OSLO: 28-04-1990. Daawo Gabaygii caanka ahaaye Daallaley ee Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi
HTML-код
- Опубликовано: 5 фев 2025
- OSLO: 28-04-1990. Daawo Gabaygii caanka ahaaye Daallaley ee Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi uu ka tiriyey magaalada Oslo ee dalka Norwey 28-04-1990. Waa gabaygii ugu saameynta badnaa ee Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi uu curiyey 27-07-1987 isagoo berigaa ku sugan dalka Ethiopia, waxaanu ka tirsanaa ururkii gobanimo doonka Jamhuuriyadda Somaliland ee SNM. Daawasho wanaagsan.
Somaliland Hargeysa Burco Boorama Berbera Gabiley Ceerigaabo Caynaba Saylac Laascaanood Baligubadle Buuhoodle Oodweyne Arabsiyo Wajaale Garadag Oog Lughaya Allaybaday Dilla Badhan Cadaadley Laasqoray Dhahar Hadaaftimo Kalabaydh Xuddun Qoryaale Dhoqoshey War-Cimraan Sallaxley Djibouti Jabuuti Carta Cali Sabiix Soomaaliya Somalia Muqdisho Beledweyn Garoowe Jawhar Kismaayo Boosaaso Ethiopia Itoobiya Jigjiga Gabay Hees Maanso Suugaan Geeraar
Mohammed Ibrahim Warsame Hadraawi only the pure legend of all African continent
Mnsha allah abwaan qli aha allaha ku xiftiyo mujaahid hadarawi
Yaa salaam MJ Hadraawi, daalaley qayb weyn ayey ka qaadatay xoreynta dalka, walee faqashtii watii daadisay dirayska oo ka naxday darajadii
sidii abwaanku sheegay, duhur laysla wada jiro hadaan guusha lay dayn.
Ha is deyso qiil ma leh
Dushaa layska eegtaa
Dib baa laysu eedaa
Haba diillin badatee
Shaxi duud u kala rogan
Siba deleb u kala guran
Weligaa ha igu degin
Godka daraya qoolka leh
Daran doorri nabarrada
Xagga hore u dalandali
Ha durduuratee sii
Ha is daashatee lali
Ha is daasatee hubi
Dadna wada dad maahee
Dalladaa habeenkiyo
Danbas buu huwanayee
Sawnigii rag kala diray
Kuwa dayrta iyo guga
Sida diinka sugayow
Anaa daaqa cawskoo
Ku higsada daruurtee
Ka hadh-gala diraacaha.
Nimaan diiftu saarrayn
Dusha sare ka qolof dhicin
Dubatadu ku shaacnayn
Nimaan daawa shiillayn
Ama degel ku sheellayn
Ama dibad ku sheegnayn
Daymadaydu suurayn
Waxa loogu digayaa
Dohdu Waamo maahee
Dirir baa ka socotee
Firdhisada iskaga durug
Marka dirir gabaabsiyo
Isma dayada dhiifta leh
Iyo duraha jiilaal
Dayawgiyo kulka is wada
Doorsoonka garashada
Daaddduunka nugukiyo
Doc ku dhiidhigeediyo
Dar-wisiisigeediyo
Dambabeera ruqankiyo
Daabaan u jedankiyo
Duul duuka Jaahweyn
Anigaa ka doogoo
Weligay danbeeyee
Dhulka deexda dharabka leh
Nin dallaallimaystow
Dad anaa ku hadhayee
Dhanka kale u diga rogo
Anoo daaya mooyee
Godobteyda daah iyo
Dadab yaa ku xidhi kara?
Anoo daadsha mooyee
Dabka yayga dhiga kara?
Haddaan doohba lay barin
Dibso yaa I odhan kara?
Rag dagaal isugu yimi
Haddaan guuli kala dirin
Ama duubi wada jabin
Isma dooda dhuuxdee
Marka dhaylo dubantee
Digsi xanan kulkaan bado
Iska rogo daboolkee
Fadhi dagagar yeeshaan
Garan dooca hadalkee
Debci qori hay faro.
Dirirtaan dhanna u dhicin
Dillo aan cuskanoo
Dabar ugu badheedhaa
Docna ima hor-taallee
Waxaan dani I yeelsiin
Is dugaashan maynoo
Dalqad baa ka taallee
Ilaa laysu dayn baxo
Waa duurxul nabadduye
Anigoo wax dili kara
Duco qaadan maayoo
Nolol kuma dardaarmee
Haba diirran oloshoo
Danba haw gilgilatee
Aaway dawladdii Xamar?
Duqri may maqlaysaa
Daratiyo kud iyo caal
Durey iyo kul iyo daaf
Waxaad duumo hidisiyo
Waxaad hayso daacuun
Annagaa daweynee
Dabaq qudha isugu gee
Ha ka tegin duruustey
Rag isaga danbeeyeen
Isku soo daroo keen
Cirka sare badh soo dumi
Waxaad hayso soo daa!
Dala’siga xanuunka leh
Dadnimaa ka dhalatee
Nolol aan ku dirirree
Darxumooyin nagu fala
Aan doombir qodonnee
Durdurada si naga dhaha
Dhirta aanu daaqnee
Guba dalagga beeraha
Dekedoo dhan naga xidha
Aan diinka qalannee
Cagta mariya duunyada
Aan direyska jamannee
Dirka maradu leedahay
Duni yaanay nagu hadhin
Marka salabku deeddamo
Daran doorri laba dhaco
Ardadaa dillaantee
Dadku haysu boodee
Ku dalbada hubka is wada
Dawersaad ku dhaqantaa
Dixda dhagaxa yaalliyo
Dogob aan ku furannoo
Farsamooyin dayannee
Keen dabaabadii hadhay
Cabsi iyo dardaan iyo
Dacwad iyo baroor iyo
Dugey yeedhi maysoo
Hengel waa la daayee
Ha mashxarado dumarkuye
Deldelaadda boqol boqol
Kala daran isugu xidha
Dacartaa ku shidantee
Ha darrooro hilibkuye
Daldaloosha xididdada
Marka toban la dooxaba
Annagaa kun dihannoo
Badhba diir u gelinnee
Dubta beerka caydiga
Dunqulaalka madagtiyo
Xololaddada ka daba hura
Annagaa ku daarroo
Qaybo degel gufeynoo
Duni kale abuurree
Duddun waayi maynee,
Idinkaa wax dumiyee
Daari yaanay taagnaan
Idinkaa degdegayoo
Nafta doojinaayoo
Diihaal la sahayee
Dux halkaad ku aragtaan
Dardarsada wadaamaha
Isku lura daldalashada
Docolkiyo hareeriga
Annagaa ka diirree
Furta dahabka ooryaha
Iyo duluca gaarida
Diriciyo malkhamadaha
Kala baxa dukaannada
Inta lagu dekeeyiyo
Inta lagu dingiigsado
Inta daabac lagu dhigo
In durraaxad lagu simo
Adaa dawladee guro
Anna weliba deeqdaas
Waxaan kuugu darayaa
Inta igu dul-saarka ah
Marka ay dibbootee
Nin hagraday ka daryshee
Dugsi looga leexdaan
Daba geli aqaannaa
Markay ciinka daaqdaan
Dabka ugu xiddigiyaa
Nin dumaala baan ahay
Degel fule ka bara kacay
Nin ku diirsadaan ahay
Maalintay u daran tahay
Marka daawad lala tago
Nin didsani iskaga hadho
Annagaa ku dirirnoo
Halka daranku dhicinoo
Sida loogu dabar go’ay
Deelley ka tirinnee
Nin debcow dhan uga guro
Dibadda iyo gudahaba
Dacallada hor iyo gees
Doc kastaba adoo jiga
Isu baydh dad-qalatow
Isku daya kas iyo maag
Inaad xeesha dalabta leh
Igu laba dibleysaan
Isku duuba qorigiyo
Birtaan daabka haystiyo
Midigtayda daalacan
Rabbi derejadiisiyo
Deeqdiisa culus iyo
Diintaan ku dhaartay
Culimada ducaysiyo
Lagu hubo daliilkee
Digrigaan ku dhaabtay
Xilka dawlanimadiyo
Dalka iyo shinkiisiyo
Dad leh baan ku dhaabtay
Dooddigii Mandheeree
Laga qaxay dayaankiyo
Darban baan ku dhaabtay
Dhabbad iyo Gal-dogob iyo
Digtii warayaal iyo
Duman baan ku dhaabtay
Birjeex deedankeedii
Laga diday kulkeediyo
Degsan baan ku dhaabtay
Lixle damacyadiisii
Diric Ina Saleebaan
Duxan baan ku dhaabtay
Ifku Xaamud daariyo
Khaliif doorrankiisiyo
Digan baan ku dhaabtay
Hurre doonnantiisii
Gurey Ina Dawaarriyo
Dar kalaan ku dhaabtay
Islow dara-digiisii
Danab Aadan Shiiniyo
Dadban baan ku dhaabtay
Karuur duur-xulkiisii
Iyo damalki Koosaar
Dedan baan ku dhaabtay
Dil-dillaanka dhiiggiyo
Inta nacabku dooxee
Dahan baan ku dhaabtay
Inta daahya dhagartiyo
Ku xidh-xidhan dalluuntee
Dabran baan ku dhaabtay
Dalan-doolka caydhiyo
Dingaraarka mudankiyo
Dibjirkaan ku dhaabtay
Inta cadowgu dayrshee
Dibadaha u hoyatee
Dulman baan ku dhaabtay
Aqallada daloolee
Doolaabo huruddee
Dansan baan ku dhaabtay
Garashada dareenkiyo
Inta laga dab-qaatee
I dirtaan ku dhaabtay
Dacar iyo ladh jiifiyo
Inta doogta kicisee
Damaqdaan ku dhaabtay
Dhulka hanad ka duuliyo
Duriyaan ku geydee
Daalacaan ku dhaabtay
Dar-daraa barbaartiyo
Inta dirirta geydee
Diran baan ku dhaabtay
Dedda-ruxanka maankiyo
Daaraanta godobtiyo
Dunbukhaan ku dhaabtay
Doodaha sinnaantiyo
Dimuqraadinimadiyo
Daacadaan ku dhaabtay
Deebaanka noloshiyo
Diiwaanka nabaddiyo
Duuggaan ku dhaabtay
Dil-dillaaca waagiyo
Dabka iyio cadceeddiyo
Dayaxaan ku dhaabtay
Qalinkiyo dawaaddiyo
Dugsiyada aqoontiyo
Dawankaan ku dhaabtay
Dalawada la maaliyo
Daableyda gudintiyo
Doobigaan ku dhaabtay
Darka iyo wadaantiyo
Inta doojinaysiyo
Dawliskaan ku dhaabtay
Digirtiyo galleydiyo
Durdurrada waraabshiyo
Dibigaan ku dhaabtay
Inta dhididku deeqee
Dan xalaala jiratiyo
Dubbahaan ku dhaabtay
Da’da soo kacaysee
Dummaddayda xilatee
Dagan baan ku dhaabtay
Hirka Daalalleydiyo
Dersan iyo Rashiid iyo
Duculdaan ku dhaabtay
Inta diib is marisiyo
Naxariista dunidiyo
Dumarkaan ku dhaabtay
Dab haddaan hunqaacdiyo
Haddaad daacdo dhabataba
Haddaad adigu doontiyo
Haddaad adigu diiddaba
Haddaad ii darraatiyo
Haddaad ii ducaysaba
Haddaad maato dabatiyo
Haddaad doobta lalisaba
Haddaad doolli noqotyo
Haddaad daasas fagataba
Haddaad geelal didisiyo
Haddaad dylo shabisaba
Haddaad faan dudubsiyo
Haddaad been daldalataba
Haddaad kaara ducatiyo
Haddaad geeri dihataba
Haddaad dooddi oroddiyo
Haddaad deeddan socotaba
Haddaad soo durdurisiyo
Haddaad xeel la durugtaba
Haddaad waalli duushiyo
Haddaad maan ku dirirtaba
Haddaad daad faruurtiyo
Haddaad soo da’fanataba
Haddaad duusho kicisiyo
Haddaad dawri carisaba
Haddaad dawga xidhatiyo
Haddaad deyr is marisaba
Haddaad buur la deristiyo
Haddaad dooxyo qodataba
Haddaad doobir shidatiyo
Haddaad diina taxataba
Ha Goblamo dad weynuhu.
"Rabbow janadaada deji,
Durduuri Rabbow wabiyo,
Malabka doocaan ku jiro,
Hadraawi Rabbow daryeel,
Darkii nebbigiyo Rabbow,
Fardawsa docdiisa yeel.."
Amiin 😭😭
18-08-2022 maalin xasuus leh
Q
Teyds
Aamiin
Aamiin Aamiin yaa ALLAH
Allah cimriga iyo caafimaadkaba hakuu barakeeyo Abwaan hadraawi
MashAllh maxmed Ibrahim warsame sicid hadraawi ilahay ha ku geyo janad tan ugu saraysa MashAllh halgamga dalkayga
Ilaahay naxariistii janno hakawaraabiyo hawna nuuro qabriga aamiin yarabi
RABBI Naxariistiisa Janno ha ugu deeqo Mujh Abwan Hadrawi
Ilaahay naxariistii jano haka waraabiyo marxuun maxamed Ibrahim warsame hadraawi maantuu dhintay
Awoowo xaamud ibraahim yaasin hoori alle hku naxaristo😢😢😢
Abwaan Hadraawi. Radiyallahu canhu. Cimriga allah hakuu dheereeyo.
Dhabolaq wll yaan Lajar jarin clipkan daalalay waayo qiimo ayuu leeyahay waxaana joogay goobta hadraawi ku tiriyey mahadsanid
Wad ayaanbadnayd wll
Waaaw 🥰 gabay darajo leh weeye allow noo xafid hadraawi
Alle haw naxariisto abwaan maxamed ibrahim warsame hadraawi.
19 Aug 2022
Jumce.
Aaway dawladii xamar
Duqi ma imaqlaayaa
Daratiyo kud iyo caal
Anagaa dawaynee
Aanu diinka qalanee
Dakadana naga xidha
Xaqiiqadii soosocatay ayuu kasii waramay
Alle cimriga iyo cafimadka ha udhereyo abwan mujaahid hadaraawi
Raxmaanku naxariisto jano hawgu deeqo
AUN Mahamed ibraahim warsame Hadraawi
Hadraawi qof maahee waa qaran weeyaan
Guul snm ilahayo unaxariiso lixle damacyadiisi danab adan shiniyo dihanban ku dhartay
😭😭😭😭mashadii banana adeero ilahoow janadu kugee sunta cadowgad ahayd wan no halgantay Durba wan ku xiisnay ilahoow cadabta ka xoree 😭😭😭
Marka hore dad baan ahay
dad dad reebay baan ahay
dunji dhalan rogtaan ahay
hadba fadal durkaan ahay
Nabi dooran baan ahay
han dareersan baan ahay
hiyi durugsan baan ahay
da’da’deed u talisoo
ugu damac fog baan ahay
Dunidaannu wada naal
Noloshaannu deris nahay
Dalandoolka geeddiga
Dan qudhaan u jeedaa
Haddii taas mid lagu daro
Ama daadku halis yahay
Iinta mudan wax doorshaan
Inta daran u leeyahay
Dab waxa ku guban kara
Intuu daaro mooyee
Nimaan xeel ku damin Karin
Docse aniga way wehel
Iyo dulucda guulaha
Intaan daw ku laalla.
Daray waarayaan ahay
Duufaanku ima lulo
Dulin hoose ima galo
Dardaraale ina rido
Digdig beena kuma ruqo
Cirka danab ka soo dhacay
Deli igama raarrido
Kuma dumo tab iyo xeel
Dibin daabyo mooyee
Digaxaadhku ima tiro
Nin danaystay ima tebo
Nin darjiidhay kama naxo
Nin u go’ay daraadday
Isba garey daraadday
In dalleemo lagu huro
Nin dushayda ku xajiyey
Iska daansha daanshoo
Siduu iigu diran yahay
Ayuu iigu dagan yahay
Nin Dagaar fog iga koray
Anaa daaf u soo roga
Marna waxaan dammiintaa
Nin dil iigu xidhan geed
Danni kuma tallaabsado
Wax dahsoona uma tago
Demmanida shil kama dhigo
Ma aqaanno digashada
Haddaan lay dardaar werin
Dib waxaan u dhigan karo
Degdegeeda kuma qalo
Waxaan daadshey baa jira
Intaan daastey baa badan
Daymadaydu waa gelin
Duur-xulkaygu waa seben
Dul-qaadkaygu waa guun
Digniintaydu waa boqol
Diidmadaydu waa kow
Hadday daahdo waa labo
Dardartiisa gaarka ah
Qofna iguma deeqee
Dalabtaanan moogeyn
Inaan dayro lagu mudan
Qofna xagal ka daaciyo
Dal-daloolka kuma naco
Nin la yimi dedaalkiis
Anigaa wax ugu dara
Marna waxaan daboolaa
Xubnihiisa derida leh
Allah hawnaxariisto Abwaan mohamed ibrahin warsame Hadraawi
Alla ha u naxaristo mahamed ibrahim warsame 😭😭😭😭
Maansha alaaah libaax hadraawi
ALOW. GEESI MA AHEYD. RABIHAKUUNAXARIISTO. JANADII FARDOWSA. ALE HAKUU GEEYO QABRIGAHAKUU NUURO. SUAALAHA QABRIGA EEBE. HAKUUFU DUDEEYO. AAMIIN YAARABI🤲🤲🤲🤲
Waa suugaan cajiiba oo laga dhex akhrisan karo dhaqanka cunfiga iyo wax iska dhicinta ku dhisan ee reer Hawdka. Markale waa falsafad dagaal galin oo nolosha oo dhan taabanaysa, waa carin, u quus goyn iyo u yaboohid hoog iyo halaag awood kasta oo dulmi iyo aqoon darro ku socota. Mahadsanid mudane Hadraawi in aad wacyiga Soomaalida ku darsato suugantan oo kale.
Illaahay ha u naxaristo MW Hadraawi
abwaan meel fog wax ka arka ama sii adorosa
Lixle damacyadiisii
Allah haw naxariisto awaan Hadraawi, aamiin.
Alloow kuu naxariiso oo naarta kaa fogee insh tcaalaa,, Anna ducada Aammmiiiiiiiiin oo hadana Aammmiiiiiiiiin,,,
Ha darooro HilipkuyE daldaloolzha xididada
Marka tOpan la dOxapa anagaa 1000kuN diHana😌😌😌 allaw caafiMaad ku ziiii😫💚🤍❤️
Alle naxariistisa hawgu deeqo adeero haad rawi
Ilaahay Naxariistii jano haka waraabiyo marxuun maxamed ibraahin Hadraawia maxaa ka dambeeyey ma ina biixi iyo kaahinbaa maanta wadankii walaaqaya subxaana laah way iska tagi waxa layidhi MIDHO.GEESI BEERAY DOQONI HAWLAYARAAN KUGURATAA
Waxaa uu ahaa mucjiso mar soo martay dunida
xaqiiq wlhi umalYn maaYo in mar kale hadrawi oo kale dunidan laGu arki doono illaahaY haku naxariizto 😢🥰
Illahay naxariistii jano haka waraabiyo ax alla maxaa maalinba damal dhacaya gaariye hadraawi ibraahim gadhle m mooge liibaan ina koosaar harag waafi iyo qaar kaloo badan
Allah haku nacristo abwan hadrawi
Alaahayow.abwaan ma tahay.abwan.qali.
MashAllh maxmed Ibrahim warsame sicid hadraawi ilahay ha ku geyo jahanimo
Jahanama adeereey gacaliso nina nin afkiisa ku geli maaye camalkiisu ku gelayaa. laakiin adiga afkaaga ayaan ka baqayaa in uu ku geeyo.
Ha u qababina inanta zxp qoraalka ka qaldamee🤣🤣
Dhilooy maxd ku cayaysa marxuunka
HadaaN zhaashka darajada dalacada laga NixiN 😌💚🤍❤️
Mucjisadii Mar soomartay somaalida qarniigi labatanad
Abwaan maxamed ibraahin warsame haadrawi
Doodaha sinnaantiyo
Dimuqraadinimadiyo
Daacadaan ku dhaartay!
Democracy and justice forever!😮
Subxaanak!!
Gabaygan yaa wali dhagaysanaayA 18 August 2022
Walee wey dheceen wuxuu sheegey Ceydiid ayaa igu soo dhacey iyo Tuur sidey Faqasha yeeleen ii Noolow Hadraawi
allaha kuunaxariisto.muusesana waykuhaboontahay.hhhhhhhhh.
Dib waxay ka noqotaba
Beloy doorkan maantaa
Adigaan daacad kuu ahay
Abwaankii weyna m ib warsame waxu yadhi dawaarsad ku dhaqanta dixda dhagax yaaliyo dogob
Waa iska xaal aduun
Maansadan inbadan oo jahli iyo kufri noqon karta ayaa ka buuxda, waana inta dambe ee dhaarta ah. Halka uu leeyahay "Ku dhaartey" waxa habbooneyd in uu dhaho "ku dhaatey".
Ku dhaatey Weeye si fcn u dhagayso
Hadraawi aqoonyahanbuu ahaa sxb ku dhaatey weeye
Waxaan filayaa inaad qadaad wayn tahay anagu si fiican ayaanu u dareemeynaa abwaanku sida uu gabayga u tiriyay iyo dulucda gabaygaba adeer hadaanad kuwaa aan sheegey aanad ahayn isa soo sax commentkana nooga dhex bax waayo dareenkayga ayuu hagayaa abwaanku alle ha xafido isaga iyo intii u soo halgantayba jam barakaysan ee
Sheeko adeer niinkaani kaa aqoon badan
Macnaha fahan marka hoore ninkani kaa aqoonbadan dharta waxu ka horaysiyay fahan hayska odhan waa deenbiye waxu ka horaysiyay fahan hayska qirone waxu ka horay siyay magac alle waxu ku yidhi rabi derajadisiyo diintisa culus iyo diinta ku dhartay marka haduu magaca alle ugu horaysiyay maxad ka dooni
Waa lahubaa abwaan hadraawi
taasaanu ka soo dabaalanay oo Aanu beenaynay,ma ma maantaa Jabuuti oo aan gurmad u dirayey maantana Aan iyada ilaaliyo la i tusayaa hebel baa Jabuuti tegey Anigaa Jabuuti ilaalya xamarna warkeedaba daa wax maanta laygu cabsi geliyaa iima muuqdaan,dhibtu waa gudahayga (gol dalooladaa nin ogi gala galaystaa,Cid wax iga qaadi kartaa ma jirto (illahay mooyee,tayda Ayaana rumoobaysa
Hadrawi.mucjiso.iino ana.somartay.somalida.qarnigitegay.anigo wax.dili.kara.duco.qadan.maye.nolol.ku.dar.dar mee.keen.dubaa.badi hadhay.dixda.dhagaxa yaliyo dogob.ku furane
Maalin tii hadraawi dhitay ayaa smolind la Xasuus qay
IdiNkaa dagdagaayO diiHaaL la zaHayEee dux Halkaad ku aragtaaN dardarzada wadaMaHa izku wada daldalzhada 🙄🤮
Dabku xaamud shidee
Qabyaaladayste
Jahligii ito qabiilku waakaas
"Haddan deebta gumuciyo"
"Lagu guban dabkaan shido"
Duhur laysla wada jiro
"Haddan guusha lay dayn"
Ayuu yidhi ninkasi waanu kaga dhabeeyey
Adigu waxaad doonto ku sheeg.
Adba qabil bad ku diidantahee, maxa qabiilkiisa xaraanta ka dhigay .
Waa adigii hadraawi ka aqoon yahansanaaye
waaa faqashtiiii waleeeee
1988 kii ilaa 1991 kii duhur cad ayaa lakala baxay.
Alle cimriga iyo cafimadka ha dhereyo Abwaan mujaahid hadraawi