Cabdillaahi Suldaan Timacade Gabayadiisii (Qaybta1aad)
HTML-код
- Опубликовано: 9 фев 2025
- Cabdillaahi Suldaan Maxamed oo ku caan-baxay (Timacadde),wuxuu ku dhashay Galoolley, oo ku
taal duleedka magaalada Gabiley,sida in badan oo taqaanay rumaysan tahay,isla markaana uu ii
xaqiijiyay Isaaq Cismaan Maxamed oo ay Timacadde ilma-adeer ahaayeen.Hooyadii waxay ahayd
Xabiiba Seed Guuleed.C/laahi Suldaan markuu geeriyooday 1973-kii, wuxuu ahaa 53-jir, sidaa
darteedna wuxuu dhashay 1920-kii.
C/laahi Suldaan wuxuu ka dhashay qoys beeralay ah, waxaanu ahaa madi.Wuxuu ku koray
degmada Galoolley oo ay beer ku lahayeen, halkaas ayaanu ka galay malcaamad-qur’aan.C/laahi Suldaan,
isagoo weli dhallinyaro ah ayuu tegay dalka Itoobiya,waxaanuinta badan ku noolaa magaalooyinka Adari
(Harar) iyo Diridhabe.Timacadde wuxuu Itoobiya ku tegay farriin uga timid ina-adeerkii Maxamed
Dugsiiye Maxamed oo ciidamadii Talyaaniga ka tirsanaa.C/laahi Suldan waxay isa sii raaceen laba kale
oo ay ilma-adeer ahaayeen.Markii ay muddo joogeen magaalada Adari, ayuu Maxamed Dugsiiye u yimid.
Tima-cadde wuxuu ku daray malcaamad uu qur’aanka iyo diinta ka barto.Maxamed Dugsiiye dib
ayuu u noqday oo wuxuu sii raacay ciidamadii Talyaaniga ee uu ka tirsanaa. Waxoogaa markuu maqnaa,
isagoo ku sugnaa magaalada Jimma, ayuu ciidamo ka soo noqday farriin soo faray ahayd in ay C/laahi
Suldaan soo kaxeeyaan markay soo noqonayaan. Halkii ayuu Timacadde ugu tegay Maxamed Dugsiiye, isagoo
ka mid noqday ciidamadii Talyaaniga oo ay MaxamedDugsiiye isku ‘Batalyan’ noqdeen.
Ku sinnaan 1938-kii ayuu Tima-cadde ka soo baxay ciidamadii Talyaaniga
oo uu degay magaalada Diridhabe oo uu waxoogaa ku noolaa. 1940-kii ayuu C/laahi u soo wareegay
magaalada Jabuuti oo uu ku noolaa ilaa 1949-kii. C/laahi Suldaan intii anu Jabuuti ka imanba wuxuu
noqday gabayaa laga yaqaan golayaasha iyo fagarayaasha lagu kulmo, gaar ahaan aroosyada oo uu aad uga
gabyi jiray.Sannadihii uu ku sugnaa Jabuuti iyo markuu ka soo wareegayba, C/laahi Suldaan gabayo bulsho
oo kaftan iyo xifaaleba lahaa ayuu la wadaagi jiray hal-abuurkii ay isku da’da ahaayeen, kuwaas oo
dadku aad u xiisayn jiray.
C/laahi Suldaan markii uu Jabuuti tegay, halkaa waxay ku kulmeen Barni Jimcaale oo kal-gacal
xoog lihi u galay, tix uu u tiriyayna laga hayo halku-dhegga ah;
"Barni ina Jimcaalaan helee, sow bar dahab maaha."
C/laahi Suldaan iyo Barni Jimcaale, waxay ku aqal-galeen Galoolley 1952-kii. Barni Jimcaale, 1954-kii
ayay Maryan ku curatay.Guurkaa Tima-cadde iyo Barni Jimcaale ma raagin, waxaanay ku kala tageen
magaalada Jabuuti 1957-kii.C/laahi Suldaan wuxuu si rasmiya uga soo wareegay Jabuuti 1949-kii,isagoo
degay Galoolley oo ay beertoodu ku taal. 1959-kii ayuu C/laahi mar labaadkii ku guursaday Galoolley
Ardo Qallinle Cige oo u dhashay afar hablood iyo wiil, kuwaas oo kala ahaa:
Xaliimo C/Laahi Suldaan
Maxamed C/Laahi Suldaan
Mako C/Laahi Suldaan
Iyo Nimco C/Laahi Suldaan.
C/laahi Suldaan, markuu dalka soo degayba wuxuu ka qaybgalay halgankii gobonimo-doonka ahaa
ee dalka ka hana-qaaday.Wuxuu markiiba ku biiray ururkii SNL oo ay xaruntiisu ahayd Hargeysa, halkaas
oo ay kasoo baxeen gabayadii ugu badnaa ee Timacadde ee marxaladdaa ku beegnaa. 1960-kii kadib, markii
gobonimada la qaatay ee la isku daray labadii gobol ee Soomaaliyeed, lana sameeyay Jamhuuriyadda
Soomaaliyeed, Tima-cadde wuxuu ka tirsanaan jiray xisbigii la odhan jiray SDU, loona yaqaanay Calan-Cas.
Wuxuu ahaa xisbi fekerkiisu bidix ahaa ama u janjeedhay dhinaca hanti-wadaaga. Beryihii dambe ilaa
doorashadii 1969-kii,Xisbina kama uu tirsanayn, waayo markuu arkay sidii wax loo waday iyo siday
Xisbiyadii u noqdeen wax lagu danaysto, wuu ka aamin-baxay. 1969-kii, markay ciidamadii qalabka siday
taladii dalka kula wareegeen inqilaabka, C/laahi Suldaan dadweynaha Soomaaliyeed ayuu la qaybsaday
dareenkii wanaagsanaa ee lagu soo dhoweeyay, iyadoo maamulkii madaniga ahaa laga khatoobay, isla
markaana laga rajo-dhigay, shacbigu way u heellanaayeen is-beddel dhaca.
Ididiiladii iyo rajadii dadweynaha gashay waxay ahayd in wax is-beddel
Haldoorkii hal abuurka somaaliyeed allaha u naxariistee c/laahi suldaan maxamed inta somalinimada iyo suugaanta jecel ku na faraxsan dhaqankooda like ta haygala bakhaylina mudaneyaal iyo marwooyin allah mahadle
Alaha.unaxaristee.waxaa.Haley
Nin soomali wax usheeegay waa timacade (alle ha unaxariixsate amiin )
Lkn waa dhego xidhan somalidu, wax wax loo sheego ma aha.
Halyega juhdigiisii iyo dedaalkiisii waa ay khsaariyeen ufff
❤❤❤
SAKAY UGU DARAN TAHAY ADEER,
ABWAAN ABDILLAHI SULDAANOW.
DANBIGAAGA ILLAHAY HA DHAAFO BI IDNIHII
Markii calankii ingiriiska hoos loo da jiyay kii somalidana LA saaray walahi ilmo ayaan ceshenwayay. Allah naxariistii jano ha ka waraabiyo abwaan qaali ah ayuu ahaa. TIMO CADDE
Alaaha u naxariisto Aabe/Adeer/Abti /Awoowe Mujaahid Xoreeye Guud Cabdulahi Suldaan Timacade
alaha unaxariisto waa abwaan kii ugu horeeyay uguna bandbeeyay ee soomaaliyeed alaha unaxariisto
Allah ha u naxariisto waxa buu arkaayey indhaha ayaa u furnaa ( dadkoo indha la') nin la noolaa (caamo lax dhunkan iyo xuunsho oon wax fahmin oo kale ayeey ahaayeen dadku maantana waa sidii , sidii qarandidii ayeey foorrorraan somaliyi iyo Islam kiiba subxaanallah
2021/12/29/ qofka iiga danbeyo waan ku salaamay
ILLAHAYOW U NAXARIISO ABDULLAHI SULDAAN
alle naxariistii janatul firdawsa hawgu deeqo abwaan somaliyed oo qiimo badan ayuu aha c/laahi Suldaan Timacadde alad marun ina so martay dubna an lo heli donin 👳👑
Waaa Gabayo Qiima leh. Allah Kuu Aqbalo Ducadeena Abwaan Timacade Amen Allah ya Raxma ❤
Illhaw kuu naxariiso Abtiyo Abdillahi suldan timacade 50 sano kahor ayuu noosheegey waxkasta oo imika dhacaya from Dilla
Mid kamida haldoorradii ay dhif iyo naadir tahay in dib loo arko asagoo kale ❤️❤️❤️❤️❤️
I cried while watching this-- I love my country! God bless SOMALI 😭 those poems are almost enough to bring a man to tears
063441
063441
063441
063441
063441
Hadii somali legend leedahay waa ninkan. Gabyaa kaliya ma ahayn nin aragti dheerbu ahaa
Allahu akbar Gabaygan Runti Wuxu mudan yahay in biyo dahab lagu qoro💝
Hhhjjjj minimum nn b HBO n cn pool. Mm mnbf ft/
Allah ha u naxaristo tima cade faqash waxeey dadkaagi ku sameeysa Allah kuma tusin waa nala cunay dabadaa😢😢
Walaahi walaalo waad iga qosliay ilaahay haku sharfo wallo naxatiistii janana alle ha ugu deeqo Abdilahi Suldan timacade aamiin aamiin he was the greatest poet at all times
Alla yarhama rahimiin
Adigana aad ayaan kuu salaamayaa wallo
Alla hawnaxariistii abwaan timacade wlhi wuxuu ahaa indheer garad waxbadan soomalida hoga tusaaleeyay alle haw naxariisto amiin amiin
Ilahay na naxariisto janada ha waariibay
Wxa uu ka hadalaya waqaciga manta haysta somalida
Happy to be Muslim descendants of Muslim yaa Allah rise us Muslims
Cali Cilmi amiin amiin Allah
Aun abdillahi suldan timacade waxaan ilaahay uga baryayaa inuu janatal fardawsa aclaa ku casuumo marxuunka kor iyo hoosba soomaali wuu ula hadlay sidii uu inoola hadlay maanta aynu ugu ducayno wallo
Milyan jeer alla yarxama
Allaah naxariistii jano haka waraabiyo claahi suldaan timocade
Aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin idnkuna BAADIGOOB
ninka somali ugu geesisan uguna aragti dheer ayuu ahaa waayo gabayidiisu waaqica hada jira ayuu ka hadlayaa wlhi
Ilaahay haw naxariisto abwaanka umada somaaliyeed Somalioo dhan baa jecel
abwaankii qoowmiyada soomaaliyeed abaal wayn kuleh
ilaahay qabriga ha.uwaasiciyo
from :jig-jiga
Allaah ha u naxariisto Mujaahid timacade taariikhdan qiiro uunbaa igakorodhay iyo oohin soomaalay sideenahay
Ilaahay ha ku naxariisto adeer timacade,runtii taarikh baad ka lama ilaabaane,hadii la raaco ina hagikara.
Walhay gabagaan mantuu kawarmay xaladaan ku suganhay ilhay hawnaxariisto yarabi😭😭
law unaxaristo nin ka aragti dheri malaha somali kadhanmayo allaw gudka unur
Abwaan waa ninkaan oo kale Allaha u naxariisto Abwaan c/hi suldaan timacadde
nin agarti dheer ayuu ahaa ilaahay ha u naxriisto
Jamhuriyada Somaliland barakaysan wakhtiga ayey somalida uruurinaysay oo ay la hadlaysay hase ahate dadkii jamhuriyada Somaliland xornimada keenay waxa jawabtoodii laga dhigay cidhibtir iyo loo bixiyey dabar gooyntii Sheikh Isaaq
Cabdi Ninwanaagsan , walaalo soomaali waligeed ayey is cirib tiraysay. Mida kale xoriyada waa loo soo wada diriray walaalo.
Si kastaba waxaynu idinka raali gelinaynaa wax walboow qabaaiilada reer koonfureed idin gaysteen
Soomaiya cidhib tirantay soomlilaan nafsiyii way helaysaa dhawaan xornimadii luntay 1960kii itopiyaa dhamilahayd oon lamidawno soomli wataa dakadii berberi npqotay ta soomli uugu horumarsan afwayne wuu eeday soomlilaan
Gabay nadaafad leh ayoo carabka ka tuuray, geesi afkiisa kala ilmiiyay wadanayiinta somaaliya ❤❤
HE IS THE SONGS PROFESSOR
Allah ha u naxariisto jannadana ha ka waraabiyo insha Allah aamiin
Thanks wlllo
Alla ha kaaa abaal mario
Alle hunaxariisto marxuunka aamiin yaa Rabi
Shuen 🌏Hassan 😭👑🇸🇴🇸🇴☝️🌍
Unforgettable Somali poet I always like listening all his gabay
Allah ha unaxariisto Abwaan timacade
In-shaa Allah Jannatul Fardowsa
Yaasiiin aburaas watching
Alle ha unaxaarizto
Ilaahy ha u naxariisto c/laahi suldaan
Ninkan inbadan ayuu Somali lahadlay haday dhago leedahay balse maba ahin dad hal meel kasoo wada jeesanaya waa nasiib xumo lkn aniga waxaan aad ujeclan lahaa somalia iyo somalilanba labo dawlo hakalanoqdaan lkn inay meel kaso wadajestàn bes 💞
Raxmatullaahi caleyk.
Allow u naxariiso oo janatul fardows ka warabi muxuu araartay oo soomali si walba ula hadlay
Alle ha unaxariisto
Allaah yaraxmah raaximiin
Waxa ka wal walsanahay inuu meesha ka baxdo suugantii somaaliya maxaa yeelay jiilka soo koray waxa Ku mashquulsan yihiin AF qalaad iyo waxyaaba kale lid Ku ah Afkeena hooyo
Alle ha unaxarriisto aamiin aamiin Abwaan maxamed. Suldaan tima cade
Alloow kuu naxariisto Aamiin Aamiin Aamiin
Gabay macaan dheh.
Allah ha unaxriito qariga Allah ha nuuro halyeey somaliyeed
Ilaahay ha u naxariisto wuxuu ahaa nin qiimo badan ugu fadhiyay umada soomaaliyeed dhamaanteed in kasta oo wakhtigu is badalay hadana lagama quusanaayo inuu soomaali ku jiro dad badan oo xaaladu saamaysay oo ay wax ka badashay haduu maanta soolaaliland soo gaadhi lahaa siday wax u dhici lahaayeen
Allah naxariistii jano kaga baryay amiin
Wuu aragti dheeraa
Only Isaaq tell the truth .
God bless abdillahi suldan😊
Allaha u Naxariisto maxamad Cabdilahi Sudan
Ilaahow u naxariisto
Abwaan timacade indheer garad buu ahaa
Yaraan bn ku dhegaysan jiray waa ustaad wax badan laga faa'iidayo.
Allaha ha naxariisto Abdillahi Suldan (Timacade) wuxu dhintay 1973 from throat cancer. Walaasahy baa caano afka ugu shubi jirtay.Markuu wax kale liqi kari waayay
Walaashaa magaceeda oo sadexan iisoo sheeg Allah ha u naxariisto aamiin insha Allah aamiin waa awoowgay
waxaa diley cawri kuley codkiisa why qof wlaaba meel baa laga soo galaa allya raxmaa
1972 buu dhintay sxb dib
Allaah hawnaxa riisto cabdulaahi zuldaan Timo cadde
The somalis have produced best and most critical poets unfortunately we never learn anything.
Ilaahay haw naxariisto janatul fardowsana haka waraabiyo gabayo qiimo badan buu ka tagay haday somali ku dhanaqnto way hagaagaysa
Gabyaa qaali ah oo somaliyeed alle ha kuu naxariisto
Awoow Tima Cadde alla Jannad kawarabiyo Haku CasuuMO JannOoYinKa Macan
Good history of somali language
Intan gabay iyo geeraarba waan xifdisanahay markaa wll adoo raaliya
Maad heli kartaa gabayo iyo geeraro kale oo dhagaysiya mahadsanid 100%
haa waan hayaa qaarle oo badan maanta ayaan soo galinayaa ee subscribe dhe si aad u hesho markaa
Waan idhi ee soo daa sxp si dag deg ah
@@abucubayr8517 waa kuwaas sxb qaybtii 2aad
ruclips.net/video/37JfE6Awf1M/видео.html
abu cubayr
Inadeero dadku adiga ka badan oo ma wada xifidsana
Mnzh allah caqiil ilahay hawa naxaristo
Dul iyo hoosba waan ugu dhigaye, waa dix-dhagaxeede
Anuunbaa damqanayee dheguhu, uma daloolaane
Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane
BAL inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray
Wixii hore usoo daashadaay, degashanaysaaye
Doc hadday u wada jeedsatooy, dhowrto danaheeda
Ooy duul walaala ah tahaooy, duunka ka heshiiso
Dadka Kama yaraateene ways, dabar jaraysaaye
Dubba madaxa wayskala dhacdaa, daa’in abidkiise
Goortay is wada dooxatay baa, daad u soo geliye
Ubadkiinii waad daadiseen, waana dubateene
Dubaaxdiisii waad wada cunteen, duhur dharaareede
Dariiq toosan Soomaaliyey, waa lagaa dedaye
Darajada Ilaahay ninkii, doonayaa hela e
Nin ka duday distoorkiyo waxyiga, diinti ka carrowye
Dugsi maleh qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane
Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo, daynin kala qaadka
Dibaddaan ka joognaa sharciga, daacadda Illaahe
Danbarkeedu waa Jahannamiyo dogobkii naareede
Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Cabdalle Cabdi 🇸🇴🌍🇸🇴🎁👈🏿🥳🙏📨😍🥰☝️🇸🇴🇸🇴🇸🇴💪🏾🌏
@@xuseenibrahim217xuseen7
But faqash people like you don't understand kkkkk
allow ku naxariisto legend somaliyed
Iove you ❤my past 1 first time
Ninka sidaa u jibaysnaa diyaarad ayaa lagu xasuuqay qoyskiisii sidee markaa layskugu keeni karaa
Ninwalbow sadex goor subxaaanow waa mahadaadhe
Allah ha u naxariisto
Anigu markasta oo aan dhagayso waxaan ku tilmaami lahaaba oohin ayaa idhaafisa
Walaahi imikadaa ayaan ooyayaa markaan cidkiisa maqlaba ilmada ma xejisto waad ku mahadsan tahay wallo hadaad adna ila qabto
1960kii ayaanu oohin dhamaysanay halii soomiya noo xanuuni jirtay waatii nabogsatay hadaanunahay soomlilaan
Illaahay haunaxariisto aamiin
One of the greatest poets 👏🏾 Allah YarxamU
Abwaankii Somaliyeed ❤ Allah yarxama
Masha Allah cabdilaahi suldan timacade
Landhere jipril abokora alle haw naxaristo
Allaaah yaraxmah raaximiin 😭😭😭😭😭😭😭😭😭😭😭😭
Ma taas ayey mutaysteen jamhuriyada Somaliland ragii calanka keenay ka cayriyey Gumaystihii Talyaniga aha ee ku shaqaysan jiray koonfur somali Italy ilaa Djibouti France gumaysiga ka saaray taariikhda lama dado waa lagu fanaa walalka markuu magac soo kordhiyo
Illaahow kunaxariiso hadaad maqasho Waddani ninkaas buu ahaa Patriotic
Allaw u naxariisto
Somali legend
Ala ha u naxiisto
Ilahay hawnaxariisto janadiisii fardawsana hageeyo
Allaha unaxariisto
Ilahay haw naxariisto
Allah haw naxariisto abwaankii soomaaliyeed
Rabi naxaristii jano haka waraabiyo
Haduu maanta joogo wuu maroora dilaaci lahaa sidayada soomaali walaal matqaan iloow ugargaar Soomaali/laan sidaasay wada ahaayeen Laakiin khayrbay noqon daacad mahugawdo
Axaxa ilahay ayaan jojiin wllo qali
Marxuun caqli badan bu ah
Ilahay haw naxaristo
Isaag iyo inti muslinaba
Cabdiraxmaan cabdilaahi
Ilaahay janadiisa ha ka waraabiyo aan u ducayno dhamaanteen
Alahu naxariisto
😮😮😮😮😮
allah yaraxma
dadkaan la5hadlaaaya baaan lahayn dux iyo imaan
Ilaahaw unaxariiso
Aamiin ya allaaah
Allah ha unaxaristo abwaan timo cade
abwaan qaran allah yaraxma
Ilhayow u naxariiso
Hadii aad tidhi
Wuxu dhshy 1920
Waxanu dhintay 1973
Sida darteed wxy DA
Diisu ahay (53) jir
Alla! Waa barigii dowladii xasarada badneyd wax shirqooli jirtay.
Haah
Ilaahayoow kuu naxariisto jecliyaa
Qof wax garad ah ayuu ahaa waase lala fahmi kari waayay illaa qoyskii isir ahaan uu ka soo jeeday lagu xasuuqay diyaarado