Qaabke Dhulku u eegyahay? Mucjisooyinka Quraanka ee Sayniska!!

Поделиться
HTML-код
  • Опубликовано: 28 сен 2024
  • acluumaadka ku saabsan Dhulka waxa uu ka mid yahay mucjisada ugu wayn ee Quraanku ka waramayo, gaar ahaan marka la barbardhigo aqoonta maanta dunida taala. Waxaan idiin cadaynayaa in macluumaadka ku saabsan Dhulka ay kuwada dhaceen/hoobteen dhamaan diimaha kale marka laga reebo diinta Islaamka. Alxamdulilah.
    DHULKU MA SAXAN AYUU U EEGYAHAY MISE UKUN?
    Horta intaynaan ka waramin qaabka uu Dhulku u eegyahay waxaan idiin soo bandhigayaa waxa ay diimaha kale ka aaminsanyihiin Dhulka iyo sida uu eegyahay.
    Diinta Kiristanka waxay aaminsanyihiin in kitaabka (bible) uu yahay hadalkii ilaahay, bal aan fiirino waxay ka dhaheen qaab dhismeedka Dhulka.
    “(Injiilka Mathew ch:4 V:8) iyo (Injiilka Luuk ch:4 V:5) waxay ka waramayaan in shaydaan soo kaxeeyey Nabi Ciise oo uu saaray buur dheer kadibna tusay boqortooyada aduunyada oo dhan” Sidoo kale kitaabka (Daniel ch:4 V:10-11) “Ninbaa leh waxaad ii fasirtaa riyadaydan, aniga oo hurda ayaan arka geed dheer oo ku yaal dhulka badhtankiisa, aadna u dheer waxayna dherarkeedu gaadhay samada kadibna waxa laga arkay dhulka oo dhan.”
    “Waxa is waydiin leh hadii aad fuusho buurta ugu dheer aduunka ee (Everest) ma arki kartaa aduunyada oo dhan hal mar, waxay suura gali kartaa oo kaliya marka uu dhulku yahay mid saxan u eeg, laakiin hadii uu dhulku yahay mid kubad u eeg ma arki kartid aduunyada oo dhan hal mar”
    “Geed dadka dunida jooga oo dhan ay arkeen suurta gal maaha, maadaama dhulku yahay sida kubada oo kale, qofka Afrika dagan waxa Maraykanku ka xigaa hoostiisa, waxa kaliya oo uu suurta galayaa in geedka lawada arko markuu dhulku yahay sida saxanka ah oo kale”
    Halkaa waxaan ka fahanay in diinta Kiristanka ay aaminsanyihiin in dhulku u eeg yahay saxan (flat). Hadana bal aan eegno diinta Hinduuska siday u arkaan Dhulka.
    (Naringa Purana , Page: 169. Abithana Sinthamani says the Earth is flat) Abithana Sinthamani waxa uu leeyahay Dhulka waa mid u eeg sida saxanka.
    Dadku waagii hore waxay rumaysnaayeen in dhulku yahay mid (Flat) ah, waxa markii ugu horeysay reer galbeedka u iclaamiyey in dhulku yahay sida kubada oo kale Nin badmaaxa ahaa oo la dhaho Sir Francis Drake, Ninkan oo dhulka oo dhan markab ku maray ayaa u cadeeyey inuu dhulku yahay mid wareegsan oo aan fidsanayn sanadkii 1597 dii. waa kun sano geeridii nabiga kadib.
    HALKAN KA AKHRISO QORAALKA OO DHAMAYSTIRAN: gaaldiid.com/pr...

Комментарии • 30