AUN Khadra Daahir Cige iyo heesta dadkoo uruurayoo isku tagay dhamaan ma ogaan karan dhageesi wacan

Поделиться
HTML-код
  • Опубликовано: 19 сен 2024

Комментарии • 8

  • @Keydka_Taariikhda
    @Keydka_Taariikhda 4 месяца назад +2

    ereyadii Abwaan cabdiqaadir xirsi yam-yam 😢

  • @user-pb7rh5cl7j
    @user-pb7rh5cl7j 3 дня назад

    🎉 0:28

  • @seidabdi751
    @seidabdi751 11 месяцев назад +2

    ALLAAH YARXAMHAA KHADDRAH SHEEXKH TTAAHIR CIGE OO AALA-UM-MAYMUUNAH AHAYD AHAYD AHAYD AAMIIN

  • @crasaaqanzhax1579
    @crasaaqanzhax1579 7 месяцев назад

    Alla yarxamah ❤❤️😭

  • @SuugaanSafaari
    @SuugaanSafaari 7 месяцев назад +1

    Abwaan YamYam markii uu sameeyay heestan ay Khadra dhool ku luuqayso ee "Dadka oo ururayoo"
    Waxa uu hayay Alifideedii kadib afarsano, waayo wuxu u raadinayay Af-shaxan u qalma midhaha isaguna uu ku qanco, judhiiba waxa uu u geeyay Harawo oo uu yidhi laxamee balse kumuu qancin hadana c/qaadir jiir ayuu u geeyay oo uu yidhi laxamee balse isna sidii si leeg kumuu qancin abwaanku laxankaa la saaray wax uu socdaba laxamiistayaashii koonfurta oo dhan buu u geeyay midba mar balse kuma uu qancin dhamaantood.
    Uugu dambayna waxa abwaan yamyam loo soo tilmaamay Hargaysa oo lagu yidhi halkaa tag halkaasaad ka helaysaa niman aqoon durugsan u leh laxan samaynta'e Hargaysa ayuu yimi waxaana uu markiiba la kulmay laxamiisteyaal ay ka mid ahaayeen bashiir xadi, jaangoo iyo qaar kale nasiib daro iyagana kuma uusan qancin sidii kuwii hore, uugu dambayn wuxu yimi Tiyaatarka hargaysa isaga oo niyad jabsan halkaana iska taagan ayaa waxa uu kula kulmay Maandeeq, salaan kadib abwaankii waxa uu u sheegay in uu la dhibanyahay heestan laxankeeda kadib Maandeeq waxa ay u tilmaantay Laxandhaadhigii, Mu'alifkii, ,Mufakirkii iyo Hoobalkii Axmed Gacayte Yuusuf, islmarkiiba waa ay is raaceen intay gaadhi qaateen iyaga oo u jihaystay goobtii ay Maandeeq ku taqaanay Axmed Gacayte, abwaan YAMYAM markii uu u dhiibay midhihii uuna sheegay in uu ilaa Goobe uu u geeyay balse aanu helin wali laxankii uu la doonayay heesta, ayuu Axmed isla markiiba helay laxankii lagu dhibaatooday halkiibuu abwaankiina la dhacay laxankii sidaasanay heestani ku soo baxday afarsano ka dib curinteedii.
    Erayada heestana waxa ka mid ah.
    Dadkoo ururayoo
    Isu Tagay dhammaan
    Ma Ogaan Karaan
    Mooyee Isagaa
    Ayaa Way haa
    Uga warama
    Aramidu Inay
    EeL dheer taqaan
    Hadba waxaan Arkaa
    Anoo Ay Cidlo ah
    Eridhaban Sidii
    Kuu OLolayee
    Ubax baan sidaa
    Kuula Soo Ordee
    Maad Iga Aqbali
    Eedaad Kalgacal
    Adaa Igu Ugbaye
    Dhibta Maw Ur bixin
    Naftan Naftan
    Naftan Ku Ogolee
    Ku Abaajidee
    Ku Abaydinkaa
    Ee Kugu Indha La'a
    Haa Kugu Indha La'a
    Usha Maad
    Maad U Qaban?
    Usha Maad U
    Qaban Usha.
    Ifa Faala iyo
    Sahan Aragti dheer
    Sida Awliyaan
    Ku Odorosayaa
    Ayaa way Uga Haa
    ILo Biyo Leh
    Ku Ag meerayoon
    Oonku Iga Ba'ayn
    Garta Odoyadaa
    Lay soo diraa
    Xasuus Iyo Aqoon
    Afti Kaa Baxshee
    Yey Ku dhicin ILmadu
    Dhir Abaarsatee
    Isha Sacabka Mari
    Eedaad Kalgacal
    Adaa Igu Gudbaye
    Dhibta Maw Urbixin
    Naftan Naftan
    Naftan Ku Ogollee
    Ku Abaajidee
    Ku Abaydinka ah
    Ee Ee Hee Hee
    HAA HAA Kugu
    Indho La'a Usha
    Usha Maad U qaban
    Usha Maad U Qaban
    Usha Usha Maad
    Uqaban Usha usha.
    Hees xusid mudan ❤
    Taariikhda 1976 Yamyam
    Erayada Yamyam AHUN
    Laxanka A Gacayte AHUN
    Luuqda Kh Daahir AHUN.

  • @CarafaadMahamed-u8e
    @CarafaadMahamed-u8e 7 месяцев назад

    Sayidks

  • @AxmedbarrecaliAxmedbarre-ni7mr

    Is calaa hes