Aadan Faarax Samatar xayaad | heesta xayaad | waa duni xadgudubtoo | miyaa layga kaa xaday | xayaat

Поделиться
HTML-код
  • Опубликовано: 20 сен 2024
  • Heesta : Xayaad
    Luuqda: Aadan Faarax Samatar
    LYRICS: DHUGMAAL LYRICS
    QORAALKA HEESTA (LYRICS)
    Waa duni xadgudubtoo
    Xaqa baadil qariyoo
    Runtu xeelad noqotoo
    La is wada xaqirayee
    Waa xubin maroortoo
    Xin iyo wareer iyo
    Xagaldaac ma waydee
    Ma xalaa laguu yimid ?
    Waa taan Xayaadeey
    Xidhiidh kula wadaagee
    Miyaa layga kaa xaday ?
    *************************
    Waa duni xadgudubtoo
    Xanta lala wareegoo
    Loo xaydanyahayoo
    Xajiin la isla dhacayee
    Waa xubin maroortoo
    Xin iyo wareer iyo
    Xagaldaac ma waydee
    Ma xalaa laguu yimid ?
    Waa taan Xayaadeey
    Xidhiidh kula wadaagee
    Miyaa layga kaa xaday ?
    ************************
    Waa duni xadgudubtoo
    Xeer la iska diidoo
    Xumaan lagu tartamayoo
    Xabaal la isku ridayee
    Waa xubin maroortoo
    Xin iyo wareer iyo
    Xagaldaac ma waydee
    Ma xalaa laguu yimid ?
    Waa taan Xayaadeey
    Xidhiidh kula wadaagee
    Miyaa layga kaa xaday ?
    **************************
    Waa duni xadgudubtoo
    Xishood laga dhaqaaqoo
    Xirriibaha la xiirtoo
    Xigto lagu shaqeeyee
    Waa xubin maroortoo
    Xin iyo wareer iyo
    Xagaldaac ma waydee
    Ma xalaa laguu yimid ?
    Waa taan Xayaadeey
    Xidhiidh kula wadaagee
    Miyaa layga kaa xaday ?
    #dhugmaal_lyrics #dhugmaallyrics

Комментарии • 28

  • @xayaatxilwa8256
    @xayaatxilwa8256 Год назад +6

    Waxaad mooda heesta xiligaan 2023 lamaraayo inlaqaaday waayo waxbadan oo soomalida sameyso ayay kahadleysaa

    • @XusseenDucale
      @XusseenDucale 7 месяцев назад +1

      Waa sarbeeb sxp waa gumaysigii dad gaar lagula hadlayey marka dhulku caadi Buu ahaaye. Dad gumaysiga jaajus u ahaa baa lagula hadlaayey

  • @housseinwais1296
    @housseinwais1296 2 месяца назад +2

    Allah ha u naxaristo halyayga Fannanka Abwaan Adan Farah Samatar heestan jaceyl Maaha EE WAA siyaasad sabteeda markaan xasusto calosha idildillaacdaa waxay lasomareen xoriyadoonki Djibouti janno🇩🇯🇩🇯🇩🇯Allah haku naxaristo Abwaan😢😢

  • @InaomarMedomar-vf9fv
    @InaomarMedomar-vf9fv Год назад +2

    Allaha unaxariisto waa dhintee run ahaantii anigu Somalia anoo joogaa hooyaday ayaa dhagaysan jirtay heestaan haddana Jabuuti ayaa jaamacad dhammayn Rabaa 2024
    Allaha jannada ha geeyo

  • @HamzaHamza-vd3ik
    @HamzaHamza-vd3ik Месяц назад +1

    ALLAH HA U NAXARIISTO dhamaantood aamiin AAMIIN aamiin

  • @nuruahmed9919
    @nuruahmed9919 11 месяцев назад +1

    Xaashah! Waxaani hees wey dhaaftay, Alle ya raxma Aadan samatar farax.

  • @hajiomarabubakar5260
    @hajiomarabubakar5260 Год назад +3

    Waa idin salaamey saaxibayaal
    Hees ereyada in yar aan ka xasuusto oo Gaber ku luuqeyn jirtey oo magaceeda xasuusneyn hadaad noo heli karto waan u baahnaa
    Jecelkii cilmi u dhintoo dhoobada ku asaa ani laygu dheehoo dhiigeyga nuugayee

  • @kamaalilkacase
    @kamaalilkacase Год назад +3

    Adan farax samatar

  • @suugaantatv2809
    @suugaantatv2809 Год назад +3

    Waa Hees iyo badh.

  • @macalinkaxisaabta3868
    @macalinkaxisaabta3868 Год назад +4

    Dhugmaal lyrics heestan original keedii ban u baahanahay kaban ahaan

  • @saedyasin89
    @saedyasin89 Год назад +2

    September 24,2023 somewhere in USA

  • @badrigass4135
    @badrigass4135 Год назад +6

    Aadan faarax samatar, Iyo fankii Djibouti, Cajiib! Erayada heeska Yaa sameyey tollow? midho fiicn baa ku jira Wa dhinac walbo taabanaya hadey noqotey aduun iyo xaalkiisa,,

    • @baylood.germany
      @baylood.germany Год назад

      Xasan sheekh muumin Ba laha ban filaya

    • @osmanbuhdirans500
      @osmanbuhdirans500 Год назад +3

      Maya waxaa iska leeh isagaa ADEN FARAH SAMATAR COODKA ,EREYADA , LAXANKA

    • @abshircarab18
      @abshircarab18 Год назад +4

      Erayada iyo laxanka asigaa leh kuna darso aadan faarax samatar waana abwaan soomaliyeed inta bdn asigaa sameysan jiray erayada

    • @XusseenDucale
      @XusseenDucale 7 месяцев назад +1

      Isla isaga lahaa sxp

    • @HassanAhmed-yf7vm
      @HassanAhmed-yf7vm 2 месяца назад

      Ibraahim Gadhle habeenkii uu samaynaayay waan wada fadhinay xaafada Belbela

  • @abwaanmaxamadbashiir6059
    @abwaanmaxamadbashiir6059 Год назад

    Allah ha u naxariisto Abwaanka ,heestani waa heesihii gobonimo doonka Jabuuti.

  • @baylood.germany
    @baylood.germany Год назад +4

    Alha unaxariisto wiil saxiibkay ah ayan heestan ku xasuusta wuxu jecla gabadh gabadh la yidha xayaad mar walba hesstan buu u qaadi jiray alha iyadana wax khayr qaba ha siiyo 😰

  • @abdinabby6340
    @abdinabby6340 Год назад +3

    hees iyo badh

  • @24vT
    @24vT 8 месяцев назад +1

    Wad ku mahad satayi

  • @fanaxaxmed7518
    @fanaxaxmed7518 Год назад +4

    thank you very much friend

  • @HaniFaarah
    @HaniFaarah Год назад

    Watan deni yow xiriir kula wadaa gee ma xalaa lakuu. Yimid puntiland wey I xorteey xalka nimad ku soo celi wll

  • @muuseadan2294
    @muuseadan2294 Год назад

    Abwaan sayidka barakaysan ayaan ba moodiray in uu heesta qaaday isagu waayo waxan ku ar kaa riwaayadiisa uun

  • @DekaDjama-p3r
    @DekaDjama-p3r 2 месяца назад

    ❤😅

  • @Hillyeh
    @Hillyeh Год назад

    🙌🏾🇩🇯🇩🇯🇩🇯🙌🏾

  • @AhmedCabdullahi-m5s
    @AhmedCabdullahi-m5s Год назад

    Haa