Heesta: Nin Ku Siray Wax Kuu Sheeg. Ereyada: Maxamuud Cabdulaahi Ciise (Sangub). Laxanka: Ismaaciil Cabdi Geri (Ismaaciil Yare). Codka: Hobalada Waabari. ……………………………………………… Maxaa siro la qaybsaday, Saf-saf la isku kala maray, Siraad la isku wada shiday, La isku sogor-daahayaa, La is wada sabaayaa. ……………… Salaan aan niya ahayn, Gacmo la isku saaraa, La isku soo dhaweeyaa, Runta laga siqaayaa. Beenta sacabka loo tumay. ……………… Adduunyada sir iyo caad, Ninba sidii dantiisa ah, U sitaa saqaafaha, Saamo la isku jiidaa, La isku wada sanqadhayaa, Siddi qabaxi daba taal, Afka subag la mariyaa, Calooshana sun jiiftaa. ……………… Sancaalaha gumaystaha, Hubka ay samaystaan, Haddaanay dhiiga ku socodsiin, Siduu u gadmaayaa? ……………… Waxay tahay su’aashii, Kolba laba sokeeye ah, Saaxiiba ahoo walaalaa, La isku soo diraayaa, Markii laba saf loo go’ee, Saannadii dhammaatee, Soo qayshado la dagihii. ……………… Sorry, waanu ka xunahay, Silic iyo dhibtiinaba, Siintii weey dhammaatee, Sawaariikhda naga gada, Sahal loo yiraahdaa. Waa sidaa u jeejadu. ……………… Afrikaay sidaadaba, Sacbaan xoolo lee nahay, La yiraahdo saxardiid, Summadiisu midab tahay, Afartan iyo sideed naas, Simmani ay ku yaalaan, Caanuhu ay sunsumayaan. ……………… Markii uu salaaddiyo, Saqda dhexe dad toosiyo, Candha saabkii waayuu, Isticmaar salaaxuu, Sibraaradda ku dhaansaday. ……………… Jeerood saafi noqotaanood, Fara simman ahaataan, Inaad seerma waydiyo, Guryo-samo ka baaqdaan, Sacabka ha u garaacina. ……………… Sidaan waa naqaanaa, Sidanna waannu garannaa, Haday gacantu saan tahay, Sir bay cidhib ku lee dahay. ……………… Sinnaantu waa dhab. Dhab, dhab, waa dhab. Saadaashu waa run. Run, run, waa run. Xornimo waa sed. Sed, sed, waa sed. ……………… Haddaad samirkii aragteen, Waxba inaanu soo sidin, Sannadkana ogaateen. ……………… Qarniguna sargooyada, Labaatan uu ku sugan yahay, Taariikhdana la socotaan. Maydun seefta maashaan. ……………… Ilaa aad samaysaan, Saldhigo aad tidhaahdaan, Sokeeyihii madoobaa, Sugi mayno nolol wacan. ……………… Nin ku sugay gar kuu dhigay. Kuu dhigayeey. Nin ku siisay kuu faan. Kuu faanyeey. Nin sarbeebay kaa qari. Kaa qariyeey. Nin ku siray wax kuu sheeg. Kuu sheegyeey. Afrikaay ha seexan. Ha seexan. ………………
Heesta: Nin Ku Siray Wax Kuu Sheeg.
Ereyada: Maxamuud Cabdulaahi Ciise (Sangub).
Laxanka: Ismaaciil Cabdi Geri (Ismaaciil Yare).
Codka: Hobalada Waabari.
………………………………………………
Maxaa siro la qaybsaday,
Saf-saf la isku kala maray,
Siraad la isku wada shiday,
La isku sogor-daahayaa,
La is wada sabaayaa.
………………
Salaan aan niya ahayn,
Gacmo la isku saaraa,
La isku soo dhaweeyaa,
Runta laga siqaayaa.
Beenta sacabka loo tumay.
………………
Adduunyada sir iyo caad,
Ninba sidii dantiisa ah,
U sitaa saqaafaha,
Saamo la isku jiidaa,
La isku wada sanqadhayaa,
Siddi qabaxi daba taal,
Afka subag la mariyaa,
Calooshana sun jiiftaa.
………………
Sancaalaha gumaystaha,
Hubka ay samaystaan,
Haddaanay dhiiga ku socodsiin,
Siduu u gadmaayaa?
………………
Waxay tahay su’aashii,
Kolba laba sokeeye ah,
Saaxiiba ahoo walaalaa,
La isku soo diraayaa,
Markii laba saf loo go’ee,
Saannadii dhammaatee,
Soo qayshado la dagihii.
………………
Sorry, waanu ka xunahay,
Silic iyo dhibtiinaba,
Siintii weey dhammaatee,
Sawaariikhda naga gada,
Sahal loo yiraahdaa.
Waa sidaa u jeejadu.
………………
Afrikaay sidaadaba,
Sacbaan xoolo lee nahay,
La yiraahdo saxardiid,
Summadiisu midab tahay,
Afartan iyo sideed naas,
Simmani ay ku yaalaan,
Caanuhu ay sunsumayaan.
………………
Markii uu salaaddiyo,
Saqda dhexe dad toosiyo,
Candha saabkii waayuu,
Isticmaar salaaxuu,
Sibraaradda ku dhaansaday.
………………
Jeerood saafi noqotaanood,
Fara simman ahaataan,
Inaad seerma waydiyo,
Guryo-samo ka baaqdaan,
Sacabka ha u garaacina.
………………
Sidaan waa naqaanaa,
Sidanna waannu garannaa,
Haday gacantu saan tahay,
Sir bay cidhib ku lee dahay.
………………
Sinnaantu waa dhab.
Dhab, dhab, waa dhab.
Saadaashu waa run.
Run, run, waa run.
Xornimo waa sed.
Sed, sed, waa sed.
………………
Haddaad samirkii aragteen,
Waxba inaanu soo sidin,
Sannadkana ogaateen.
………………
Qarniguna sargooyada,
Labaatan uu ku sugan yahay,
Taariikhdana la socotaan.
Maydun seefta maashaan.
………………
Ilaa aad samaysaan,
Saldhigo aad tidhaahdaan,
Sokeeyihii madoobaa,
Sugi mayno nolol wacan.
………………
Nin ku sugay gar kuu dhigay.
Kuu dhigayeey.
Nin ku siisay kuu faan.
Kuu faanyeey.
Nin sarbeebay kaa qari.
Kaa qariyeey.
Nin ku siray wax kuu sheeg.
Kuu sheegyeey.
Afrikaay ha seexan.
Ha seexan.
………………