webiyo isu ooman , iyo sidoo kale Geesiga dhulkiisaa, Caashaqii ku dhega Tira, Soomaali dhoylaay, Qoloba calankeedu waa cayn. iyo kuwo kale oo badan xuseen aw faarax dubbad wuxuu ahaa Abwaan mawjad ah, aadna u mawhibo badan oo curin sare leh heesaha abwaanku dhammaantood waa heeso aan qofkii Mar maqlaa aanu ka xiiso goyneyn.
    Erayada heesta Ab Husein Awfaarax
    Laxanka iyo Luuqdaba waxa ku Ladhay
    Albanian Mohamed Suleiman Tubeec.
    Taariikhda heesta la qabtay waa 1964.
    Rabbi ha janeeyo Abwaanka waa Xuseen Aw faaraxe iyo Alf Mohamed S. Tubeecba.
    QORAALKA HEESTA (LYRICS)
    Ma ogtahay adduunyada
    Axad baa la taagoo
    Adigana isniin buu
    Jacayl kuguu ilkaystee
    Arbacaa sidaadii
    Anna laygu beeree
    Waxaad igu abuurtaan
    La adkeysan waayee
    Ammanaada illaaheey
    Noqo kumaan ilaawine
    Aamiin allahayoow
    Waa ammaanadaadee
    Ma ogtahay ayaantii
    Ilmadu kaa da’eysee
    Indhahaada qoysaa
    Inanyahay xasuustoo
    Uurka aan ka ooyoo
    Waan ka ashahaatee
    Waxaad igu abuurtaan
    La adkeysan waayeee
    Ammanaada illaaheey
    Noqo kumaan ilaawine
    Aamiin allahayoow
    Waa ammaanadaadee
    Ma ogatahay afkaygii
    Inuu aamus diidoo
    Aayadaha quraan iyo
    Aamaantaada mooyee
    Arrin kale inuu fulo
    Ogolaani waayaa
    Waxaad igu abuurtaa
    La adkeysan waayee
    Amaanada illaaheey
    Noqo kumaan ilaawine
    Aamiin allahayoow
    Waa ammaanadaadee
    Ma ogtahay sidii aqal
    Magaaloo aroos iyo
    Iid loogu talagalay
    Ama ubaxa deyreed
    Waad ii udgoontoo
    Iimaanka deeqdee
    Waxaad igu abuurtaan
    La adkeysan waayee
    Ammaanda illaaheey
    Noqo kumaan ilaawine
    Aamiin allahayoow
    Waa ammaanadaadee
    Ma ogtahay sidii roob
    Onkod iyo hilaac badan
    Oo arooryadii da’ay
    Ama oogta waabari
    Eedaankaa subaxdii
    Waad ii iftiintaa
    Waxaad igu abuurtaan
    La adkeysan waayeee
    Ammaanda illaaheey
    Noqqo kumaan ilaawine
    Aamiin allaahayow
    Waa ammaanadaadee
    Ma ogtahay amaah maqan
    Xaquu kaama oowdee
    Ruuxii ku aaminay
    Haddaan loo abaal gudin
    Aakhiro Aboor cunay
    Ka ilaali maysidee
    Waxaad igu abuurtaan
    La adkeysan waayee
    Ammaanaada illaaheey
    Noqo kumaan ilaawine
    Aamiin allahayow
    Waa ammaanadaadee
    Mahadsanid #KhabiirQaraam Thankyou.

  • @AxmedMuxyadiin-lf3sy
    @AxmedMuxyadiin-lf3sy Год назад +4

    ❤❤❤

  • @mohaan____siciid678
    @mohaan____siciid678 Год назад +5

    👏👏👏

  • @MrLooyaan
    @MrLooyaan Год назад +1

    الرحمه والمغفره للعملاق حسين اوفارح والرحمه والمغفره للمبدع سيد الغناء والطرب الاصيل محمد سليمان .

  • @Dhabbar-xamar
    @Dhabbar-xamar 7 месяцев назад +2

    ❤ ma ogtahay afkeeygii inuu aamus diidoo

  • @MubarakAli-ob5dn
    @MubarakAli-ob5dn Год назад +1

  • @abshircarab18
    @abshircarab18 8 месяцев назад

    Heesta hal page miyaa ka maqan ama anaa moodo sxb ma ogtahay adduunka axad baa lataagoo aniguna isniin boo jaceyl igu abuurmoo amee eheed sxb

    • @kingahmed8839
      @kingahmed8839 6 месяцев назад +1

      Xitaa mid kala ka maqan ooo ane albaco jaceel igu abuuro

    • @kingahmed8839
      @kingahmed8839 6 месяцев назад +1

      Heesta iyadoo isku aadan lama helo waan yaabay 2 page badanaa la helin mid kan hada ku jirto ah ma ogtahay amaan ka maqan iyo aniganoo arbaco jaceyl igu abuurmo isniin wa jirtaa

    • @Garaad1000
      @Garaad1000 5 месяцев назад +1

      ​@@kingahmed8839waa tan iyadoo buuxda
      ruclips.net/video/CFXYG1Jzh3g/видео.htmlsi=52fTdG-9WOsKAxAk

    • @Garaad1000
      @Garaad1000 5 месяцев назад +1

      Pageka maqan waa kan iyadoo buuxda
      ruclips.net/video/CFXYG1Jzh3g/видео.htmlsi=52fTdG-9WOsKAxAk

  • @abdirahmanmohamedali2401
    @abdirahmanmohamedali2401 Год назад +3

    ❤❤❤