U.S. Election Info! (Af-Somali)

Поделиться
HTML-код
  • Опубликовано: 5 окт 2024
  • #election #unitedstates #election2024 #vote
    Asc muqaalkan waxa samayay hayada cc ee magalada milwaukee. Maanta waxan ka hadlaynaa doorashada. Wadan America wa wadan dimuqraadiya oo dadka shacabka ayaa doorta hogaamiyaasha sida kuwa kuwa xukuma magalada, gobolka iyo wadankaba. Dadka 18 ka wayn ee wadankan citizenka oo dambiyada qaar aan samayn waxay xaq u leeyihin in codeeyan doorasha. Maanta waxan ka hadlayna waxyaabaha aad u baahantahay in aad ka ogaatid doorashada wadankan.
    Muqaalkan waxan ku baranayna erayo ku saabsan doorasha. English iyo Somaliba ku dheh si aad u baratid.
    Vote: Codayn
    Citizen: Muwaadin
    Election: Doorasho
    Democracy:Dimuqraadiyad
    Candidate: Musharax
    Wadankan doorashu waxa ay noqon kartaa mid magaalo, gobol ama wadanka loodoranayo hogaamiye. Mida magalada ama dagmada waxa loodortaa qof ka socda ama u hadlaya dagmadaas ama magaalas sida duqa magaalda, looyarka magalada u dooda, dakhli hayaha, ama xaakinka maxkamada. Waxa jira hogaamiyeyaal loo doorto in ay gobalkaga ama statekaaga ay u hadlan ku kulma washington DC. waxa kalo jira dowlada hoose ee gobalka maamusha dad hogaameyeyaal u ah sida xaakinka, qofka gobolka madaxda u ah, iyo lawyarka magaalada ama gobalka u dooda. Madax waynaha oo u sareeya oo shacabka muwadininta ah ay doortan. Dadkan oo dhan ee kala haya xafiisyadan kala duwan wa dad muwaadininta ay doortan oo xilka u dhiibtan.
    Labada kooxod ee siyaasadeed ee ugu wayn America ee dadk dowlada ku jiran waaa Republicanka iyo democractka. Republicanka calamadoodu wa casaan ama gaduud waxayna isticmala simbol ahaan maroodiga halka democratka ay calamadodu thy bulug ayna isticmaalan dameer. Dadka aan labadan koxood midna tagarin waxa la dhahaa Independents ama dadka madax banaan. Waxa lagayaba in ay jiran kooxo kale lkn aad bay u yaryihin.
    Labada koxood ee ugu wawayn siyasada ee aan so sheegnay waxa ay sameyan doorasho la dhaho primary election. Primary electionkani ama doorashadi waxa weeyan marka dadka ay u codeeyan hogaamiyayaasha kaso bixi doona kooxkasta oo hadhow u tartamaya in ay xilka qabtaan. Candidate waa dadka musharaxa ah ee u sharaxan in ay xil qabtaan oo loo codeyo. Primary qaarkod dadka ayaa dorankara iyaga oon is diwaan galin in ay ka mid noqdan labada koxood mid ka mid ah, qaarkoda waxa ay kugu xidhayaan in aad labada koxood ee republicanka ama democratka aad mid ka diwaan gashantahay.
    Kuwa kaso baxa primaryga doorashadooda ayaa midkasta kooxdisa u taagnaanaya oo u u tartamaya in uu madaxwayne noqdo. Doorashada guud waxa ay dhacdaa biloyin kadib primary doorasha ah. Koox kasta hal qof ayaa ka so baxaya waxa ayna dacdaa badanka talaadada ugu horeysa bisha 11 aad. Doorasha wadanka ugu wayn ee guud wa ta lagu doorto madax waynaha ee 4ti sano hal mar dhacda sida ta dhacaysa sanadkan 2024ka. Qofka ku gulaysata ayaa madax wayne noqonaya marka dhaarta la mariyo kadib.
    Waxan rajaynaya muqaalkan in aa doorashada wadankan wax kaa fahansiiyay daawo muqaalka kan xiga si aad u ogati qaabka loo codeyo wadankan iyo malinta doorashada.
    Waad mahadsanta
    ___________________________________________________________________________
    Thank you to our sources who provided information for this video and to our interpreter today. Thank you to Milwaukee Public Schools for providing interpretation. This project is funded in part through a City of Milwaukee grant of federal community development funds.
    Thank you to our sources who provided information for this video. Thank you to our partners at Milwaukee Public Schools. This project is funded in part through a City of Milwaukee grant of federal community development funds.
    ___________________________________________________________________________
    Canva.com
    Google Slides

Комментарии •