Wakiil Caashaq || Saado Cali Warsame & Cumar Xasan Rooraaye || HD +Lyrics

Поделиться
HTML-код
  • Опубликовано: 19 сен 2024
  • HEESTA: WAKIIL CAASHAQ
    EREYADA IYO LAXANKA: ABWAAN MAXAMUUD CABDILLAAHI SANGUB
    CODADKA: CUMAR XASAN ROORAAYE IYO SAADO CALI WARSAME
    RIWAAYADDII: XUSKII CAASHAQA
    _______________________________________________________
    LYRICS BY: XASAN ABSHIR
    SOO SAARISTII: QARAAM CHANNEL - LYRICS
    _______________________________________________________
    QARAAM CHANNEL - LYRICS
    _______________________________________________________
    Ku soo dhowoow QARAAM CHANNEL - LYRICS, waxa aan rajaynaynaa qaabka aad noo soo booqatay in aad noogu xirnaan doonto adigoo rukumanaya channelka.
    Fadlan haddii aad ka heshay muuqaalka aanu soo gudbinnay:
    • Like saar fadlan si uu asxaab kale oo badan u gaadho muuqaalku.
    • Subscribe (Nagu soo biir)
    • Comment (Ra'yigaaga kasoo dhiibo muuqaalka)
    • Share (sidoo kale la wadaag asxaabtaada)
    Wixii warbixin, talo, fikir, dhaliil iyo music aad nala wadaagaysoba waxaad noogu soo gudbin kartaa Emailkan;
    qaraamchannel@gmail.com
    Sub
    / @qaraamchannel
    _______________________________________________________________
    Warbixin kooban oo ku saabsan channelka:
    Channelkan waxa aan kusoo gudbinnaa qaybo xul ah oo ka mid ah suugaantii dahabiga ahayd ee hore (Qaraami) iyo kuwii ka dambeeyay ee dhexeba, laga soo billaabo badhtamihii 1950-meeyadii illaa dhammaadkii 1990-kii (wakhtigii iyo waayihii u wacnaa taariikhdeennii soo jireenka ahayd iyo guud ahaanba dhaqankeenna).
    Waxa xaqiiqo ah oo sida aan filayo aad markhaanti ka tahay adiga daawadaha ah in video kasta eynu soo gelino channelka aanu isku dayno in aan helno wixii markaas warbixin aan ka heli karno oo ku saabsan heestaas, annagoo la xiriirna macallimiintii ka qayb qaadatay heestaas haddii ay tahay abwaanada ama fannaaniintaba intooda nool ee aan ka gaari karno mahadi haka gaarto dhammaantoodba, si aan uga ogaano inta badan dadka ka qayb qaatay heestaas haddii ay noqoto samaynta;
    • Ereyada
    • Laxanka
    • Muusigga
    • Sannadkii la qabtay
    • Iyo riwaayaddii ay markaas qaybta ka ahayd. IWM.
    Sidoo kale qaybta ugu muhiimsan ee ah suugaanta qoraalkeeda oo aanu isku dayno in aan usoo gudbinno sida ugu saxsan ee abwaanku u qoray, taas oo aad runtii mooddo in ay tahay qaybta ugu adag marka ay noqoto soo bandhigista heesihii hore oo qaab qoraal (lyrics) ah lagu soo bandhigo,.
    Runtii ma aysan suuro-gasheen qodobada aan kor ku xusay oo dhan, abwaanada, laxamiistayaasha, fannaaniinta iyo waayo-aragga aan markaas u raadinno warbixintaas la’aantood, mahad gaar ahna waan uga gudbinayaa halkaan innagoon kala reebayn dhammaantood sida hufan ee sharafta leh ee ay noogu hagar-baxaan markasta oon la xiriirno.
    In aan diiwaan gelinno suugaanta, dadkii ka qayb qaatay dhammaantood iyo weliba ereyadii hal-abuurka oo saxan waxa ay keenaysaa in jiilka dambe aysan ku dhibtoon raadiska warbixinta halyeeyadii soo qurxiyay fankeennii hore, Eebbe naxariistii janno haka waraabiyo intooda dhimatay inta noolna cimri iyo caafimaad suubban ha u siyaadiyo (Aamiin).
    Haddii aad barnaamijkaan nagu raacsan tahay waxaa mar kale iga codsi ah in aad ku xirnaatid channelka adigoo subscribe saaraya sidoo kale la wadaagaya asxaabta kale, kana qaybqaadanaya adigoo markaas nagala soo xiriiri kara Emailka aan kor xusnay.
    Mahadsanid.
    __________________________________________________________________
    Hello and welcome.
    If its your first time please consider subscribing to this channel
    / @qaraamchannel
    In this channel we post some of the classic old school Somali music (Qaraami) from mid 1950s up to late 1990s (the best thing that happened in our culture and history).
    In fact, every video we upload we do as much research as we can on every single information that is out there and consult with those who had participated in making such an incredible music whether it’s the musicians themselves or song writers (poets) to get accurate solid information of that certain music including creators of the;
    • Lyrics,
    • Music.
    • Melody,
    • Year recorded as well.
    And also presenting the correct lyrics (since the lyrics are bit complicated to understand), in order the young generation don't suffer of getting the history of our legends to honor and remember their legacy (we pray for both, those who are dead and the living legends that may Allah grant them his highest level of Jannah).
    We are glad to have you here, thanks for checking by, please support us to record our history and keep our musician's legacy by making sure to subscribe, hit the like button and comment on every music video you come across and also share with those who are interested as well.
    Thanks.

Комментарии • 261

  • @qaraamchannel
    @qaraamchannel  4 месяца назад +30

    👉🏽1:03 & 2:27 Weyrax: Gadood. Marka neef xoolo ah oo dhalay uu ubadkiisa u baqo.
    👉🏽2:00 Wiglo: Cod maanseed lagu ciyaaro ciyaarta dhaantada (Hirwo)
    👉🏽2:43 Waaberi: Kooxdii Waaberi buu ula jeedaa halkan oo uu leeyahay ergo u dirso.
    👉🏽3:36 Sonna: Wakaaladdii wararka Somali National News Agency (SONNA)
    👉🏽4:11 Waaqla’: Meel aan cidi degganayn; Cidlo ciirsi la’
    👉🏽4:58 Ka wabax tahay: Ka dheregsantahay. Wabax waa marka ay xooluhu biyaha ka dhergaan.
    👉🏽5:24 Labashub: Darandoori. Labadhubku waa ka soo saaridda labo qof ay si darandoori ah ceel biyo uga soo saaraan.

    • @Wonderer224
      @Wonderer224 4 месяца назад

      Aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tahay erey bixinta fiican ee aad nala wadaagtey oo wax weyn u taraysa dhallinyarada Soomaaliyeed ee aan afkooda iyo dhaqankooda si fiican u garanayn.👍🏽❤️

  • @engneerismaaciil1406
    @engneerismaaciil1406 Год назад +19

    23/4/2023 haheen axad so gelayso saacaduna tahay 12:22 magaalada burco ayaan joogaa kaligay ayaana qol ku dhegaysanaya heestan cajiibka ah
    Wad idin salaamay soonaaliyey qofkasto heestan dhegayta

  • @fatimaahmed2334
    @fatimaahmed2334 Год назад +27

    Maanta geeridisa ku bartay fanankan Alle haw naxariiste 🤲
    Alhamdulillah heesaha maba xiiseeyo fanaaniintaba xanuun ama geeri ayan ku bartaa Alle inta dhimatay haw dambi dhaafo inta noolna Alle haka soo hadeeyo heesaha 🤲

  • @dr-abdala8403
    @dr-abdala8403 3 года назад +34

    Fanka laguu sheegeyo wakas bal ufiirso ereyada iyo laxanka mucjisadaa😍Qaraamiga ban uga maarmey fanka manta la kufsadey👏👏

  • @SuugaanSafaari
    @SuugaanSafaari 2 года назад +9

    Haday talo dad waaweyn
    Dhexmartooy wadaagaan
    Waa Loo Waafiyeeyaa
    Loo weel banaystaa
    Sir baan kula wadi Lahaaye
    Armaan Keligay walwaashaa
    Raxmaanku haw naxariisto Labadaba🤲

  • @africaismyhome723
    @africaismyhome723 2 года назад +7

    Labadaba Alaha uraxmado . Saado Cali warsame waa in la muujiyaa wanaagedii oo Xus lo sameyo

  • @Maariish4444
    @Maariish4444 Год назад +7

    9/3/2023 saacaduna tahay 10:38 habeenimo
    Wakhti heeskastoo saado cali ah ay xalad gaaro iisamaynayso
    Alle ha unaxariisto labada fanaanba aad bay ucod macaanaayeen
    Qofkasto iga danbeeyana waxaan caawa leeyahy salaan kal iyo laaba baan idiinka soo diri taleex iyo baladkii darwiishka
    Waxana ka codsan in uu usoo duceeyo dib usoo nolaanshihii iyo tariikhdii dhulbahnte
    Harti wayne iyo daarood oo dhan waxan leeyahy mid baynu nahay🤝

  • @abshirshariif9498
    @abshirshariif9498 Год назад +4

    Alle ha u raxmado Rooraaye Laba beri ka hor ayuu hargeisa ku geeriyoodey Alle ha u naxariisto Labadaba. 24/4/2023

  • @mukhtarabdukadir2049
    @mukhtarabdukadir2049 Год назад +4

    Hestan anoo yar baan dhageesan jirey 2fanaan aan taageeri jirey allaha u wada naxariisto saado cali warsame iyo cumar xasan rooraaye😢

  • @mukhtarabdukadir2049
    @mukhtarabdukadir2049 Год назад +6

    Allaha ku naxariisto cumar xasan rooraaye😢maanta ayaa aaas qaran loo sameeyey😢

    • @MubYus
      @MubYus 5 месяцев назад

      Aamiin

    • @MubYus
      @MubYus 4 месяца назад

      Aaamiin

  • @Khaatumawi987
    @Khaatumawi987 9 месяцев назад +5

    Allow ku naxariisto queen of fanka Somali eedo Saado Ali Warsame Saado cunabi 🤲🥰🥰🥰

  • @maanyuproductions903
    @maanyuproductions903 3 года назад +5

    Hees iyo badh walhi. LEGENDs mamo sado Illahy haunaxristo iyo X.rooraye . Abwaanka heesta sangub miyaa tolooow❤❤

    • @qaraamchannel
      @qaraamchannel  3 года назад +1

      Aamiin.
      Haa walaal, abwaan Sangub (AHUN) baa leh midhaha heesta.

    • @maanyuproductions903
      @maanyuproductions903 3 года назад +1

      @@qaraamchannel Thank you bro!!

    • @mahamedcudhi7497
      @mahamedcudhi7497 3 года назад +2

      Riwaayadiii Xuska jacaylka ayay ku jirtay singub ayaa lahaa illahay haaw naxariisto isaga iyo saado, rooraaye wuu noolyahay isagana caafima haku waaro

    • @mukhtarabdukadir2049
      @mukhtarabdukadir2049 Год назад

      ​@@mahamedcudhi7497 maanta ayaa aaas qaran loo sameeyey cumar xasan roooraaye😢

    • @mahamedcudhi7497
      @mahamedcudhi7497 Год назад

      @@mukhtarabdukadir2049 illahay haaw naxariisto qabrigana haaw nuuriyo, waan la socdaa in xalay uu geeriyooda fanaan qaaliya

  • @faysalmohmed1519
    @faysalmohmed1519 Месяц назад +1

    Allaah yarxamu fankii somaliyeed ee qaaliga ahaa

  • @Cabdixakiim-dv3pq
    @Cabdixakiim-dv3pq 2 месяца назад +2

    Alle ha ku naxariiso abwaanadii oo dhan

  • @dr_abdala8041
    @dr_abdala8041 Год назад +8

    Hestan ereyadeda iyo laxankuba makala dhacaan walee😊Fanka maanta faraha ka baxey iyagan uga maaraney Allow unaxariiso Saado iyo Rooraaye💖

  • @ansaricabdilaahi5358
    @ansaricabdilaahi5358 Год назад +3

    Haday talo dad waaweyn
    Dhexmartooy wadaagaan
    Waa Loo Waafiyeeyaa
    Loo weel banavstaa
    Sir baan kula wadi Lahaaye
    Armaan Keligay walwaashaa
    Raxmaanku haw naxariisto Labadabade

  • @shuceybhasangurrey9403
    @shuceybhasangurrey9403 4 года назад +29

    Heees wey dhaaftay mirahaan aadka u macaan abwaankii sameeyey ilaahay janadiisa ha ku manaysto aduubtiisa allha dhaafo, codka fanaaniinta waa mucjiso

  • @ansaricabdilaahi5358
    @ansaricabdilaahi5358 Год назад +4

    Kaaf iyo kala dheeri kuwa hada kuwii hore❤

  • @cabdifataaxmaxamed4344
    @cabdifataaxmaxamed4344 2 года назад +4

    WAA RIWAAYIDII XUSKII JACEYLKA ABWAAN SANGUB ALLOW INAXARIISO DHAMAAN UMADA MUSLIMIINTA

  • @basheybsb7919
    @basheybsb7919 3 года назад +13

    Fan haddaad maqasho waa kaa..!
    Adeegsiga Ereyadaa kuugu filan marag.
    Fankii Soomaliyeed maanta fara kuma jiro

  • @dhiibsanetvshow
    @dhiibsanetvshow 9 месяцев назад +6

    Ilaa sabankii wiil waal hadab dumarka tii wacan la wadaaga cashaqa ❤
    Anyone in 2023

  • @ibrahimabdi6399
    @ibrahimabdi6399 3 года назад +19

    Hees iga dheh waa waayo waayo wakhtigii fanka iyo suugaanta somalidu noolayd lkn hada macno ma leh ciyaalkan dambe wey ku tunteen fankii qiimaha lahaa
    Yartu dhiin dhiin iyo wax aan dhaamin ayaa lagu heesaa

  • @miftaaxtube2907
    @miftaaxtube2907 3 года назад +16

    Ereyo Jacayl oo uu abwaan Sameeyay waxaan ugu JECELAHAY abwaan Maxamed Cali Kaariye dhaqtarkii jacaylka inkastooo heesaha Singub aysan yareysan hadana Laxanka iyo ereyada heesta waa singub

    • @H.Hassan
      @H.Hassan 2 года назад

      laxanka rooraaye sameeyay sida aan maqlay

    • @shabeelnagoodmohamed6326
      @shabeelnagoodmohamed6326 2 года назад

      War ninyow hadii la dhahdo abawaanda sangub ugu badan heesha ruwayadaha wuxuu ku siiye darstay waa gabay ruwayadi ugu Qiimaha badan waa qabriga jaceyl sangub iska leh yahay Allah ha u naxariisto inta dhimtay umada maxmed Allah ha u naxariisto

    • @Ehel_Caashaq1
      @Ehel_Caashaq1 2 года назад

      @@shabeelnagoodmohamed6326 Allah ha unaxariisto saaxib 2019 buu Ethiopia ku dhintay 😢. Ruwaayadii qabrigii jacaylka waa mid aan laga xiisi dhigin 🔥🔥 Saynab Cigge Maxamed heesteedi e ruwaayada magaceeda wadatay iyo kuwa badan ❤

    • @mahadali1152
      @mahadali1152 2 года назад

      Wiglada macnaheda isheega 😢😢

    • @malaayiinmedia3124
      @malaayiinmedia3124 2 года назад +1

      @@mahadali1152
      Waa ciyaar

  • @lailahussein4261
    @lailahussein4261 3 года назад +17

    Asal asal Saado Cali warsame ❤️Allah ha u naxariiso aamin

  • @PacificBruva
    @PacificBruva Год назад +4

    Allah ha unaxariisto dhamaantood ya rab.

  • @Mohamudbukhari
    @Mohamudbukhari Месяц назад

    😢😢Alle ha u naxariisto saado cali warsame waxa la dilay anigoo dugsiga dhiganaya warkina yara fahmaya hda kala garanay waxa socdo 😢Waan la walwlay runtii 😢😢
    26/8/2024

  • @Dr-zaam
    @Dr-zaam 6 месяцев назад +3

    Markii heesaha dad talent u leh ay qori jireen

  • @Yahye_Muhammad
    @Yahye_Muhammad Год назад +3

    ilaahay naxariistii jannatul fardowsa hageeyo labadoodaba

  • @mahadaxmed1418
    @mahadaxmed1418 6 месяцев назад +3

    26/2/2024 10:30 habeenimo waxaan ku dhagaysanayaa burco Allahayow cimri barakleh baanu ku waydiisanay

  • @ASADABADIHAAJI
    @ASADABADIHAAJI 2 месяца назад +1

    NAF KA MAQAN HA WAYRIXN WAKIIL CASHAQ HOWN0Q0N. 😢 HADA IGA DANBAYSO LIKE ISAAR ❤

  • @onexx1
    @onexx1 3 месяца назад +4

    Who is listening. 2024/ May / Friday ❤

    • @LJXAE
      @LJXAE 3 месяца назад +1

      ☝️

  • @ayatulaah1634
    @ayatulaah1634 3 года назад +13

    Ruwaaydii wardhaf ruwaaydii xuuska jaceyl abwaan maxamuud ciise sanguub ayaa sameeye heestaan haduu waqalku kuu da'o caashaqa ka wabax tahay ood nolol waxkama jiree waayo aad ku noolayd warka laba shubka u dhaca Aan ka waraabshe dad waa dadkiye hore maamhada murtiga sugaanta waan iska ilmeyaa dadkiye hore wlhi Allah yarxama intii dhimtay umada maxamed 😭😭😭

  • @mukhtaarmaxamed9997
    @mukhtaarmaxamed9997 5 месяцев назад +1

    Allah ha u naxariisto labadoodaba❤

  • @moabdivevo2152
    @moabdivevo2152 Год назад +18

    Hees aan yaraantaydi dhagaysan jiray Cumar rooraye iyo Saadi Ali Warsame, Ereyadii Singub,Ruwaayadii Xuskii Caashaqa❤

  • @Muhammadismaciil
    @Muhammadismaciil 9 месяцев назад +5

    wlhi tani way hees dhaaftay 🫡

  • @Abdikariinkhadar
    @Abdikariinkhadar 2 месяца назад

    Intii aan naqanay waydhaftay malah ❤❤❤❤❤

  • @mohamedmire7660
    @mohamedmire7660 Месяц назад

    All Legends Are Passed Away!!Allah Yaaraxma. Aamiin..Aamiin m

  • @wondergames7146
    @wondergames7146 3 года назад +8

    Naf kaa maqan ha wayrixin
    Wakiil caashaq haw noqon
    Inay kula wadaan iyo
    Inay kaala weecdaan
    Waaberi ergo u diroo
    Bal waxay yiraahdaan

  • @queenhaaji6727
    @queenhaaji6727 Год назад +4

    Illahey ha u naxariiisto

    • @MubYus
      @MubYus 5 месяцев назад

      Aamiin.

  • @sadiq07
    @sadiq07 Год назад +15

    Hees hees dhaaftay 14/3/2023 Ramadan baan sugeyna maalma inooga dhiman

  • @caalamiboy3510
    @caalamiboy3510 5 месяцев назад +1

    Cumar xasan rooraye iyo saado cali allh u naxaristo waa leesku galay heesta saado wey is rogtay durba😀 16.4.2024 habeenimo saacad 1:11 ay tahy baan qolka ku dhegeysanaya

  • @arimasdias1396
    @arimasdias1396 3 года назад +41

    Hadaan ku waramo
    Wadada cashaqa ku baro
    Sideed iila wadi leheed 🤔
    Inta iga dambeyso like 👊

  • @jamalxasanfarax7696
    @jamalxasanfarax7696 2 года назад +6

    Waxan dhagaysanaya maalin aan tuulo kaimid ceelfarax geedi la dhaho oo aan so aaday galkacyo oo aan maalmo joogu dono kadib aan muqdisho aadi doono hadu alle yirah malin jumco 17 june 2022 xasuus ha ii ahaato

  • @rasheedqambi4305
    @rasheedqambi4305 Год назад +5

    Riwaayaddii Xuskii Jacaylka erayadii Singub(alle naxariisto Singub iyo Saadi Cali) waxaa heesta wada qaada Cumar Rooraaye iyo Saado Cali.

  • @laylosiciid3071
    @laylosiciid3071 Год назад +3

    Alfanan cumar xasan rooraye adeer alha ku naxariisto

  • @MubYus
    @MubYus 3 месяца назад

    Saado Cali, Kastuumda ayay iska saartay.

  • @daudmohamed3998
    @daudmohamed3998 2 года назад +2

    Beer dilaacshe fanaan dhamayatiran dhan walba ilaahy naxariistii Jano haka waraabiyo

    • @hamseabdi7308
      @hamseabdi7308 8 месяцев назад

      Ma ka naad ku sheegay saa beer dilaacshe

  • @MaxamadCabdiwaliaxmad
    @MaxamadCabdiwaliaxmad Месяц назад

    Nice Songs wan ku haystaa heestaan..

  • @mustafadiriye6870
    @mustafadiriye6870 3 месяца назад +1

    Bal murtidaa iyo cododkaa eeg iyo sharma boy qamar suugani ayaa Ina haysta

  • @MubYus
    @MubYus 6 месяцев назад +1

    Hobalada waabari, Naaagta is waasha, Rooraaaye ayaa loogu yeedhi jiray.

  • @xasanmuse478
    @xasanmuse478 10 месяцев назад +2

    Alle haydin naxriisto

  • @waxwalba1408
    @waxwalba1408 3 года назад +4

    Thanks wallal heeskan sidaan u raafinayay wlahi waan helay riwayadan kaso dhex helay, hadana iyadoo kaliyan helay thanks wallal

  • @danielpubg5769
    @danielpubg5769 3 года назад +4

    Waxaan jooga magalada borama wakhtigu waa habeen 12:14 am waxaan ku jiraa baaburkayga daaqadu waa ii dajisanthay dhalo wine ah baan gacnta midig ku haytaa meeshaan joogayi waa seerihii magalada laydh udgoon iyo Ubaxa seeraha ayaa isoo carfaaya heestanina waa igi socotaa si aan kaba sheekayn karyn cheese🍻 araga jawigaygan oo kale ku jiroow ✌peace and love

    • @bidaayecali6937
      @bidaayecali6937 3 года назад

      Nice

    • @yacquubnuur5092
      @yacquubnuur5092 2 года назад

      Waxaad suuraysay qiimaha dalxiiska
      Iyo wakhtiga fiican eed u sheshay

    • @yool2176
      @yool2176 2 года назад

      Dhalo wine ah? bisinka😆 iska daa khamrada wll

  • @Teetanopro20
    @Teetanopro20 Год назад +2

    Gabar yahay nin weynoo waayo soo jiraan ahay ila sabanka wiil waal.
    Waxaasa kaa heesa somaliyeey

  • @MubYus
    @MubYus 4 месяца назад

    Saado cali, waxay tidhi.. Wadaan ayaan kali shubaayaayee , i caawi.

  • @ismailabdi7461
    @ismailabdi7461 3 года назад +6

    Erayo mug iyo miisan leh
    Hadaan kuu waramo
    Wadada caashaqa kubaro
    Sidaad ila wadi lahyd .

  • @khadaryaasiincaliverrti5101
    @khadaryaasiincaliverrti5101 2 года назад +3

    Soomliyey pal kwrmaH heezkan zida cajiipka ah ziday izugu xidhan yihiin ereyada,laxnka luuuqda
    Kolpa hadynu danbaaabaynO aynu dhegyzanO aleryadah murtidu ku dhan tahy
    Wakiiil czhaqah ha u noqon............🥰🥰🥰 2022

  • @MubYus
    @MubYus 6 месяцев назад +1

    Hees wanaagsan, Rooraaye iyo Saado cali warsame.

  • @DacarDhamac
    @DacarDhamac 4 месяца назад +1

    Waa Habeen farxadeed 18 may
    Waxan kasoo tuumbo raacey hargeysa 😅

  • @faatimahawo1374
    @faatimahawo1374 3 года назад +8

    Hadaan kuu waramo wadada caashaqa ku baro sideed iila wadi lahayd?

  • @koosmohamud6554
    @koosmohamud6554 Год назад +1

    Sangub caadi maahayn abwan erayo wanagsan tiriyuu ahaa

  • @CaliCismaman
    @CaliCismaman 7 месяцев назад +3

    qac leska yersiyay mashen alow idin naxariso

  • @caaqilapdurahman1037
    @caaqilapdurahman1037 3 года назад +5

    WoW Hees macan iGa DHeH

  • @deeqodagan1431
    @deeqodagan1431 3 года назад +5

    Ilahey ha u naxaristo🤲🤲

  • @yasinmohamed3666
    @yasinmohamed3666 2 месяца назад

    Hada ka horaa anagoo caruur ah oo Darbi ku caweenayna magaalada Muqdisha xaafada Waabari ayaa wiil Da ahaan da,aada naga waynaa ahaa oo ka muuqata xoogaa xanaaq ayaa na soo istaagay anagoo ka sheekeenaynaa Cayaaraha kubada cagta markaasaan mid maga mid ah yari waa ku sidee kooxdada lagama badin Galabta maya ayuu yiri Gabdhaan la socdaan kala tagnay oo xaafada Hodan daganeed midbaa qoslay oo yiri maskiin waa ku ceerisay maya ayuu yiri anaa xariirka u jaray markaasaan ku iri maya ma dhacayso markaas ayuu yiri markaan u sheegay in aan jaray xariirka Ayaan hadana heestaan u qaaday waxaan ahay Nin waynoo waaya soo jiray ilaa sabankii wil waal Hadba Dumarka Tii wacan la wadaaga caashaqa waglada hagu sheekayn.Markaa maanan fahmasanayn Erayada in badan waaba heestaan.hahahaa dad waa Dadkii hore AUN Marxuumka maanta Waa naga Hooseeyaa Aloow ku Arsaaq Janaadada Aamin

  • @MubYus
    @MubYus 4 месяца назад

    Wiglada iyo wasmada ha uga sheekayn Nin weyn.

  • @xasanmagafe5780
    @xasanmagafe5780 2 года назад +6

    Sangub waa Adeerkay waxaa u reer abti ah Isaaq HA Sacad Muse.
    Laba xaas oo uu qabay waa isaaq
    Mid waa Habaryonis Muuse Abdale.
    Midna waa Habar Awal Sacad Muse waana xaaska weyn. Abbihii isla Sacad Muse ayaa dhalay. Sangub dhanka kale Habrowadaag baanu nahay Cismaanada ayaa na wada dhalay reer looge

  • @MihaazAli
    @MihaazAli 7 месяцев назад +1

    16:2:2024 jimco ah saacaduna tahay 2:00 duhurnimo wadada laamiga dheer xariirisa afgooye iyo gaari nooca raaxada Prada ah ku dhex dhageysanayaa waqtiga wacanaa

  • @rudwaanmuhumed7306
    @rudwaanmuhumed7306 8 месяцев назад +1

    Ala yaa rahma sado ali warsame iyo cumar xasan roraye

  • @DAALOTVy5Jhcqhtx_HRfxp0daPnkw
    @DAALOTVy5Jhcqhtx_HRfxp0daPnkw 3 года назад +4

    thenks Qaraami Chaneel heestan mudo badan baan RUclipska raadinayay

  • @saidabdi9782
    @saidabdi9782 2 месяца назад

    Très belle chanson

  • @daudmohamed3998
    @daudmohamed3998 2 года назад +1

    Naf kaaa maqam ha wayrixin
    Wakiil caashaq noqon
    Inay Kula wadaaniyo
    Inay kaala weecdaan
    Waabari ergo udiro bal waxay yidhaaddaan

  • @hassenhero1745
    @hassenhero1745 Год назад +3

    Mudo ka dib Ayaan maqlayaa 🫡❤️

  • @Keydka_Taariikhda
    @Keydka_Taariikhda 5 месяцев назад

    Erayada sangub Laxanka saalax Qaasim 😢

  • @yasinadam2151
    @yasinadam2151 7 месяцев назад +2

    Wiglada hawga sheekeen. Wiglada maxaa ladhahaana ?

    • @MubYus
      @MubYus 6 месяцев назад

      Waxaa la dhahaa wasmada

    • @MubYus
      @MubYus 4 месяца назад

      Wiglada , waxaa la dhahaa Wasmada macaan.

  • @Jey-k2n
    @Jey-k2n 3 дня назад

    Alow kunaxaristo

  • @daudmohamed3998
    @daudmohamed3998 2 года назад +1

    Best songs waxaaaasaa heees layidhaahdaaaa

  • @zuhayrosaid8323
    @zuhayrosaid8323 2 месяца назад +1

    1july 2024 ❤

  • @cabdikariinaxmedcabdikarii1309
    @cabdikariinaxmedcabdikarii1309 3 года назад +3

    Woooow wayowayo

  • @HaashimAhmedali-fe5yi
    @HaashimAhmedali-fe5yi 9 месяцев назад +1

    Waayo joog

  • @maxamuddiiriye2570
    @maxamuddiiriye2570 4 года назад +2

    Wow heees mcn iga dheh

  • @SleepyCat-df7ez
    @SleepyCat-df7ez 6 месяцев назад +2

    Qac lama aqoon berigaa😂😂

  • @faadumociise1686
    @faadumociise1686 5 месяцев назад

    23/4/2024 haben talada ah 3:28 bay ibaxaysa heestan oo aan markasta birkintayda iyo sarirtayda ku dhagaysto markay xili danbe noqoto salama inta iga dambaysa labada fanana Alle naxaristi jano haka warabiyo❤

  • @Yaasiinaburaasjaamac
    @Yaasiinaburaasjaamac Год назад +1

    Sarbeeb/soomaali/suugaaan/best✅✅✅✅

  • @Ibrahim-kf3jl
    @Ibrahim-kf3jl 2 месяца назад

    Codka sahro dahab runti,what a beautiful qarami I had to subscribe without condition

  • @mukhtaarmohamed6056
    @mukhtaarmohamed6056 Год назад

    Amazing song 🎵 and I'm never hear 👂 what kind of this song 🎵 💛 ❤ 💖 ❤.

  • @shaaniqadarshaani5677
    @shaaniqadarshaani5677 2 месяца назад +1

    Naxaristi jano allha ka waraabiyo

  • @MubYus
    @MubYus 6 месяцев назад

    Hees wanaaagasn.

  • @nasteexoibraahim-zm7ox
    @nasteexoibraahim-zm7ox Год назад

    Alle ha unaxariisto 😢

  • @mahamudmuxumed1106
    @mahamudmuxumed1106 8 месяцев назад +26

    8/ January 2024 😂😂😂

  • @Mustaf-warsame0023
    @Mustaf-warsame0023 Год назад +2

    Gabadhyahey nin weynoo
    waayo soo jiraayoo
    illaa sebenkii wiilwaal
    hadba dumarka tii wacan
    la wadaagta caashaqa
    wiglada ha uga sheekeyn
    nafkaa maqan ha weyrixin
    wakiil caashaq how noqon
    in ay kula wadagaan
    in ay kaala weecdaan
    waaberi ergo u diroo
    bal waxay yidhaahdaan

  • @adnankafi4035
    @adnankafi4035 3 года назад +2

    Fanku waa fanki hore hees xusuus mudan 2021 iyo kampala

  • @xasuustatv5241
    @xasuustatv5241 7 месяцев назад +1

    Waxan dhagaystay 2024/02/7 cahiro

  • @cabdiraxmaanmaxamuud8265
    @cabdiraxmaanmaxamuud8265 3 года назад

    Wakiil cashaaq wa midka mida hesha an ugu dhagasiga badanahy intaan fanki hore arkayo wlay ka tahay inan ku wadanbe dhagasto ima igu racay

  • @UgaasHazzan
    @UgaasHazzan Год назад +1

    Xasan.. hees

  • @Muhammadismaciil
    @Muhammadismaciil 9 месяцев назад

    Alle naxariisti jano haka waraabiyo

  • @nasooadan8026
    @nasooadan8026 День назад

    Mxa download mayeleso

  • @jabiibocali7336
    @jabiibocali7336 Год назад

    Erayo kamida heesta
    Sida wariye soona wiilkan so hadlayow
    Ma wadaagno sheeke colka wadhaf malagu dayay kayaab weeye alle haw naxariisto labadaba

  • @liibanmaxamed1412
    @liibanmaxamed1412 3 года назад +6

    Weriye soonuhu halkee ka soo warami jidhay

    • @axmed_deeq
      @axmed_deeq 3 года назад +6

      Waa Wakaaladdii Wararka ee Soomaaliyeed oo loo gaabiyo SONNA ( Somali National News Agency) waxay ahaayeen Wariyayaasha wararka sheega iyo kuwa wakaaladan u shaqeyn jiray oo wararka kasoo turjumi jiray Caalamka oo dhan oo iyaga kusoo dhici jiray. Su'aal fiican waaye.

    • @liibanmaxamed1412
      @liibanmaxamed1412 3 года назад +2

      @@axmed_deeq halkee saldhig u hayd calaashaan hooy

    • @axmed_deeq
      @axmed_deeq 3 года назад +3

      @@liibanmaxamed1412 Mogadishu. Suxuufiyiinta ka shaqeyn jirtay waxay soo turjumi jireen wararka caalamka oo dhan, markaasaa Qaybta Idaacadaha loo gudbin jiray iyo Raadiyaha. Afka dowladana wararka Soomaaliya ayey u gudbin jireen wakaaladaha Caalamka.

    • @liibanmaxamed1412
      @liibanmaxamed1412 3 года назад +1

      @@axmed_deeq goormee ayey ahayd xilligee

    • @axmed_deeq
      @axmed_deeq 3 года назад +2

      @@liibanmaxamed1412 tan iyo dawladii ugu danbeysay 1990 December.

  • @mukhtarmohamedcolhayecilmi4365
    @mukhtarmohamedcolhayecilmi4365 2 года назад +2

    Naf ka maqan ha wayrixin