Faa'iidada Guurka Garoobta

Поделиться
HTML-код
  • Опубликовано: 27 янв 2025
  • Faa’iidada Guurka gabadha garoobta ah!
    10 qodob oo ku tusinayso faa'iidada guurka gabadha garoobta ah!
    1. Garoobta guursigeeda waa sunnadii Nabiga sallalaahu calayhi wasallam uu ku billowday (Khadiijo), markii uu dhimanayey wuxuu qabay 8 garoob ah iyo 1gabar ah, taasi waxay ku tusaysaa sirta guusha weyn ee ku jirto guursiga garoobta.
    2. Garoobtu waxay ku dedaalaysaa in aanan mardanbe la furin si ay u ilaaliso sumcaddeeda dadka dhexdiisa iyo ehelkeeda si aanan loo dhihin waa naag xun waxa markasta loo soo furayo ayey qabtaa.
    3. Garoobtu waxay ka tanaasushaa waxyaabo badan waxayna wanaajisaa macaamilka ninka cusub waxayna niyadda ku haysaa qofka mu'minka ah laba jeer god lagama wadaqaniino.
    4. Garoobtu waa naag diyaarsan oo soo aragtay dhaqan soo baratay habaynta guriga, karinta cuntada, is nadiifinta iyo isqurxinta taasoo aysan u sahlanayn gabadha.
    5. Garoobtu waa naag khibrad leh, haysato shahaado guur, aqoonna u leh guurka iyo wax uu yahay kasbanayso ninkeeda cusub kana digtoon furriin labaad.
    6. Garoobtu wey ka kharash yartahay gabadha dhan walba waxayna soo aragtay dhibaatada garoobnimada waxayna raadinaysaa in la dhaho un waa xaas oo waa laqabaa.
    7. Garoobtu wey kasoo jiidasho badantahay, kana hadal macaantahay, kana caraf badan tahay, kana deeqsisantahay, kana waayo aragsan tahay gabadha.
    8. Garoobtu waxaa ay habeenkeeda u hibayn kartaa xaaska lala qabo si ay u soo jiidato jecaylka iyo qadarinta ninkeeda.
    9. Garoobtu guurkeeda waa uu ka sahlan yahay midda gabadha, haddii ay hanti leedahay waxay ugu deeqeysaa guurkeeda si uu u najaxo, haddii aysan hanti laheynna waxay ka tanaasulaysaa xuquuq badan oo ay lahayd si uu u najaxo guurkeeda labaad.
    10. Saxaabada iyo taabiciinta Allaha kawada raalli noqdee waxay isku ciriirin jireen albaabada garoobada si ay u helaan sirta ku jirta guushaasi. Alle markii uu arkay tartankooda wuxuu soo dejiyey aayad quraan oo uu ku leeyahay suga inta ay ciddada uga dhamaanayso.
    Yaan la moogaanin fursaddaas uu Nabi Muxamed Sallalaahu Calayhi wasallam ku najaxay, xidid badanna ku yeeshay. Saaxabada iyo taabiciintana uga wada faa'iidaysteen.
    Haddaba Garoobta guurkeeda waxaa un ka cabsada 2 nin : -
    Nin is leh armaad galmo yartahay oo ay kula yaabtaa?? Iyo Nin ay xubintiisa taranku yar tahay oo is leh armay kugu qososhaa?
    Midda koowaad haddaad galmo yaraan ka cabsanaysid markaad garoob guursato waad godlan ee ha cabsan.
    Haddii aad la cabsato xubinta tarankaaga oo yar waxaa laga yaabaa in ay soo aragtay xubin taran oo weyn oo shaqo yar sidaaa darteed xubintaada taranka oo yar la mahdiyo sir badan ayaa ku duugan guurka garoobta ee ha moogaan, Alle wax walba sida uu irsaaqadda u qeybiyey ayuu nolosha kalena u qeybiyee!
    Allow noo fududee guur lagu liibaano adduun iyo aakhiro.

Комментарии •