Wah waah ala maxa dib no cilisa ustaad waayo wayihii wacnaa wa riwaayadii xajaba layaab lehe bal an qodo xabaalaha ayey ku jirtey heestan yasalaam waayo wayihii wacnaa
Yaa galaaftay nolosha fanaanadii Marwo Maxamed ( Gaasira ) Marwo Maxamed Cabdi ( Gaasira ) oo ku dhalatay sanadkii 1938 degmada Oodweyne, waxa ay fanka ku biirtay horaantii 1960 -yadii Gaasira oo ka mid ahayd hablaha ugu magaca dheer ee soo maray taariikhda fanka Soomaaliyeed , heesaheedana aad loo dhageysto , waxa nolosheeda saamayeey jacayl xanuun badan oo ay u qaaday nin ay jaal noqdeen . Dad aqoon u lahaa dhibaatada jacaylka galaaftay nolosha fanaanadii Marwo , waxa ay sheegeen in ay ibtilada kalgacalka aan lala qaban ay ku bilaabantay iyada oo aan sanado badan fanka ku jirin. Ninka ay caashaqday oo ay in badan u bandhigtay jacaylkeeda lana garnaqsatay , ayaan dheg jalaq u siin xanuunka ba’an ee uu sababta u ahaa , isaga oo sida la sheegay ku dadaalay in aan qalbigiisu u jilcin qof aanu rabin in uu la wadaago xidhiidh suuragal ka dhigi karayey nolol mustaqbalka kulmisa. Ninka oo dadka xogta ila wadaagay ay iga codsadeen in aanan magaciisa sheegin , waxa uu ahaa hobol caan ahaa , kaasoo dhegaha ka fureystay ergo ay ugu tageen rag iyo haween fanka ku jiray oo xaaladda Marwo la socday badhtamihii 1960-yadii iyo 1970-yadii oo cid walba ogaatay arrinta . Waxa ay bilowday in ay abwaanada ka codsado heeso intooda ay muujinaya dhiilo , kana turjumaya mushkilada ku habsatay oo nafteeda ka suulisay hami kasta oo ay ka lahayd aduunyada . Waxa u curtay wakhtiga oo ay isku maaweelisay humaaga rejo aanay ogeyn sida ay noqon doonto . Heestan oo la yidhaahdo Goobaale oo uu sameeyay Ciise Warsame Samatar ( Dhan-cadde) , waxa ay erayadeeda ka muuqda cabasho iyo cataw gar iyo garashiyo waayay . Goobyaalay meel aan Gacal iiga muuqan, Waa geedo baaqsaday Arintaad igalisiyo Halkaad igaga guurtee Heestan kale oo uu lahaa Ciise Warsame oo la yidhaahdo Falaga meera , waxa ay ku jirtay riwaayadii Dadku waa isku muuqdaa haddana waa kala maan oo uu sameeyay Axmed Saleebaan Bidde Iyana waxa ka turjamaysaa dhibaato ay xalkeeda weyday Xidig foorara baan Ku faruur xidhanee Sidii ruux falanbaa Dadka feedh ka maraa Foof daran habaabee Anuu falaga meeraa Igu faro yaraystee Heesta aduunyadu dabayl ee ay qaado , midhihii waxa ku jira Allaha daa'inaa qorey In aad samaha diidoo Dartaa u cadibnaadee Ana dardaarankeenii Weli siima dayninee Heesahadeeda waxa la sheegaa in ay ka badan yihiin boqol, halka fanka darsaa ay sheegaan in ay gaadhayaan boqolaal oo ay ka mid ahayd haweenka ugu badan ee Soomaalida . 1980-yadii ayey ka sii dartay xaaladdeeda caafimaad , waxaana maskaxdeeda ku furmay mawjado dhibootooyin ay furdoomin kari weyday . Ugu weyn dambayn waxa asiibay xanuun maskxada ah oo sababay in ay laba jeer dab qabadsiiso nafteeda oo ayudhaafto dunida ay ku silicday sanadaha badan. Ugu dambeyn sanadkii 1991 ay geeriyootay , waxaana ay ifka macasalaamayso iyada oo tiiraanyo la god gashay . Alle ha u naxariisto Gaasira Maxamed, waxa ay ahayd qof nadiif ah oo garab weyday
Wll maxaa loo qarinayaa maxay kaga duwan tahay cilmi boodhari... Mida kale gabadhan waa la dayacay oo dawladu shaqaale rasmi kama dhigin marna sida uu axmed saleebaan bide sheegay.. aabaheed iyo walaalaheed waxa lagu diley dagaalkii 1977 tasoo xaalada uga sii dartay... ninkaa magiiciisa in la sheego ayaa fiican
@Rageedii Asal . Mahadsanid. Ma ka hor xilligii kacaankii baa? Kooxdii Radio Mogadishu askartii baa Waaberi u bixisay. Soomaaliya kooxo gaamuray bay lahayd. Magacyda aad xustay waad ku mahadsan tahay. Intii mootan Eebbe ha u naxariisto.
Markaa ma jacaylkaa uu sheegayay isku gubtay oo ay u dhimatay ta kale haday jacal u dhimatay fanankay jeclatay waa kee ta kale gabadhani habaryonis yay ka tahy?@anabmusa5603
Inta markay qisada maqashy sidyda soo raadisay ✋✋✋✋✋
Aniga waalhi😥😥
aniga wlhi
Mee🤞
Me
Me
Heestan 'Gacansaydh' waxay ku jirtay riwaayaddii 'Xaajaba la-yaab lehe bal aan qodo xabaalaha' oo uu allifay abwaan Aadan Tarabbi, soona baxday hillaaddii 1973kii. Asal ahaan, heestani waxay ahayd tallantaalli ay lammaane wiil iyo gabadh ahi kala roganayaan, kuwaas oo ahaa, Rabbi labadoodaba naxariistii janno ha ugu deeqo e, Saynab Xaaji Cali (Baxsan) iyo Axmed Maxamed Good (Shinbir). Balse, markii danbe waxaa ku luuqaysay oo Raadiyow Hargeysa u duubtay, Alle haw naxariisto e, Marwo Maxamed. Muuqaalkan aynu hadda arkaynaanaa waa markay Marwo Maxamed qaadaysay ee ay Raadiyow Hargeysa u duubtay. Waxay tidhi:
Waa geeri caashaqu,
Waa guuldarriyo ciil,
Waa galabsin jiilaal,
Waa gabadanniyo dhaxan,
Geyi doog leh,
Gal xareeda,
Gacan hoorayoo,
Gallad Eebbow,
Haddaad tahay geddoodii,
Anna geedi aan ahay,
Intaan gaadh isleeyahay,
Adna aad gardiidtahay,
Gocasho ila deristee,
Iga daa guhaadkoo,
Gacansaydhku waa maxay?
Guri waxaad ku leedahay,
Gurada iyo feedhaha,
Haddii aad wadnaha garan,
Ku gudbantahay halbawlaha,
Ii gunuday geni caashaq,
Socod gaabiyayeey,
Gami'i waayayeey,
Haddaad geed hadhwayntay,
Garoodiyo roob heloo,
Gaajada lagaga baxo,
Geddii tay jannada udug,
Anna aan golmoon ahay,
Iga daa guhaadkoo,
Gacansaydhku waa maxay?
mahadsanid, nin culus baad tahay
@@mhassan0163, mudnaan badan sxb. Rabbi ha ku sharfo.
Qof Xog ogaal ah ayaad tahay masha allah
Walaal haddii aad inbadan xog ogaal utahay suugaanta iga caawi luuqadda iyo suugaanta ayaan jaamacadda ka diyaarinaya e. Mahadsanid.
@@firdowsaxuseen5894,
Walaalo, kollay suugaanta waan xiiseeyaa, buugaagta aan akhriyayna suugaan ayayba u badanyihiin. Insha Allaah, wixii xog ah ee aan kugu dhaamo waan kula wadaagi walaal. Mudnaan badan.
Waaw. Marwo waa gabadha xaga cod macaanida kaalinta labaad ku jirta. Heesaheedu ma yara xitaa Aamina c.lahi iyadaa ka heeso badan. Waa gabadh isaaqa habaryonisa.
Xasan Magafe kaalinta koowaad baan siin lahaa alaa yarxama marwo mahamed
Aamina cabdillahi Sahra Axmed baa ba ka heeso badan
Waa habaryonistee gabadhan8
Wlhi blhi hadii 10bilyan lacag leysiina ma qaadi laheen hees abwaan Adan tarabi leeyahay sababtoo ah waa nin afkiisa la aqbalo fanan walba heesto qaado qiso ahaaa ku dhacdo naxariistii Jano allaha ka waraabsho marwo😭
Gabadhan heeseheda ka sokow yaa kale e lo aqbalay heesihisa wll😮💨
Hhh oo hdii 10 mlyn lgu siinyo oo hees baraare iyo barwaqo ah uuku dhiibo deedna kuu rumowdo kwrn lol
@@monamandeeq3059 qoraal tiro badan maraa qori karo ayaan idiin so qoraa lkn wareysiga qebaha badan oo cumar seerbiya ka qaday daawo waxba kaaga baxaa
@@idil4561 TaaS xitaa wanka baqaaahhhh
@@wadaniqurboneceb3459 haye wlllo wan so daawanaya warysigisa
Wah waah ala maxa dib no cilisa ustaad waayo wayihii wacnaa wa riwaayadii xajaba layaab lehe bal an qodo xabaalaha ayey ku jirtey heestan yasalaam waayo wayihii wacnaa
Heestan talantaali ahan jirtey oo foorja waxan filaya axmed gacayte aya la qaadi jirey heestan
@@maogtahay4999 maaha heestan
Heesta aun axmed gacayte la qaadaa waa dabaylaha fariimaha heestan marwo-gaasira maxamed baa qaada kaligeed
Yaa galaaftay nolosha fanaanadii Marwo Maxamed ( Gaasira )
Marwo Maxamed Cabdi ( Gaasira ) oo ku dhalatay sanadkii 1938 degmada Oodweyne, waxa ay fanka ku biirtay horaantii 1960 -yadii
Gaasira oo ka mid ahayd hablaha ugu magaca dheer ee soo maray taariikhda fanka Soomaaliyeed , heesaheedana aad loo dhageysto , waxa nolosheeda saamayeey jacayl xanuun badan oo ay u qaaday nin ay jaal noqdeen .
Dad aqoon u lahaa dhibaatada jacaylka galaaftay nolosha fanaanadii Marwo , waxa ay sheegeen in ay ibtilada kalgacalka aan lala qaban ay ku bilaabantay iyada oo aan sanado badan fanka ku jirin.
Ninka ay caashaqday oo ay in badan u bandhigtay jacaylkeeda lana garnaqsatay , ayaan dheg jalaq u siin xanuunka ba’an ee uu sababta u ahaa , isaga oo sida la sheegay ku dadaalay in aan qalbigiisu u jilcin qof aanu rabin in uu la wadaago xidhiidh suuragal ka dhigi karayey nolol mustaqbalka kulmisa.
Ninka oo dadka xogta ila wadaagay ay iga codsadeen in aanan magaciisa sheegin , waxa uu ahaa hobol caan ahaa , kaasoo dhegaha ka fureystay ergo ay ugu tageen rag iyo haween fanka ku jiray oo xaaladda Marwo la socday badhtamihii 1960-yadii iyo 1970-yadii oo cid walba ogaatay arrinta .
Waxa ay bilowday in ay abwaanada ka codsado heeso intooda ay muujinaya dhiilo , kana turjumaya mushkilada ku habsatay oo nafteeda ka suulisay hami kasta oo ay ka lahayd aduunyada . Waxa u curtay wakhtiga oo ay isku maaweelisay humaaga rejo aanay ogeyn sida ay noqon doonto .
Heestan oo la yidhaahdo Goobaale oo uu sameeyay Ciise Warsame Samatar ( Dhan-cadde) , waxa ay erayadeeda ka muuqda cabasho iyo cataw gar iyo garashiyo waayay .
Goobyaalay meel aan
Gacal iiga muuqan,
Waa geedo baaqsaday
Arintaad igalisiyo
Halkaad igaga guurtee
Heestan kale oo uu lahaa Ciise Warsame oo la yidhaahdo Falaga meera , waxa ay ku jirtay riwaayadii Dadku waa isku muuqdaa haddana waa kala maan oo uu sameeyay Axmed Saleebaan Bidde
Iyana waxa ka turjamaysaa dhibaato ay xalkeeda weyday
Xidig foorara baan
Ku faruur xidhanee
Sidii ruux falanbaa
Dadka feedh ka maraa
Foof daran habaabee
Anuu falaga meeraa
Igu faro yaraystee
Heesta aduunyadu dabayl ee ay qaado , midhihii waxa ku jira
Allaha daa'inaa qorey
In aad samaha diidoo
Dartaa u cadibnaadee
Ana dardaarankeenii
Weli siima dayninee
Heesahadeeda waxa la sheegaa in ay ka badan yihiin boqol, halka fanka darsaa ay sheegaan in ay gaadhayaan boqolaal oo ay ka mid ahayd haweenka
ugu badan ee Soomaalida .
1980-yadii ayey ka sii dartay xaaladdeeda caafimaad , waxaana maskaxdeeda ku furmay mawjado dhibootooyin ay furdoomin kari weyday . Ugu weyn dambayn waxa asiibay xanuun maskxada ah oo sababay in ay laba jeer dab qabadsiiso nafteeda oo ayudhaafto dunida ay ku silicday sanadaha badan.
Ugu dambeyn sanadkii 1991 ay geeriyootay , waxaana ay ifka macasalaamayso iyada oo tiiraanyo la god gashay .
Alle ha u naxariisto Gaasira Maxamed, waxa ay ahayd qof nadiif ah oo garab weyday
Ilaahay ha u naxariisto runtii qof qaaliya ayey ahayd
Arinta aad sheegtay waa run heesaheeda midhaha iyo dareenka ayaad kafahmaysaa in qiso dhab ahi jirto
Runtii heesta goobyaalay aayaan muddo dheer ku celcelinjiray markaa dareen yaab leh ayaad ka dhandhansanaysaa runtii marwo aad iyo aad ayey u cod macaanayd ilaahay ha u naxariisto
Wlle taariikhda lama qariyo jacaylkuna ceeb maahan marka fananka ay jeclatay nagaciisa nosheeg wax khalada muusan sameyn asage
Waadna mahadsanthy
Thank you very much brother
Wll maxaa loo qarinayaa maxay kaga duwan tahay cilmi boodhari...
Mida kale gabadhan waa la dayacay oo dawladu shaqaale rasmi kama dhigin marna sida uu axmed saleebaan bide sheegay.. aabaheed iyo walaalaheed waxa lagu diley dagaalkii 1977 tasoo xaalada uga sii dartay... ninkaa magiiciisa in la sheego ayaa fiican
Wllo qli mabay guursan miyaa inan nima6 ku dhimaty ?
WAAYO WAAYAHII, saxiib sidaad ugu guntatay suugaanta is raacsoo sawirada khaladkaa kadaa adooraaliya qofka aan soo arag marwo maxamed sawirka aadsaartay ee Marwo CABDI ayuunbuu waligii u haysan, waa khalad weyn wallaal malaha adi kuuma muuqato.
Musigaasi waa ragii cuslaa jiim Sheekh minin
Cadanooni Cismaan mabruuk. Ismaaciil yare. Cali xamari. Muslimo qaasim. Cali rooble Cabdilqaadir muuse
Laxanka iyo erayaduba waa abwaan Adan tarabi Jaamac.
Mahadsanid. Jiim Sheekh Muumin ma kitaarka buu Onkod u tumi jiray ka sokow samaynta laxanka?
Roble Maer jiim wuxuu ahaa guitarists iyo kabaniist iyo laxamiiste onkosten ka hor giitaaaarka wuu tumi jiray laakin riwaayadaas Xaajaba la yaableh bal qodo xabaalaha wuxuu la tumayay kooxdii waaneri oo xiligaas la odhan jiray kooxdii idaacdda radio hargeisa
@Rageedii Asal . Mahadsanid. Ma ka hor xilligii kacaankii baa? Kooxdii Radio Mogadishu askartii baa Waaberi u bixisay. Soomaaliya kooxo gaamuray bay lahayd. Magacyda aad xustay waad ku mahadsan tahay. Intii mootan Eebbe ha u naxariisto.
laxanka malaha jiim abwaan aadan tarabi aya leh xaqiiq weye
@@roblemaer4834wllo magaca waaberi waxa bixiyey abwaan maxamed cali kaariye iyo abwaan cismaan aadan xuseen cismaan askari labada nin aya mid bixiyey siba inu kaariye ahaa ayan jeclahay
Cajiib cajiib marwo maxamed allaw ku naxariiso
Sawirka waa marwo cabdi
Riwaayadii XAAJOBA LA YAABLEE BAL AAN QODO XABAALAHA
abwaan aadan tarabi ayaa lahaa
Alah yarxamu codkii tolmonaa ee gasira max ed iyo ereyadii Abw. Adan tarabi
Marwo maxmed gaasira allow kuu naxaristo riwaayadii xaajaba layaab lehe bal aan qodo xabalaha
fadlan ma jiraa qof yaqaano ninkii ay u qaaday jaceylkii galaaftay noloshii gaasira
waa geeri caashaquye inaa godka galaan ka baqayaa malaha waa kan aaqiro ku aadi laha jcylkan💔
Wali Ma nooshahay Wllo
Don’t be alone
gaasiraay sidii gaasiradii amaad ugeeriyootay adna hadaadse nooshahay qisadaada ma ila wadaagi kartaa wax badan baan kugu kordhin lahaa oo kuu wax taree
Hada heeso aanan.horey u maqalbaan arkey.midbaase aad ii cajabisey oo dhahaysa seymihii cishqigaa i sahaminayoo
Horta fanaanintii hore laxankan cajiiba ah oo hadana kala duwan oo maacan laga xiisa dhacayn yaa usamayn jiray walee iyagoo kale dib uma dhashaan
Wxa Laxanka saaray Laxamistihii wayna ustaad Jiim Sheekh muumin naxariisti jano allaha ka waraabiye wxu aha mucjiso dhan walbana wu ku ficna dhanka kabanka io laxankaba codkisuna wu macna
Waa geeri caashaqu
Waa guul daro iyo ciil
Waa garabsi jiilaal
Waa gabadaniyo dhaxan
Geyi doogle
Gal xareeda
Gacan U hoorayoo
Gallad EEBOW
Hadaad tahay gedoodii
Ana geedi aan ahay
Intaan gaadh is Leeyahay
Adna aad gardiid tahay
Gocasho iLa deristee
Igadaa guhaadoo
Gacan saydhku waa maxay
Naftan kuu go'aysee
Naftan kuu go'aysee
Naftan kuu go'aysee
Naftan kuu go'aysee
Guri waxaad ku leedahay
Gurada iyo Feedhaha
Hadii aad wadnaha garan
Gudbantahay halbowlaha
Ii gunuday geni caashaq
Socod gaabiyee
Gam'i waayayeey
Hadaad geed hadhweyn tahay
EE garoodi roob helay
Gaajada Lagaga baxo
Geedi janada udug
Ana aan golmoonahay
IGadaa guhaadoo
Gacan saydhku waa maxay
Naftan kuu go'aysee
Naftan kuu go'aysee
Naftan kuu go'aysee
Naftan kuu go'aysee.
Waa Erayadii Abwaan Aadan Tarabi Jama.
Waar sawirku waa marwo cabdi maxaa marwo-gaasira maxamed-da heesta qaadaysa Allah ha u naxariisto labadaba
Sawirku waa marwo cabdi eesta waxa qaadaysa marwo-gaasira maxamed labada habloodba iyo muslimiintaba Allah naxariistii jano ha ugu deeqo iska saxa waxaad dadka u gudbinaysaan
Waa isla qof wll
@@farxiyosimanfarxiyosiman882waxaad ka og tahay fanka ayaa iska yar farxiyo qolada fanka imika bowsataad tahay. Waa marwo cabdi sawirku heestana marwo-gaasira maxamed ayaa qaadaysa Allah ha u naxariisto labada habloodba
Sawirkan waa fanamadii kale
La oran jiray marwo cabdi axmed sawirkeeda
Zhp marwo maxamed ama kaasira
Sawir keeda soo.saar adikoo mahad san zhp
AXA. .ax
Alle haw naxariisto
Sawirku maaha iyada e. Waa marwo cabdi ta heesaysaana waa marwo maxamed gaasira
Marwo codkeeda jeclaadey 85tii markii radio naloosoo gadey waa boqorada codka #2 after magool
Waanku fahmayaa Radio ga wuxuu ahaa macalin weyn,se xili danbe waqtigu inahu soo cararay ayaad gadateen. Sheeko dheer ayaa iniyo Radio naga dhaxeyay..
sawirku waa Marwo Cabdi Axmed ee maaha Marwo Maxamed Cabdi IHN labadoodaba
Waa ruwaayadii abwaan tuug tarabi
sawirku waa khalad waa Marow cabdi axmed , codkuna iyada maaha
Sawirka fanaanadda qaadaysaa maaha Gaasira Maxamed waa Fanaanad Kale oo la yidhaa Marwo Cabdi . Fanaanadda Qaadaysa heestan 2 magac ayay lahayd AHUN oo kala ahaa Gaasira Maxamed & Marwo Maxamed. Sawirkan fanaanada lehi waa Marwo Cabdi oo qaada heesta Booli .
Ninkii ay jecleyd Markii uu diiday beey is gubtay 1991 oo u dhimatay jacaylkii qabtay 1962. Fanaan kii ay jeclaatay ee diiday waa kuma
May dhimane 1991may dhiman 1995 bay dhimatay beenale eedaday ka fuc
Markaa ma jacaylkaa uu sheegayay isku gubtay oo ay u dhimatay ta kale haday jacal u dhimatay fanankay jeclatay waa kee ta kale gabadhani habaryonis yay ka tahy?@anabmusa5603
Allha unxrsto Gasiira Mohamed
Waa la qariyay ninkay marwo u qaaday jacaylkan
marwo mahamed waa fanaanad aad qaali u ahayd alaayarxama lkn heesaheeda lagama soo saari jirin radhyow muqdisho waan ka xumahay
Tolow waayo caashaq uunbay ahaayeen oo kuwii kacaankii afwayne ka cadhoon jirtayna may ahayne
Waa laga soo saarijiray anigaa xamar tegey oo joogay
Goobyaalay iyo heesta ay maxamed saleebaan laqaado diiiriyow ayaan xasuustaa iyadoo raadiyow muqdisho laga saarijiray
heesihii cabdiqays iyo hadraawi oo ay siyaad bare isku dhaceen baa xamar laga saarijiray markaa saaxiib is deji
@@hibaaqnur1436 adna hoostaad uwayn tahay ninna meel u wayn
مروه محمد الا يرحمها فنانه تستحق كل الحب والتقدير
Heesta waxa qaadaysa marwo maxamed gaasira marwo alahow naxariisto sawirku waa marwo cabdi axmed
jaceyl waa xanuun wlhi
AUN fanaanadan Marwo Cabdi oo ka tirsaneed Horseed, Sawerka Sax weeye maha, AUNMarwo Maxamed Gaasira iska sax Mahadsanidiin
sawirka saaran meesha waa marwo cabdi axmed, codkuna iyada maaha kooxda horseedna maahayn waberi ayay ahaayd 2018 ayay xamar ku geeriyootay
Waa fanaanad codkeeda aan la hilmaami karin ilaahay haw naxariisto
Allaha u naxariisto.
jacayl dhaba ayay u gooriyooty marwo maxamed gaasira
Such a beautiful Rich poised song 😍
waa xidigtii nasiibka ximeyd allow kuu naxariis
Maxay ku Nasiib xumeyd wllo
@@badrudiinnuur1060 sx waaye wllo waa fanaanadii jaceeyl dartii udhimatay oo is gobtay waxaa lasheegay xataa in 80di dhaxdeeda eey isgubtay oo labadbaadiye oo eey caafimaaday hadane 90ki isgubtay oo dhimatay waxaa nasiib xumo in soomaali wax kaqaldanyihiin waayoo qofkaasoo kale taariikhdiisa iyo waxa kulamaan ayaa laga qoraa jaceeyl waa cudur qarsoon
Allah hownaxariisto
Masuul codsi codsi wllkey qaaliya
Allah yarxam codadkii tolmoonaa gasira
Alle ha u naxariisto jacayl dartii ayay udhimatay heer ayka gaadhay inay walato oo silico udhimato lkn maxaad kasoo qaadi ninkii ay jecladay nasiib Baan uyeeshay inan arko nolol tii ugu xumaday Ayaa soo martay heer uu geeriyoodo
Cod halaasiya laheyt wlhi Aun Marwa Maxamed
Gardiid maahi amina waankujeclahay adigaa mada xeyga qasay waanaleykaa adeegsaday
Mirihii aadan tarabi laxankii good shimbir codka marwo maxamed
Laxanku wa Jiim sheekh muumin
Allow uu naxariso🤲🤲🤲
Gami wayee😢
Old is a gold
Erayadii abwaan tuug tarabi
😂😂😂mxad kawadaa tuug hhhh
Adam taarbi
Allah hawnaxaristo amiin
Marwo ama gaasira hadba sidaad u taqaan ilaahay haw naxariisto
SAWIRKAN KAQAAD
SXB WAA MARWO CABDI SAWIRKU EE .MARWO MAXAMED MAAHA LABADOODABA AHU
Sawrkan lkn waa marwo abdi gabdha la dhaho wayo marwo maxamed ama gaasira sawir lagam ahyo
Marwo Mohamed waxa ay ahayd, Isaaq, Habar Yonis, reer Oodwayne. Hablaha u codka macaan Somali ayay ka mid ahayd.
@@MohamedHassan-ly5heHABARYOONISTEE AYAY AHYD WALLA
War horta.sawirkan kasaara
Meesha maha.marwo maxamed ee waa marwo cabdi oo ku jersey riwaayadii maadeys maxaa idinka qaldan
Ereyadii aadan tarabi
Marwo maxamed Ma jacayl bay udhimatay ????
@@mohamedmiidoh5736 haa
Haa
Haa
Sawirku waa mareo cabdi idka saxa khaladaadka aad dadka ku marinhabaabinaysaan
Allah janda kawarapiyo
lkn saxib laxanka heesta malaha jiim abwaan aadan tarabi jaamac aya leh
Asc asxaabta maheysaan hees uuqaado aun Bashir ibrahim cabdi halkudhigeeda uuyahay qadraay laqurixeey Adaa jira please soodaaya hadaad heesaan
Wow
Marwo Cabdi Axmed😬
maskiina waxa eey u god gasjay ciil jaceel oo galad waaye?!
ok
Allaha u naxariisto