Aadan Carab - Mastar samatarow gabay adaan kugu majeertaaye

Поделиться
HTML-код
  • Опубликовано: 15 янв 2025

Комментарии • 2

  • @al-xaqiiqamedia9377
    @al-xaqiiqamedia9377  Год назад +1

    Mastar Samatarow gabay adaan kugu majeertaaye
    Waxaad tahay mash-huur loo yaqaan oo mar-yeedhe ahe
    Maxafalladase waa kaa tawnay oo reer-miyaad tahaye
    Anigana madaad iga dhigtiyo keligi-maarmaane
    Mayalkaan hayeey gacanta bidix ila maroortaaye:
    Laakiinse anigaa mulkiyey madashi-goobeede!
    Kol haddaan magaalada Shaxdaa 'mood' Ка wada yeedhshey
    Waayoba maraar baa i gala duul ku makirane
    Bal aan caawa kaan mihindisiyo mawjad kale saaro
    Ingiriis dalkiisii mudhxay uu cunay magoolkiisa
    Isagoo masaafura haddaan subax ku miidaanshey
    Oo lagu mintiday-waw dhammayn-‘minawarkaa fuule
    Maskab kama dhaxline wiilal baa helay macaankiiye
    Kun nin baa martabadii u hadhay ama muluugtiiye
    Inta kale mus ood laga rogtey bay meerayaan dibade!
    Sidii baan marqaafyo u sitaa ama maraykaane
    Sidii baan Midgaha uga kartaa maas faruur go`ane
    Sidii baan maqaar ugu gam'aa meel la іі dhigaye
    Sidii baan makaar lagu gubtiyo milic u joogaaye
    Sidii baan madaal dheri karshiyo rodol u miistaaye
    Sidii baan macaash uga gataa harag miciinkiise
    Sidii baan martida caano qudha ugu macsuumaaye
    Sidii baan masruuf uga dhigtaa midhaha Toomoode
    Sidii baan muwaashiga hayaan ugu maqiiqaaye
    Sidii baan majiiraha dhabbada ugu masaafoone
    Sidii baan manjaha ugu socdaa moodhar li'idiiye:
    Sidii baan tacliin uga madhnahay macadki diimeede
    Sidii baan madow ugu jiraa maato iyo ruuxe
    Sidi baan macruufkow sugaa macallinkiisiiye
    Sidii baan magtii uga baxshaa muumin kii dilaye
    Sidi baa miskiin tulud lahaa looga mariуаауе
    Sidii baan haddii tuug i miro midigta loo goyne
    Sidii baan xafiis meel fog jira ugu muctaadaaye
    Haddii laba nin оо wada muslina madaxda loo geeyо
    Sidii baan guddida loo madhaa wax u masaynayne
    Sidii buu rummaan ugu mudhxaa kii maxbuusihiye!
    Sidi baa sharcigi meyd u yahay aan murwo lahayne!
    Kuwa midabka soomaalinnimo lagu malaynaayo
    Sidii buu kiniin uga mutaa maralka jiifaaye!
    Sidi baa dalkii naga maqnaa muran u joogaaye
    Marsadii Jabbuutaanba weli soo mihiib-kicine
    Sidii buu makhluuqii u yahay magan-Amxaaraade!
    Haddii dumar maxaajabad ahaa milicsi loo diido
    Imminkay dharkoodoo milmila suuqa marayaane
    Miidaanka noogama baqaan mana mastuurtaane
    Muqdishaba horteed waa dhaqnayn marag llaahay е
    Wuxuu webigu mооѕКа u jabsaday waaa macaasida e!
    isagaa mabsuuda е wax kale nooma maamuline
    Bal muxuu micneeyaye na taray ministarkaan doortay
    Afkoo malab ah shicibkii haddii lagu mashaysiiyo `"
    Оо ааn muraadba u qumayn mooyi say nоqоnе
    Waa nala maddaaryeynayaa tan iyo maantilye `
    Мanqaa lagu sabaa had iyo jeer muugga dhalanteede !
    Hadba waxaan maqlaa boqol malyuun waa mucaawino e
    Maalkıi arlada loo qabtiyo meeye lagcatiina?!
    Mooskadan raggow duulayee maylka tirinaaya
    Goormaa waxay muujiyaan lagu manaafiici?!
    Ma mardaaddi baa socodka aan miiq la qabanaynin?!
    Sow riigna noogama mudaan madasha Buuhoodle?!
    Bal intee muddaahaan sugnaa maaxda Iman doonta?!
    Bal maxaase - hay muuqatee - maradi” loo qaatay?!:
    Mukhlis iyo haddaan lagu shaqayn orod maleegnaana
    Ma xiniinyahay moodayaan muunad nala ѕаагау?!
    Ма naftiinna maaro u qabtaa nimanka loo miidhay?!
    Maashiyo haddaan mililka saro malow miyay fuuli?
    Ma mucaarad baan ahay haddaan xaqa ku maansoodo?!

  • @aadanaar194
    @aadanaar194 10 месяцев назад

    Alle ha unaxariisto aamin aamin abwaan qaran ayuu ahaa allow unaxariiso