waxaan uurka kaa jirin | C/Khadar Xasan Laari | Isku maan ogeyn | Istareexday maantoo, bal aan eegno

Поделиться
HTML-код
  • Опубликовано: 20 окт 2024
  • Heesta : Iskumaan Ogeyn
    Erayada: Axmed Ileeye Samatar
    Luuqda: C/qadar Xasan Laari
    LYRICS: DHUGMAAL LYRICS
    QORAALKA HEESTA (LYRICS)
    Waxaan uurka kaa jirin
    Afka lagama sheegoo
    Afeef kuu horreysiyo
    Adkeysimo dambeetaa
    Mid uun lagu itaalaa
    Af-gobaadsi hadal iyo
    Arar wuu ka weynaa
    Jacaylkaan abuurniyo
    Axdigaanu dhigannee
    Meeyey olalaheennii?
    Isku maan ogeyn
    Inaad oofin weydaa
    Isku maan ogeyn
    Inaad bi'iso aayaha
    Isku manaan ogeyn
    Inaad adhax i goysaa
    Iilkii xabaashana
    Inaad ii horseedaa
    Asaagey iga reebtaa
    Haaa aa haa
    Istareexday maantoo
    Adey kuu ahaatee
    Waadigaan aroosee
    Bal aan eegno aayaha
    **********************
    ulashada nafteydaa
    Ogolaatey ruuxaan
    Asxaan ii galeynoo
    Uumiyaha dhammaantii
    Uga soo go’doonmee
    Inkastood abaal iyo
    Ixtiraam ku leedahay
    Sida aar libaax bay
    Isha kugu gubaanoo
    Aayo malaha duulkuye
    Iskumaan ogeyn
    Cilmi oogtii loo qodey
    Iskumaan ogeyn
    Inaad igu af-goysaa
    Iskumaan ogeyn
    Inaan kala irdhownaa
    Iilkii xabaashana
    Inaad ii horseeddaa.
    Asaagey iga reebtaa
    Haaa haa aaa
    Istareexday maantoo
    Adey kuu ahaatee
    Waadigaan aroosee
    Bal aan eegno aayaha
    ***********************
    Ammaantaada guud iyo
    Quruxdaada Aadkaa
    Ma asteeyn karaayee
    Sida ubaxii nuuraay
    Wadnahaad Abbaartoo
    Idilkood haweenkanaa
    Adaan kaa Hibaystoo
    Qof la aaminaayoo
    Xajin kara Ammaanoo
    Caqli Lahaan ku moodee
    Iskumaan ogeyn
    Inaad oofin weydaa
    Iskumaan ogeyn
    Inaad bi'iso aayaha
    Iskumanaan ogeyn
    Inaad adhax igoysaa
    Iilkii xabaashana
    Inaad ii horseedaa
    Asaagey iga reebtaa
    Haaa haa aa
    Istareexday maantoo
    Adey kuu ahaatee
    Waadigaan aroosee
    Bal aan eegno aayaha
    #dhugmaal_lyrics #dhugmaallyrics

Комментарии • 24