Maanso 2 __ MULAAX {Ibrahim Gadhle}

Поделиться
HTML-код
  • Опубликовано: 23 авг 2024
  • Waa qaybtii labaad ee 2 maanso oo uu lahaa, tirinayeyna Alle Naxriistii Jano Ha Ka Waraabiyee Abwaan Ibrahim Gadhle. Tanina waa talo iyo tusaale la siinayey bulshada af Soomaaliga ku hadsha oo la lahaa; yaanay mar dambe idinka qaloocanin, oo waa inaad tii hore tusaale ku qaadataa.

Комментарии • 122

  • @aadanguray7204
    @aadanguray7204 5 лет назад +11

    ibraahin gadhle wuxuu ahaa midkamida ruganada ugu adag ee fanka iyo suugaanta somalida
    wuxuuna doorar kala duwan ka ciyaari jiray suuganta iyo fanka somalida
    ilaahay naxariistii jano hakawaraabiyo

  • @shrguutaale1
    @shrguutaale1 5 лет назад +37

    Magacaagu yuu noqon
    Mid xummaan ka marakaca
    Sida macawisaa qaar
    Ninba maalin yuu xiran
    Hadba kii muraada leh
    Hawga dhigin maqaar saar
    Mar waxaad dhadhamisiyo
    Majin qaada haw dhiman
    Maskaxdaadu yay noqon
    Maqal lagula leeyahay
    Yaan toban muftaaxiyo
    Lagu furin masaabiir........
    AHUN

  • @khadarabdirahmanyacquub5620
    @khadarabdirahmanyacquub5620 3 года назад +7

    Abwaan/ Macalin .Ibraahim Sheekh Saleebaan- Gadhle. Alle ha u Naxariisto waa maansada aan ugu jecelahay maansooyinka soomaalida.

  • @mustafeyuusuf8677
    @mustafeyuusuf8677 6 лет назад +54

    RABIYOW RAXMAANOW ADIGAA CAADILA ADIGAA RAXMAANA ADIGAA CASIISA ADIGAA QAFUURA RAXMAANA EE ALAHAYOW U NAXARIISO ABWAAN IBRAAHIN GADHLE OO JANATUL FARDUUSA KA WARAABI. AAAAMIIIN DHAHA PLZ

  • @gemstar416
    @gemstar416 4 года назад +12

    Great poet , producer, activist , writer, father, and a Somali. ILAAHOW U'NAXARIISO

  • @ananmohamuud9018
    @ananmohamuud9018 3 года назад +13

    Maskaxdaadu yeey noqon
    Maqal lagula leeyahay
    Aun Abwaan gadhle. December 2020🥰

  • @MOHAMEDMOHAMED-er2qi
    @MOHAMEDMOHAMED-er2qi 5 лет назад +9

    Ilahay haw naxriisto oo qabriga haw nuuro janadina ha geeyo amin inshallah awoowgay ibrahim Aw saleeban

    • @AhmedMohamed-tv6kr
      @AhmedMohamed-tv6kr 2 года назад

      Amin anagana nagu qaali buu ahaa. Illaahay Jannadii farsawsal aclaa ha geeyo.

    • @zayidmeeaad8660
      @zayidmeeaad8660 2 года назад

      @@AhmedMohamed-tv6kr axmadaw rag maka tagay ibrahin

  • @runtasheeg2450
    @runtasheeg2450 9 лет назад +4

    Allah ha u naxariisto Mujahid Ibraahi Gadhle wuxu ahaa abwaan argti fog oo ilhay xikmaad siyay ee waanad qaata dhamaan shacabka somalilnad iyo dhamaan umada Afka Soomaaliga ku hadashaba.

  • @MAHIIGAANCALI
    @MAHIIGAANCALI 6 лет назад +6

    Abwaan ibraahim gadhle alloow kuu naxariiso maansada wuu ku xarragoon jirey.

  • @gabadhahabenwalbaiskukaadi6201
    @gabadhahabenwalbaiskukaadi6201 7 лет назад +17

    alla ilahow kuu naxariiso xigmad badnaaya maansada dhan eray walba waa xigmad iyo hadal marti gun dheer ku jirto oo run ah waana sababta dadka ka qoslin haysa xaqiiqda lagu qoslaa sideedaba lkm Ibrahim gadhle muxuu hadraawi uga magac dheer yahay walahi inayna isku xigmad iyo isku humaag toona ahayn abwaan ka erayo toosan oo ka maanso mug wayn anu mahayo alla jecliyaa maansooyinkiisa xataa hadaana ku taageersanayn mawduucyada qaar xaga siyaasada hadana waad iska macaansan xataa haduu ku caayaayo

    • @osmanbarud5362
      @osmanbarud5362 4 года назад

      Ilàahay naxariistii jano haka waraabiyo adeerkay ibraahin x salebaan

    • @Xulkaqaraamka
      @Xulkaqaraamka Год назад

      Ader hadraawi maansooyinkiisa maanad dhageysan AUN
      Tira siman sagaal tuur
      Sodon keen sideed hoo,
      Waxa hadhay bal suuree
      Ma so,baa ma saan baa
      Sadex iyo shan waa kee
      Sakalaha halaga jaro..
      Laba sulub halagu daro
      Gurya samo halagu furo
      2000-9-30+8=1969 Waana xiliga siinley la bilaabay Yaa zalaam👍

    • @navergiveup9578
      @navergiveup9578 Год назад

      @@Xulkaqaraamkamanso Marka laga hadlayo Ama tix kaad u taqaano 2 meelod baa laga Eega 1: Midhaha / Eray
      2: humaaga
      Tusale : Silsiladii Guba qaman bulxan wuxu ku qaatay Waxay Ahayd Humaaga Midhaha: waaki lahaa Baadida ninba kula daydaya daalna ka badan
      Ibraahin gadhle Wuxu Ahaa ninkii iyadoo abwanada somaliyeed layidhi dhamntiin dadka suuganta bara inta somaliya xuduudkeda kujirta
      Ibraahin gadhle kaligii baa jabuuti Afka somaliga inuu baro loogu diray kilalka 5aad Qaryaan dhoodan kaligii zxp hadrawi reernimo haku taagerin 😢

  • @shevodinio
    @shevodinio 11 лет назад +29

    "Waxaad shalayto mudatiyo
    Mahadhada xasuusnoow
    Halkii qorigu kaa muday
    Mar labaad lugtaadiyo
    Cagtu yaanay kula marin
    Maantiyo dantaadiyo
    Yaan mililku kaa lumin
    Maalmaha danbeeyiyo
    Waxa maqanna faalle".

  • @suleimanmohamed5769
    @suleimanmohamed5769 9 лет назад +9

    ilaahay hau naxariisto abwaanka umaduna allah hafahansiiyo nuxurka talada abwaanka

  • @mohamedothman7519
    @mohamedothman7519 8 лет назад +4

    Alle ha u naxariisto abwaan ibrahim gadhle wxu ahaa waddani halgamaa best abwaan AUN geesi naga baxay oo guul dhashuu ahaa

  • @abdiwaliosman9739
    @abdiwaliosman9739 4 года назад +3

    Allaha u naxariisto aamiin aamiin yaa allah xikmadbadan buuw inooga tagay alloow intiii Muslim ah u naxariisto dhamaanteen aamiin aamiin aamiin yaa allah

  • @gahnuggaydh6383
    @gahnuggaydh6383 2 месяца назад

    ❤❤❤❤❤❤❤❤❤استغفر الله العظيم الذي لاإله إلا هو الحي القيوم واتوب اليه.
    اللهم صل وسلم وبارك على سيدنا محمد وعلى آله وصحبه وسلم تسليما كثيرا

  • @user-he2zk8ve2l
    @user-he2zk8ve2l 4 года назад +15

    Markuu marayo (adigoo mid guursada) waxa dumarkii qosol ka dhacey iyo reactionkooda u fiirso dumarka guur uunbaa u daran 😂

    • @weerarchannel7041
      @weerarchannel7041 2 года назад

      Dib jirad weynatay in AAD tahay ana qiraya.......kkkkkkkkkkkkkkkk

  • @calimaqdis5952
    @calimaqdis5952 Год назад

    Ale ha unaxariisto abwaan ibraahim gadhle waxa uu ahaa nin reer soomalind ah oo isaaqa garxajis ah habaryoonis ah

  • @kho3237
    @kho3237 5 лет назад +9

    *MIDIGTADU* *YAY* *NOQON* *MID* *TOLKEED* *UMURUQ* *WAYN* MAGACAGU YUU NOQON MID XUMANTA KA MARA KACA ABWAN IBRAHIM GADHLE AHUN MIDHO MACNO WYN KU FADHIYAH

  • @liojeams7550
    @liojeams7550 5 лет назад +5

    ilaahow kuu naxariiso yaa sheekh isaxaaq

  • @hadafbeegsade
    @hadafbeegsade 3 года назад +6

    Ninku yidhi Masaan nahay, Mar laqaad talaabada.
    La malayso mooye, yuu madiidin kaa dhigan.
    Midho aad la leedahay, Yuu ku cunin ismoodsii.
    Hadduu tiisi Maamulo, Adna taada maare.
    Hadduu maaday sheegto, Mur kasii qadhaadh noqo.

    • @amiirnour8627
      @amiirnour8627 2 года назад

      haduu sheekto "maaley" dheecanka qudhaca

  • @jabiibocali7336
    @jabiibocali7336 10 месяцев назад

    Alle naxariisti janno haka warabiyo abtigey ibrahin sheekh Saleban gashle wuxu aha cabqari somaliyed

  • @faysalcali2850
    @faysalcali2850 4 года назад +1

    goormay wadaadu iyo macaliminta ina bari ayadihii lagu xoorayn jiray maka iyo madiina Allow unaxariso ibraahim gadhanle

  • @ahashi7828
    @ahashi7828 5 месяцев назад

    Mujaahid Abwaan IBRAAHIM Gadhle Illaahay naxariistii Jano Ha siiyo Somaaliland waxay Ahayd Inay u dhisto Taalo ama XASUUS lagu xasuusto.

  • @Ahmeto536
    @Ahmeto536 5 лет назад +12

    AHN isagoo SNM Guubaabinaya ayaan daawaday

  • @rashidmohamed866
    @rashidmohamed866 5 лет назад +7

    Erey aaan la qaadanayn malaha waa maanso u dhiganta 1000,000,000 (1B)
    Oo maanso meelkasta waa maahmaah run ku qotanta.
    Alle ha u naxariisto rabbi jannada ha geeyo aaamin aaamin aamin

  • @HusseinAli-rd7ki
    @HusseinAli-rd7ki 4 года назад +5

    *Geela maalintii raac,Makhribkiyo habeenkana,Aan kugu ag maalee,Ha maggaabin caanaha,Maaheyska kugu yidhi,Sii mililiciisaa,Waxa kaaga magac roon,Macaluusha gaajada,Haba laga masoobee,Adigoo markaha rida*
    Ibraahim Gadhle "AHUN",
    Intaa abwaanku yidhi Maantay ka taagantahay Somaliland wllee. Cidii fahmysa uun

    • @mohamedaadan7121
      @mohamedaadan7121 4 года назад

      Markaha muxu kala jeedaa

    • @khadarmohamed2676
      @khadarmohamed2676 3 года назад

      Dhinbiil wadani markuhu waa weel weyn oo caanaha geela lagu maalo sida gaawaha ama dhiilka.

    • @soomaalisomalia3758
      @soomaalisomalia3758 3 года назад +1

      @@mohamedaadan7121 waa wixii losoo dagaalamay in xaafadi keligeed cunto . Markaa wuxuu ka wadaa ka dagaalan cadaalad daro.

    • @AhmedMohamed-tv6kr
      @AhmedMohamed-tv6kr 2 года назад +1

      Maarre kuguma haystee
      Mardhow doorashaa iman
      Midkalaba ka dooroo
      Isagana markaa eeg
      Meeraysi reeriyo
      mural kii qabiilkiyo
      Mixnad looma baahnee
      Mushmusaax dalkaagoo
      Dulqaadkana ku muunee
      Wayska maalin dunudiye
      Ninka maalka qaran cuna
      Muusabaha noqotee.
      Isagay ku mudan tahay
      Markay tahay qiyaamaha
      Waar hoy midhkaa qoro
      Sidii meeshan lagu yimi
      Malaa waanad joogine

    • @calaawisalman7889
      @calaawisalman7889 2 года назад

      Adigoo marqaha rida.

  • @abdirahmanmacalin599
    @abdirahmanmacalin599 9 месяцев назад +2

    Midigtaadu YeY noqon
    Mid Tolkeed umuruqweyn.

  • @mohamedothman7519
    @mohamedothman7519 8 лет назад +7

    Aun our legend abwaankii qarniga ibrahim gadhle

  • @osmanmohamedkeire5459
    @osmanmohamedkeire5459 5 лет назад +8

    Legend ayu aha ibrahim gadhle

  • @BashGuevara
    @BashGuevara 11 лет назад +4

    AU abwaan ibraahim gadhle waxa uu ahaa geesi,wadani,abwaan,aqoonyahan waxa uuna baal dahab leh kaga jiraa taariikhda JSL Somaliland. Maansada la yidhaah Dirsooc ee ibraahim gadhle midheehedi weeyaan waxa somaliland horumarka iyo wanaaga ku gaadhey, Ilaahay qabriga ha kuu nuuro ibraahimoow,Allahumma Aamiini

  • @wadanisoomaali7730
    @wadanisoomaali7730 4 года назад +4

    AHUN geesi xikmad leh 👍💜💗💔💟💘❣💝

  • @cabdixasan1437
    @cabdixasan1437 4 года назад +2

    Allah janatal fafdawsa ha Ku geeyo aamiin

  • @Dualle1
    @Dualle1 7 лет назад +3

    lipaaH
    ibraahim gadhle
    alle ha kuu nxriisto

  • @abdijamah7083
    @abdijamah7083 8 лет назад +17

    IBRAHIM GADHLE IYO GAATIYE (AUN)
    HADRAWI
    ABDI QAYS
    CALI SUGULLE
    XASAN GANE
    SALEEBAN BIDE
    and many more
    allow dhowr

    • @abdijamah7083
      @abdijamah7083 8 лет назад

      IBRAHIM GADHLE IYO GAARIYE (AUN)

    • @ahmedhdf3362
      @ahmedhdf3362 8 лет назад

      Dhoodaan mid gaadhayaa kuma jiro

    • @burcokibir894
      @burcokibir894 8 лет назад

      Ahmed HD f dhoodaan xagu haysta kkkk

    • @ahmedhdf3362
      @ahmedhdf3362 8 лет назад

      +Khaliif buhasan DHOODAAN waa Abwaan ka abwaaniinta. Somali oo dhan baa u qirtay. isagu Gabay iyo Geeraar ayuu tirinjiray sida ragii hore.

    • @azlmcl198
      @azlmcl198 7 лет назад

      dee kuwanba wey tiriyeen markaa adaa sheegi meeshuu kaga dhacayo

  • @KosovoO-vt5gl
    @KosovoO-vt5gl 3 года назад

    ALLE HA U NAXARIISTO JANADII FARDAWSA HA DAJIYO ABWAAN IBRAAHIN GADHLE.

  • @jimaale3095
    @jimaale3095 2 года назад +1

    Murtibaa ku dhan gabaygan
    Ibraahim gadhle abwaan wayn

  • @abdirahman2257
    @abdirahman2257 5 лет назад +3

    Maanshalah afkaga Cano laguqabay Abwan Ibrahim gadhle

  • @mohamoudaden7882
    @mohamoudaden7882 6 лет назад +5

    Mar xiiska ruuxkale waxaakaaga magacroon halaguu mashxaradee adigoo mid guursada

  • @shirwacaden5037
    @shirwacaden5037 6 месяцев назад

    Geela maalintii raac
    Makhribkiyo habeenkana
    Aan kugu ag-maale
    Ha magaabin caanaha
    Maahayska kugu yidhi
    Sii miliilicisaa waxa kaga magac roon
    Macaluusha gaajada
    Haba laga masoobe
    Adigoo markaha rida

  • @idirismohamed3184
    @idirismohamed3184 6 лет назад +2

    Alle haw naxariisto Ibraahin gadhale

  • @cabdiraxmancabdullahi420
    @cabdiraxmancabdullahi420 7 лет назад +4

    allaha u naxariisto murti badanaa

  • @abchirabdillahi3036
    @abchirabdillahi3036 7 месяцев назад

    ALLAHA u naxariisto abwaanka weyn

  • @mustafesayid8696
    @mustafesayid8696 6 лет назад +3

    Nin ku yidhimasaana hay marla qaatalabad

  • @candixkiinxasan9203
    @candixkiinxasan9203 7 лет назад +2

    walaahi wax xaqiiquu ka hadlay allow unaxariiso

  • @yaasiinnaasiroffical
    @yaasiinnaasiroffical 4 года назад +1

    Illaahay naxariistii jano haka waraabiyo

  • @libanhassan1325
    @libanhassan1325 7 лет назад +1

    alle hakuu naxariisto maanso mulaax dirsooc ka run badan wayay

    • @aminahssin1758
      @aminahssin1758 6 лет назад

      Adhi Weeyi Allah yaa arxamak Ibrahim suleyman gadhke

  • @abdijamah7083
    @abdijamah7083 8 лет назад +3

    ALLAH HA UU NAXARIISTO

  • @cumarcade8312
    @cumarcade8312 6 лет назад +1

    allah ha unaxariisto abwaankii waynaa ibraamhim gadhle waxaa lagu xasuustaa gabayadiisii xikmada badnaa iyo hal-xidhaalayaashiisii adkaa

  • @hassankahinhassan2693
    @hassankahinhassan2693 4 года назад +3

    IlaaHaw kuu Naxariisay

  • @xasanmuuse6100
    @xasanmuuse6100 3 года назад +1

    Mnshlh abwan aad uqimo badan

  • @SuugaanSafaari
    @SuugaanSafaari Год назад +1

    Alle haw naxariisto

  • @Aaziz5
    @Aaziz5 6 месяцев назад

    Xikmad ❤

  • @saaidabdi836
    @saaidabdi836 Год назад

    Adiguba marwada dumar
    Meher waad ku geydaa
    Malxiiska ruux kale
    Waxaa kaga magac roon
    Ha laguu mashxaradee
    Adigoo mid guursada😂😂

  • @updyhakeimabiib6432
    @updyhakeimabiib6432 Год назад

    Maskaxdaadu yay noqon
    Makhal lagugu leeyahy
    Yaan toban muftaax
    Lagu furan masabiir

  • @abdiwaliosman9739
    @abdiwaliosman9739 4 года назад +1

    Dibi kaligay la iiqalo waxaan kadoorbidi duubiga 5 lagu cuno yasalaaam

  • @cabdiraxmaanxirsijaamac7770
    @cabdiraxmaanxirsijaamac7770 Год назад +1

    Aad ayaad u mahadsantahay
    TIXRAAC,DADAKA WACAN EE
    KEYDINTA SUUGAANTA NUXURKA
    XAMBAARSAN...

  • @ahmeddeeeq7820
    @ahmeddeeeq7820 8 лет назад +3

    Allah yarxam ameen ameen

  • @xirsicarwo5858
    @xirsicarwo5858 3 года назад +1

    Allow jantuL fardws ka waraapi

  • @farxaancalinuur3611
    @farxaancalinuur3611 Год назад +1

    Bal waxan wariyi ku sheg aha eeg abawaka la murmaya

  • @abdulqadirabdulhamid4080
    @abdulqadirabdulhamid4080 4 года назад

    Marantida Haweenkana
    Kola Lagama maarmee
    Marba kii Aroosiyo
    Hamaa weelin Qayrkaa (Qofkale)
    Adiguba marwada Dumar
    Meher waad kugaysaa
    Waxaa kaga magacroon
    Halaguu marxaradee
    Adigoo midguursada

    • @cumarsuudi6257
      @cumarsuudi6257 4 года назад +1

      Walhi waan ooyay ilahayaaw IBRAAHIM saleeban gadhle unaxariiso

  • @suhaibomer4460
    @suhaibomer4460 4 года назад +3

    Ruux macatab qaatiyo
    ka masaajid ka adimay
    maaalinta qiyaamaha
    kolka mawle la hor tago
    mid kastaba abaal

  • @nasirjama2431
    @nasirjama2431 6 лет назад +2

    humaga eega

  • @keysewarmahaye4418
    @keysewarmahaye4418 2 года назад

    Wali may garan

  • @mohameddiriye7315
    @mohameddiriye7315 2 года назад

    Allaahu S c w

  • @keysewarmahaye4418
    @keysewarmahaye4418 2 года назад

    Tolloow musheekhdu goormay garan aayadihii madiiniyo maka lagu xorayn jiray inay noo macneeyaan

  • @NimcoYuusuf-jy4uk
    @NimcoYuusuf-jy4uk 4 месяца назад

    😊❤😊❤😊❤🎉

  • @nuursagaale454
    @nuursagaale454 8 лет назад +2

    maanso abdo leh

  • @NimcoYuusuf-jy4uk
    @NimcoYuusuf-jy4uk 4 месяца назад

    ❤❤❤🎉

  • @xirsicarwo5858
    @xirsicarwo5858 3 года назад

    HaanTupa mugeeda puYp lagu miiza

  • @AaminaJaamac-dy8un
    @AaminaJaamac-dy8un 5 месяцев назад

    0:50

  • @sahraahmed7453
    @sahraahmed7453 4 года назад

    MSha allh

  • @user-dh9bd5st6t
    @user-dh9bd5st6t 3 года назад +2

    Mullaax*

  • @abdullahiosman5007
    @abdullahiosman5007 2 года назад

    Erayga mulaaxo Waa Maxay

  • @mukhtarbaadil
    @mukhtarbaadil 5 лет назад +2

    Gooorma ??????

  • @diredawa4910
    @diredawa4910 Год назад

    mahdi osman

  • @AhmedMohamed-tv6kr
    @AhmedMohamed-tv6kr 2 года назад

    Waar riiraashku waaba niicle

  • @psIronman
    @psIronman 15 лет назад +1

    A legend

    • @nasirjama4370
      @nasirjama4370 6 лет назад +1

      Ilaahay naxariistii jano haka waraabiyo mujaahid Ibrahim gadhle marka aad ufiirsato hadaladisa kelmadiba takale ayay kaqaro weyneyd

    • @elmiyusuf9282
      @elmiyusuf9282 6 лет назад +1

      @@nasirjama4370
      somaliland muu ahayn reer jabuuti buu ahaa kala saara qabiilkiyo wadanka

    • @abdimagan3482
      @abdimagan3482 5 лет назад

      @@elmiyusuf9282 waa runtaa waa reer Djibouti laakin qayb libaaxle ayuu ka soo qaatey halgankii Djibouti iyo Somaliland.

  • @NimcoYuusuf-jy4uk
    @NimcoYuusuf-jy4uk 4 месяца назад

  • @abdulkadiraden1409
    @abdulkadiraden1409 4 года назад

    Kkkk

  • @AL_shahada
    @AL_shahada 3 года назад

    Anaa reer hebel anaa reerhebel hadana kularoga rugtada war rer hebel maasoobarbaarshen jinsiyooyin bilaa baasaboor kuqanacyaal islaqurxan nin walba foolkaa loogu tiray adigaa fiican

  • @NimcoYuusuf-jy4uk
    @NimcoYuusuf-jy4uk 4 месяца назад

    😂

  • @abuubakaribraahim1729
    @abuubakaribraahim1729 3 года назад

    .