Cabdilaahi Sulfa, Cabdikariim Jiir Iyo Maryan Cali 🔥Iyo Nabi Ammaan "ERGADII FURQAAN"

Поделиться
HTML-код
  • Опубликовано: 21 сен 2024
  • ⭐Qasiidadan Waxa Curinteeda Lahaa
    A/ Maxamad Ibrahim Warsame Hadraawi
    ⭐Laxanka
    U/ Cabdikariim Qaarey Jiir AHN

Комментарии • 57

  • @abdulaahiafcase5079
    @abdulaahiafcase5079 2 года назад +29

    Ergadii Furqaan
    Nabigii Ilaahow, Ergadii Furqaanow Nuurkii islaamkow, Adigoo adduunkiyo Ifka weli ka maqan baa, lagu sii oddorosoo Ishaarooyin badan baa, Dadku kaa arkeenoo Maalmaha illaahay, Qaar baa astaanlehe Toddobada Ayaamood, Isniin baad ka dhalatoo Adduunyada xuskaagii, Ololaa ka dhacayoo Urur-weyne goortii, Ugxantaadu bururtaa Xiddiguhu ifeenoo, Dayaxaa ilayskii Arladoo dhan gaaroo, Onkodkiyo hillaacaa Araggiyo wax maqalkii, Ashqaraar ku ridayoo Addoomaha dhammaan baa, Insigiyo jinkaa farax Abshir dhaha la yiriyoo, inta Haadda duushiyo idil Habar dugaag baa, abaabuley cayaaroo Dhirtu oogadaadiyo, Afartaada geesood Ubax iyo caleen bay, Ku ila-xireenoo. Ab tirsiimadaadiyo, Meeshaad ku ababtaa Dadku wada ogaayoo, Aaminatu* Wahab baa kugu qaaday uurkoo, Adigoo unkamayoo weli soo If bixin baa, Adoogaa xijaabtoo Nafta laga aroorshoo, Amran hooyadaa baa ummushii ku dhimatoo, Allahay xaliimuu* Igar kaaga dhigayoo, iyaduu xilkaagii Araxdeeda saaroo, iyadaa laf-dhabartiyo kugu qaaday Araxdoo, Abuurtaada Nabiyoow ulajeeddo weyn buu, ka lahaa Ilaahoo hadba Guri Ammaanuu, Rabbi kugu ogaayoo arrintaada meel buu, ku ilaalinaayoo adigoo Agoonaad, Maka ari ku raacdoo oon iyo harraad iyo, Arrad iyo cagaag baad u adkaysanaysee,
    Nebigii adeerkii, Abuu daalib koriyow, Sow Nabi Ilaahow, Adoo jooga kaligaa Buur oogadeed oo, Adduunyada Dhiskeediyo ifa-faalaheediyo, ku dhex jira ammuuraha ka qarsoon Addoomaha, sow Uur-ku-baaliyo Malak kuuma imanoo, Iqra kuuma dhiginoo Aayadaha Qur'aankiyo, Magacyada Ilaahay kuma oran guddoomoo, Runta kuma ogeysiin. Dabadeed ayaantaas, Xaruntii ilhaamkaa Idan kaaga yimoo, waxa Eebbe kaa wacay Cirka oogadiisoo, Nabow Geenyo uguboo amran oo la yaabloo, Ashkiraa ku qaadoo Carshigaa il-biriqdeed, Irriduhu furmeenoo Ilaaheenna weyn baad, Afti kala hesheenoo Noloshiyo iftiinkuu, kuu soo igmadayoo Gaal iyo Islaamkuu, u arrimi ku yiriyoo Urur-weyne waa taad, ka akhriday Dhambaalkoo Ummadoo dhan shirisoo, Arrintii dhacsiisee Ulajeeddo hadashee, Oosha tidhi hoggaansama. Inkastood wax yaabliyo, tustay dhawr Astaamood waa tay Addoomuhu, Afar iyo Shan mooyee kaa aamuseenoo, iimaansan waayeen Aayadaha Qur'aankee, Dhegahaa ka awteen ulajeeddadaadii, Adyaddaa carruurtiyo Gardarada Abwaanada, Ushu kuma damqaynoo Samirkii Ayuub baad, kaga uur samaydoo Eeddooda waa taad, u adkaysanaysee. Waan-waanta eebbiyo, Amar baad sugaysee Goortii Af daalee, Odayadi Quraysheed Ergo lagala quustaa, Abbaanduulayaashii ka irdhoobey Diintoo, Ashahaada diiddiyo Arbayaashi qooqaa, Bedar lagu umaadoo lagu Arax wareemoo, Ajar iyo Jihaad baa Birta loo afaystoo, Waaberi Arooryaa Uxud layska helayoo, Eebiyo Gantaal baa lagu wada idlaadoo, Dhiiggii ordaayaa oodaha la tegayoo, Ololkii Xunayn baa Boqorkiyo ugaaskii, Indhashoodi duushoo Goobtii Axsaab baa, Axan loogu kariyoo Utin kaa maqnayd baad, Aarkeeda gudatoo Kacbadaa ajarankii, Nafta lagula eertoo Libta lagu aroostaa, Xarameyn ku iidoo Uskaggii ka maydhoo, Waxa laysku aaminay 'aaway ku aaway, Ambaqaad higgaadoo Addin yaa bilaal'. 'dhammideed Adduunyada, Afarteeda waaxyood Aadaanka gaarsii, Addin yaa bilaal'. 'Awliyada qarsoon iyo, Iilkiyo xabaalaha Aammiinta maqashii, Addin yaa bilaal'. Allaahu akbartii bay, daateen asnaamtii Abu jahal rumeeyoo, 'ilaahyadi' la beeree Ninba Toban abuurtaa. Eedaanku dumiyoo Allahay sir iyo caad, inu yahay mid keliyaad Asaraar ka saartoo, Udubbada furqaan baad ku adkaysay ciiddoo, Xididada u aastoo Ummad kala qab-weynoo, Ashahaada karinoo ambatoo hallawdoo, Abtirsiimo lumisoo is addoonsanaysoo, Utin kala dhex-taalliyo Aar-doon ku maratoo, Usha laysku dhacayoo Ooduhu dhex-yaalliin, soo ururshihiiyow. Dunidoo la iibshoo, Dadku kala irdhooboo Odayadu Dhashoodii, Nolol aasayaanoo Qof kastaa Itaalkii, ku adeeganaayoo Ruuxaan awood-layn, la addoonsanaayoo Dadku ooyayaanoo, Ummal-taah ku seexdaan Nebigii axsaabtiyo, Gallad iyo abaalkiyo soo rogey Ammaankow. Xaqa kama ajoodow, Runta kama adkaystow Ammaanada ma lumiyow, Dadka uma abtiriyow Ammaantaada Nabiyoow, Afku koobi maayoo waxaad olol bakhtiisiyo, waxaad Eedo reebtiyo waxaad iin daweysiyo, waxaad Eel bogsiisiyo waxaad aafo damisiyo, Illinkaad bannaysiyo Dhaqankiyo asluubtiyo, Garaadkiyo aqoontiyo Iimaanka sugan baa, Dadku kaaga aayee Axdigaagu waa tiir, Ummaddaadu mudantahay. Rabbow adiga mooyee, Illaah kale ma jiro. marka xiga aqoonsanin, Nabi muxamad Eebbow Ergadii Furqaan iyo, inuu yahay ma dhaafaan Ambiyada dhammaantood. Allahayow ha nagu xilin, Noloshiyo adduunyada. Eebbow sinnaantiyo, Islaamnimada xooggee. Udgoonow rasuulkii, Ummaddiisa naga yeel na illaali weligaa, Rabbow iilka nagu dhawr Ifka nagu xannaanee, Eebbow hortaadiyo Aakhiro Qiyaamaha, Rabbiyow il dabacdoo Naxariis leh nagu eeg

    • @NalaSaaxiib
      @NalaSaaxiib Год назад

      Qoraalkan ma heli karaa walal

    • @cabdikarimofficial4689
      @cabdikarimofficial4689 6 месяцев назад +1

      "Nebigii Ilaahow,
      Nuurkii Islaamkow,
      Adigoo adduunkiyo
      Ifka weli ka maqan baa
      Lagu sii oddorosoo,
      Ishaarooyin badan baa
      Dadku kaa arkeenoo,
      Ayaamaha Ilaahay
      Qaar baa astaan lehe
      Toddobada ayaamood
      Isniin baad ka dhalatoo,
      Adduunyada xuskaagii
      Ololaa ka dhacayoo,
      Ururweyne goortii
      Ugxantaadu bururtaa
      Xiddiguhu ifeenoo,
      Dayaxaa ilayskii
      Arladoo dhan gaadhoo,
      Onkodkiyo hillaacaa
      Araggiyo wax maqalkii
      Ashqaraar ku ridayoo,
      Insigiyo jinkaa farax
      Abshir dhaha la yidhiyoo,
      Inta haadda duushiyo
      Idil habar dugaag baa
      Abaabulay ciyaaroo,
      Dhirtu oogadaadiyo
      Afartaada geesood
      Ubax iyo caleen bay
      Ku ilaa xidheenoo.
      يا خير الأنام عليك السلام
      Abtirsiimadaadiyo
      Meeshaad ku ababtaa
      Dadku wada ogaayoo,
      Aaminatu Wahab baa
      Kugu qaadday uurkoo,
      Adigoo unkamayoo
      Weli soo ifbixin baa
      Adoogaa xijaabtoo
      Nafta laga aroorshoo,
      Amran hooyadaa baa
      Ummushii ku dhimatoo,
      Allahay Xaliimuu
      Igadh kaaga dhigayoo,
      Iyaduu xilkaagii
      Adhaxdeeda saaroo,
      Iyadaa lafdhabartiyo
      Kugu qaaday adhaxdoo,
      Abuurtaada Nebiyow
      Ulajeeddo weyn buu
      Ka lahaa Ilaah oo,
      Hadba guri ammaanuu
      Rabbi kugu ogaayoo,
      Arrintaada meel buu
      Ku ilaalinaayoo,
      Adigoo agoonaad
      Makka adhi ku raacdoo,
      Oon iyo harraad iyo
      Arrad iyo cagaag baad
      U adkaysanaysee;
      Nebigii adeerkii
      Abu Daalib koriyow.
      Nebigii Ilaahow
      Adoo jooga keligaa
      Buur oogadeedoo
      Adduunyada sirteediyo
      Ifafaalaheediyo
      Ku dhex jira ammuuraha
      Ka qarsoon addoomaha,
      Sow uur-kubaalliyo
      Malag kuuma imanoo
      Iqra kuuma dhiginoo
      Aayadaha Quraankiyo
      Magacyada Ilaahay
      Kuma odhan guddoomoo
      Runta kuma ogeysiin.
      Dabadeed ayaantaas
      Xaruntii Ilhaamkaa
      Idan kaaga yimidoo,
      Waxa Eebbe kaa wacay
      Cirka oogadiisoo,
      Nebow geenyo uguboo
      Amran oo la yaabloo
      Ashkiraa ku qaaddoo,
      Carshigaa il bidhiqdeed
      Irriduhu furmeenoo,
      Allaheenna weyn baad
      Afti kala hesheenoo,
      Noloshiyo iftiinkuu
      Kuu soo igmadayoo,
      Gaal iyo Islaamkuu
      U arrimi ku yidhiyoo,
      Ururweyne waa taad
      Ka akhriday dhambaalkee
      Ummaddoo dhan shirisee
      Arrintii dhacsiisee
      Ulajeeddo hadashee
      Oosha tidhi hoggaansama.
      Inkastood wax yaabliyo
      Tustay dhawr astaamood,
      Waa tay addoomuhu
      Afar iyo shan mooyee
      Kaa aamuseenoo
      Iimaansan waayeen
      Aayadaha Quraankee
      Dhegahana ka awteen
      Ulajeeddadaadoo,
      Adyadaa carruurtiyo
      Gardarada abwaannada
      Ushu kuma damqaynoo
      Samirkii Ayuub baad
      Kaga uur samaydoo,
      Eeddooda waa taad
      U adkaysanaysee.
      Waanwaanta Eebbiyo
      Amar baad sugaysee
      Goortii af daalee
      Odayadi Quraysheed
      Ergo lagala quustaa
      Abbaanduulayaashii
      Ka irdhoobay Diintee
      Ashahaada diiddiyo
      Arbayaashi qooqaa
      Beder lagu umaadoo
      Lagu adhax wareemoo,
      Ajar iyo jihaad baa
      Birta loo afaystoo
      Waaberi arooryaa
      Uxud layska helayoo,
      Eebiyo gantaal baa
      Lagu wada idlaadoo,
      Dhiiggii ordaayaa
      Oodaha la tegayoo,
      Ololkii Xuneyn baa
      Boqorkiyo ugaaskii
      Indhashoodi duushoo,
      Goobtii Axsaab baa
      Axan loogu kariyoo,
      Utin kaa maqnayd baad
      Aarkeeda gudatoo,
      Kabcaada ajarankii
      Nafta lagula eertoo,
      libta lagu aroostaa
      Xarameynku iidoo,
      Uskaggii ka maydhoo,
      Waxa laysku aaminay
      "Aaway ku aaway
      Ambaqaad higgaadoo
      Addin yaa Bilaal".
      "Dhammideed adduunyada
      Afarteeda waaxyood
      Eedaanka gaadhsii
      Addin yaa Bilaal".
      "Awliyada qarsoon iyo
      Iilkiyo xabaalaha
      Aammiinta maqashii
      Addin yaa Bilaal".
      Allaahu Akbartii bay
      Daateen asnaamtii
      Abu Jahal rumeeyoo,
      'Ilaahyadi' la beertee
      Ninba toban abuurtaa
      Eedaankii dumiyoo,
      Allahay sir iyo caad
      Inu yahay mid keliyaad
      Asaraar ka saartoo,
      Udubbada Furqaan baad
      Ku adkaysay ciiddoo
      Xididada u aastoo,
      Ummad kala qabweyn oo
      Ashahaada karinoo
      Anbatoo hallawdoo
      Abtirsiimo lumisoo
      Is addoonsanaysoo
      Utin kala dhex taalliyo
      Aardoon ku madhatoo
      Usha laysku dhacayoo
      Ooduhu dhex yaalliin
      Soo ururshihiiyow."
      يا خير الأنام عليك السلام
      | ERGADII FURQAAN | 1978.

  • @cabdirizakbashebuul7977
    @cabdirizakbashebuul7977 Год назад +2

    allaaha unaxariisto abwaan maxamed ibraahin warsame hadraawi iyo cabdikariin jiir laxamaystihii waynaa labaduba waydhinteen

  • @buuxciise1382
    @buuxciise1382 2 года назад +7

    SCW SCW SCW
    ilahay intuu rasuulku u shafeecaqaado haynaga yeeelo aamiin aamiin 🤲🤲🤲

  • @SuugaanSafaari
    @SuugaanSafaari Год назад +1

    Caawa waa habeen khayr badan waana habeenkii uu dhashay Suubanihii iyo naxariis badanihii Islaamka NEBBIGEENII suubanaa Salalaahu calayhi Wasalam.❤
    Alle sw fadligiisa iyo fadliga NEBBIGA SUUBAN SWC awgii hawgu naxariisto Abwaan Hadraawi Abdikariin Faarax Qaarey Jiir Sulfa iyo Dhammaan intii Dhimatayba. Aamiin Yaa RABBI.

    • @fahmi1435
      @fahmi1435 Месяц назад +1

      @@SuugaanSafaari scw

  • @xamsehagoog4268
    @xamsehagoog4268 6 месяцев назад +1

    Waa siiradii rasuuulka oo dhammaystiran, afkeennana si farshaxamaysan loogu dhaad-dhaaday.
    Alle miisaanka xasanaadka ha ugu daro Abwaan Maxammed-Hadraawi oo midhahan cajabta badan curiyay iyo kooxdan sida wacan inoo soo gaadhsiisay. Alle ha u wada raxmdo idilkood.

  • @AbdirahmanAbdiAli
    @AbdirahmanAbdiAli 5 месяцев назад +2

    Sanadku waa 2024 xiligu wa habeen sacaduna 8:05 rabadan waa 24 xasus aan cadi ahiin bay ii gelisey qasidsdn ❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤

  • @JAMHAD10
    @JAMHAD10 2 года назад +4

    Erayadii Hadraawi cimir dheer🙏🇸🇴
    SCW

  • @mustafeabdirizak1277
    @mustafeabdirizak1277 6 месяцев назад

    يا خير الأنام عليك السلام ergadii furqaan nabi maan siiradii rasuulku ku dhan tahay ilahay ha u naxariisto abwaankii sameeyey maxaned ibraahi warfare Hadraawi

  • @IsmaaciilKiiko
    @IsmaaciilKiiko 6 дней назад

    "Nebigii Ilaahoow
    Ergadii furqaanoow
    Nuurkii islaamkoow!"-Hadraawi

  • @AhmedMohamed-tn5yg
    @AhmedMohamed-tn5yg 2 года назад +4

    Erayadii abwaan maxamed warsame hadraawi

  • @malaayiinmedia3124
    @malaayiinmedia3124 2 года назад +3

    Hadraawi shalay ayaa la aasay cabdikariim jiir na dhowr bilood ka hor labadoodaba allaha u naxariisto nabigoodii udgoonaa ee ey ammaaneenna allaha la kulmiyo lana soo saaro
    annagana sidoo kale

  • @Yaasiin.aburaas
    @Yaasiin.aburaas 2 месяца назад +1

    S.c.w..sayidinaaa...muxaed

  • @awbustaale5719
    @awbustaale5719 2 года назад +4

    Isu ekaa qasiidadan Hadraawi iyo tii gabyaagii carbeed ee la odhan jiray Axmed Showqi nabiga ku amaanay(scw).
    "Ugxantaada bururtaa
    Xidiguhu ifeenoo
    Dayaxaa ilayskii
    Arladoo dhan gaadhoo
    Ashqaraar ku ridayoo
    Addoomaha dhammaan baa
    Abshir dhaha la yidhiyoo".
    Axmed Showqi tiisu waxay ka bilaabmaysay:
    "ولد الهدى فالكائنات ضياء
    وفم الزمان تبسم وسناء
    الروح والملأ الملائك حوله
    للدين والدنيا به بشراء

    • @engmustafahassan3945
      @engmustafahassan3945 6 месяцев назад

      Aad iyo aad, waxaad mooddaa in hal dab laga soo wada qaaday.

  • @engmustafahassan3945
    @engmustafahassan3945 6 месяцев назад +2

    Waa xalli ramadaan, waxaa ii shidan qasadadii "Ergadii Furqaan".

  • @alishafti5977
    @alishafti5977 Год назад

    Alle ha u raxmado Abwaan Hadraawi iyo Mulaxan Cabdikariin Jiir. Runtii waa nebi amaan aad u qiimo badan oo si tifaftiran loogu qaadaadhigay siiradi Rasuulka. Hadraawi wuxuu ahaa Canary in a coolmine.

  • @youngboy5293
    @youngboy5293 2 года назад +4

    Cabdulahi Maxamuud Jimcaale Zulfa magaalada Riyadh buu degan yahay salaan sare saaxiib

  • @sayidka6911
    @sayidka6911 2 года назад +3

    Allaha u naxariisto intii dhimatay, inta nool cimri dheer iyo caafimaad.

  • @miftaaxtube2907
    @miftaaxtube2907 2 года назад +5

    AUN Cabdikariim faarax Qaarey Jiir laba bilood iyo 20habeen ayuu mootanyahay 😭

  • @ahmedsahal2478
    @ahmedsahal2478 2 года назад +1

    Shukran xusuus weyn bay igu leedahay caruurnimadaydii

  • @Ansaaari__7
    @Ansaaari__7 6 месяцев назад

    Qasidadan markan maqlo ilinta ma ceshan karo ano ilmeya😢is arka xasuus qaliya igu leday 🤲 {ALLEH} waa mahada

  • @maxamedleloon8394
    @maxamedleloon8394 2 года назад +2

    Waayo waayo waa i daweyseen baraawo

  • @abshircarab18
    @abshircarab18 2 года назад +3

    Scw

  • @abdirashidelmi9693
    @abdirashidelmi9693 2 года назад +3

    Salawatulahi rabbi wa salamuhu caleyhi csw csw csw csw csw csw csw csw csw

  • @Caydaruus11-i5e
    @Caydaruus11-i5e 6 месяцев назад

    Ilaahaay hawnaxaristo hadraawi iyo jiirba

  • @amirsheikh691
    @amirsheikh691 6 месяцев назад

    Waayo waayihii wacnaa mahadsanid walaal qasidadaan mudda dheer ban raadinayay idacada horn afrik ban ka dhageysan jiray

  • @canbecabdisamad4820
    @canbecabdisamad4820 5 месяцев назад

    Scw scw scw scw scw scw scw scw scw scw scw scw scw scw scw scw scw scw scw scw scw scw scw scw scw scw scw scw scw rasul maxamed nuurow rabi janad haynagu kulumiyo amin

  • @abdirahmanhaydar9481
    @abdirahmanhaydar9481 2 года назад +1

    Wwww waayo waayo aad ayaa u mahad santahay wll

  • @ahmedyesto3458
    @ahmedyesto3458 Год назад +1

    Salallahu calyhi wasalam N&N.k.h

  • @Yaasiin.aburaas
    @Yaasiin.aburaas Месяц назад

    S.c..w 11:48

  • @salmaanmaxamed-xc9td
    @salmaanmaxamed-xc9td 2 месяца назад

    Scw scw scw

  • @Yaasiinaburaasjaamac
    @Yaasiinaburaasjaamac Год назад +1

    ❤❤nabi❤❤❤muxamed❤❤❤❤❤❤❤

  • @Dangarad.01
    @Dangarad.01 6 месяцев назад

    Hadraawi iyo Jiir oo is helay.❤

  • @hamzeabdi7605
    @hamzeabdi7605 2 года назад +2

    Eragadii furaqaan

  • @HassanAlimohamoud-wb6bv
    @HassanAlimohamoud-wb6bv 11 месяцев назад

    Allahu masalli calaa nebiyinaa mohammad

  • @najmakhyr5030
    @najmakhyr5030 Год назад

    Mansha allah ilaahay qabriga ha kuu nuuro abwaan

  • @diaatik9022
    @diaatik9022 6 месяцев назад

    صلوات ربي وسلامه عليه

  • @abdimaxamed3454
    @abdimaxamed3454 2 года назад

    Scw scw scw scw scw scw scw scw scw sweet voicesess

  • @ahmedsahal2478
    @ahmedsahal2478 2 года назад

    Allahu musali calaa seynal wuujuud

  • @Yaasiin.aburaas
    @Yaasiin.aburaas Месяц назад

    Y.m.j.aburaas 3:13

  • @HassanAlimohamoud-wb6bv
    @HassanAlimohamoud-wb6bv 11 месяцев назад

    Sulfa Allah yarxamu

  • @Yaasiinaburaasjaamac
    @Yaasiinaburaasjaamac Год назад +1

    Halgan/diimaaad

  • @Yaasiin.aburaas
    @Yaasiin.aburaas 2 месяца назад

    Y.m.j.aburaas

  • @Yaasiinaburaasjaamac
    @Yaasiinaburaasjaamac Год назад

    S.C.W.

  • @Yaasiin.aburaas
    @Yaasiin.aburaas Месяц назад

    Scw..

    • @Yaasiin.aburaas
      @Yaasiin.aburaas Месяц назад

      Y.m.j.aburaas watch watching hargeysa sland hargeysa 👉🌤🌤🏇🌍🏇🌎🚴‍♀️⚽️🚴‍♂️⚽️🚴‍♂️⛰️👣🏔

  • @hassanmohamed-v3x
    @hassanmohamed-v3x 6 месяцев назад

    Csm

  • @user-lw1bc1hy1z
    @user-lw1bc1hy1z 11 месяцев назад

    Csw csw csw 😊

  • @حسناءابنديري
    @حسناءابنديري 26 дней назад

    Scwscwscwscwscwscwscwscwscwscwscwscwscwscwscwscwscw

  • @mahadamadaxyar2165
    @mahadamadaxyar2165 Год назад

    Csw csw csw csw csw csw csw csw

  • @abdulqadirali7885
    @abdulqadirali7885 10 месяцев назад

    Scw

  • @kingmoha9965
    @kingmoha9965 Год назад

    Scw scw scw