Xasan Adan Samatar | Dhoof Caashaq .

Поделиться
HTML-код
  • Опубликовано: 19 сен 2024
  • ERAYADII: Abwaan MAXAMED CALI KAARIYE
    LAXANKII: ABDIKARIIN FARAX QAAREY JIIR.
    SUBSCRIBE FOR NEW VIDEOS .
    ►SUBSCRIBE
    ►SHARE WITH FRIENDS
    ►LIKE
    ►COMMENT

Комментарии • 2

  • @AyaanAbdirashiid4631
    @AyaanAbdirashiid4631 Год назад +1

    Allahayow dhib badanaa adoo dhooftay caaashaqa dhul shasheye kaa helay Legend Xasan Adam samatar 🥰

  • @m.ciideed
    @m.ciideed Год назад +1

    Heesta: Dhoof Caashaq.
    Ereyada: Maxamed Cali Kaariye.
    Laxanka: Cabdi kariim Faarax Qaarey (Jiir).
    Codka: Xasan Aadan Samatar.
    ………………………………………………
    0:47
    Jacayl aan dhamaan baa,
    Dhexda iigu maranoo,
    Kii horaa i dhaawacay,
    Kanna waygu dhaatee.
    ………………
    1:34
    Dhabbuhuu ka foofiyo,
    Dhigo qaad miyaan ahay,
    Dharaaraba wax yaablaa,
    Igu soo dhacaayee.
    ………………
    2:15
    Allahayow dhib badanaa,
    Adoo dhoofay caashaqa,
    Dhul shisheeye kaa helay.
    ………………
    2:59
    Waaban soo dhaqaaqee,
    Dhiiranaa il adagaa,
    Dhabaha yuu la soo maray,
    Dhawr habeen dayaaradi,
    Meelay u dhixi buu,
    Dhakhsa iigu yimide,
    Dheereeyee maxaa sida?
    ………………
    4:58
    Waxaan kaloon la dheegagay,
    Gorongosa dhirteedii,
    Dhulkoo hodana ah,
    Geedaha dhayntiyo canbe is xiray,
    Kayn lixaab ilmaha dhigo.
    ………………
    5:28
    Anigoo ku dhuuntuu,
    Iga soo dhex saaree,
    Dhaayihiisu furanaa,
    Ma dhal awliyaadbaa!!
    ………………
    6:15
    Hurdo miyaan dhakoolaa,
    Dhan markaan u seexdaba,
    Sow dhool la moodii,
    Dhabta anoo ku haystaa,
    Kuma soo dhadhabayoo,
    Dheelaloow ma soo koco.
    ………………
    7:43
    Soomaaliya dhankeedii,
    Dhawaaq farax leh mooyee,
    Dhiilo kama sugaayee.
    ………………
    Allahayoow iyadoon dhiman,
    Dhaban quruxsanoo ladan,
    Kal-gacaylkiiyoon dhicin.
    ………………
    Weliba dheeri sii koray,
    Dhulkiiyoo barwaaqaa,
    Dhammaanteena nabad gee.
    ………………