Heesta qoraalkeeda wax yar oo aan ka khalday ayaan dib u saxaye la soco saaxib: sida awr gabraareed, geeddiga higsanayee, (gabalkaan higsanayee)xxxxxx waa khalad sida saxda ahna waa: sida awr gabraareed, geeddiga higsanayee, gabalkaan u jeedaa, Guulluhu i geeyee....
Waxaa kale oo rabaa in saxo meel kale oo aan eray yar ka tagay kaasoo ah: godob-reeb ha joogtee, ley garowshoo xxxxx sidan ayaa sax ah: godob-reeb ha joogtee, ley diid garowshoo......
Inadeer hadba kad adigu u haysatid u hayso balse sin iyo saad mid anad garanayn wlhi ereyadasi waxay ila tahay inomay gaadhsiisnayn ila xadka welibana raali adigu iga ahaw
Heestan waa heestan ugu je lahay heesaha Allah hawnaxriisto m saleeban amin
Heesta qoraalkeeda wax yar oo aan ka khalday ayaan dib u saxaye la soco saaxib: sida awr gabraareed, geeddiga higsanayee, (gabalkaan higsanayee)xxxxxx waa khalad sida saxda ahna waa: sida awr gabraareed, geeddiga higsanayee, gabalkaan u jeedaa, Guulluhu i geeyee....
❤ heestaaan in badan baan radinayay thanks
Tubeec my favorite always AHU
Waxaa kale oo rabaa in saxo meel kale oo aan eray yar ka tagay kaasoo ah: godob-reeb ha joogtee, ley garowshoo xxxxx sidan ayaa sax ah: godob-reeb ha joogtee, ley diid garowshoo......
Heestan magaceedu ma aha GOOD ee waa GOD MADOW, dadka qaarkiisna waxay u yaqaanaan INANTAAN GARDAADSHAY
Ooof xudeydi iyo tubeec 2 boqor
Magaca heestu waa "God Madow", dadka qaarna waxay u yaqaanaan "Inantaan Gardaadshay", erayadii abwaan Hadraawi, kabankii macallimuu Xudeydi iyo codkii boqorka codka Tubeec dhamaantood Allaha u naxariistee
Kabanku Xudaydi Mahan ee sxb Waa Xasan Sabriye Afrax Xasan gareyd
Adeer haddii macallinka kabankan tumayo aad tiri waa Xasan Great sorry waxaanad aqoon u laheyn oo isaga kaa darsan garaacista Xasan Great iyo macallimuu xudeydi, waxadna iila egtahay dhalinyarada da'da yar (teenages) ee aan xilligii 70nadi iyo 80meeyadi dhalan ee aan Siinka iyo Saadka kala garaneeynin
Inadeer hadba kad adigu u haysatid u hayso balse sin iyo saad mid anad garanayn wlhi ereyadasi waxay ila tahay inomay gaadhsiisnayn ila xadka welibana raali adigu iga ahaw
Kabanku wa Xasan great
Midhaha wa hadraawi wa dalki salaad gabayle
Hees.wacan
Aun
Alle ha kuu naxariisto wale fanan gaadha lawaaa
Amiin
Mohamed Suleebaan Tubeec Boqorka Codka 🙏✍️
Sxb heestaan ayadoo qoraal ah soo gali plzz🎉🎉🎉🎉🎉
Insha alaa wll haye
Heetan miraheda ya tol ah ino soo qoro plz ❤
Dumar geesi dhaaxay
Gooyeen heddiisoo
Ragna garabsi moodkood
Ka gaboobi maayee
Gunburreyda hoosaan
Gurrac uga jarmaadoo
Darantiyo gulaankaan
Gebagebo ku dhaafoo
Guban xeebaheedaan
Sii maalin gaaloo
Qorraxdoo godkeedii
La gelaysa fooddaa
Luguhu I gabeenoon
Socodkii gadaashoo
Gerriyaad dhexdiisaa
Gudcur igu ballaadhoo
Garan waa kaskaygii
Geesaan u jeedoo
Gabaddano naf joogtaa
Gogol doonimaysee
Dhaxantaan go'aygii
Garbaha iska saaroo
Good iyo abeesaa
Igu soo gurguurtoo
Gool qawdhamaysaan
gondaheeda seexdoo
naftu guure mooyee
gama yeeliweydoo
guntigaan adkayston
marada isku giijoo
waaygoo duduutaan
goodiga abbaaroon
eeyi laga hayaamiyo
guri madhan is taagoo
sida goraya cawshoo
galab hoos u jeeddoo
gu'barwaaqadiisio
gaaroodi joogtoo
baydiri gantaaliii
geed ugula dhuuntoo
meel halis ah gooyaa
gucle iga dhammaadoo
godollaan ordaayon
sida awr gabrareed
geeddiga higsanayo
gobolkaan u jeedaa
guulluhu I keenoo
gabayoox duleedkaan
weheshadey go'aygoo
anigoo gandoodoo
is-guhaadinaayaa
waxaan geystey mooyee
birta layla gaadoo
inantaan gardaadsheen
gaadiid sidiisii
ku xambaaray guudkaa
wedka ii guddoontee.
Godob-reeb ha joogee
Lay diid garawshoo
Giddi habar-dugaag baa
Waydaydu gaadhoo
Gorgorka iyio haadaa
Ilmo gabax ka siiyoo
Garanuugta aydaa
Geedaha ka soontoo
Ma hallayn gartaydee
Gacal baan u waayoo
Golahay lahayd iyo
Geedkeeda keenee
Guddidaan u dhiibee
Guudkeed xil-saaraa
I gargaari weydoo
Gaaliyo Islaamkaan
Gacan-siin ka waayoo
God madow dhexdiisaan
Ku gunaanad seegaa
Geeraarku joogaa
Hadraawi ilaahay ha u naxariisto labadoodaba
2boqor